Shabaab oo weerar Dhimasho sababay ku qaaday ciidamo ka tirsan Dowladda

0
Sunday December 20, 2015 - 11:10:55 in Wararka by
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo weerar Dhimasho sababay ku qaaday ciidamo ka tirsan Dowladda

    Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay weerar Dhimasho sababay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, weerarkaasi oo ka dhacay Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya shalay gabal dhicii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay weerar Dhimasho sababay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, weerarkaasi oo ka dhacay Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya shalay gabal dhicii. Afar Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Somaliya oo ka ambabaxay Degmada Baardheereee Gobolka Gedo, kuna sii jeeday Magaalada Garbahaareey ayaa wadada waxaa u galay rag ka tirsan Shabaabka oo halkaasi iska hor imaad uu ku dhexmaray.

Ciidamadan ayaa waxaa lagu weeraray deegaanka Faanweyn, waxaana halkaasi looga dilay labo Askari oo ka tirsaneyd Afartii Askari ee ka soo ambabaxday Degmada Baardheere.

Labadii Askari ee kale ayaa ka baxsaday deegaanka Faanweyn, kadib markii si xeeladeysan ay ugu dhuunteen Maqaayad kadibna halkaasi ay ka sii carareen, sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Warbaahinta gudaha.

Meydka labadii Askari ee lagu dilay weerarka ka dhacay deegaanka Faanweyn ayaa saaka lagu aasaya Magaalada gudaheeda, kadib markii dadka deegaanka ay arintaasi isku xil saareyn.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Gedo weli kama aysan hadlin weerarkaan qorsheysan ee Shabaabka ay ku dileen labo ka tirsaneyd ciidanka Dowladda.

Shabaab ayaa shaqo ka dhigta Beegsiga ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee ku sugan Gobolada dalka Somaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip