
Dowladda Somaliya oo gacanta ku dhigtay ninkii ka dambeeyay dilka Suxufiyadda Hindiya Xaaji
Wasiir Ku Xigeenka oo laga maqlaayay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in ninkaasi laga helay macluumaad badan, iminkana ay gacanta ku hayaan hay’adaha amniga ee Gobolka Banaadir, sida uu yiri.
Waxaa uu ballanqaaday in dhawaan la soo bandhigi doono macluumaadka laga helay shakhsigaasi, si ay ula wadaagaan ummada Somaliyeed dembiilaha dhabta ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo cambaareeyay falkii lagu dilay Suxufiyadda, ayaa waxaa uu ku eedeeyay Ururka Al Shabaab oo looga bartay dilalka ceynkaasi oo kala ah.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in Wasaaradda Warfaafintu ay kafaalo qaaday saddex carruur ah, oo ay ifka kaga tagtey marxuumad Hindiya.
Hindiya, ayaa carruurtaasi u dhashay Wariye Liibaan Cali Nuur oo Shabaabku ay ku dileen weerar ay bishii September ee sanadkii 2012-ka, ay ku qaadeen Guriga Hooyooyinka oo ku dhow Madaxtooyada Somaliya.
Dowladda Somaliya oo gacanta ku dhigtay ninkii ka dambeeyay dilka Suxufiyadda Hindiya Xaaji
Laamaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen ninkii laf-dhabarta u ahaa dilkii Magaalada Muqdisho 3-dii bishan loogu gaystay Suxufiyadda Hindiya Xaaji Maxamed. Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Warbaahinta Dowladda