WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Sunday December 20, 2015 - 09:09:15 in Wararka by
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA DICEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOO XERAY SHIR WEYNIHII LOOGU HADLAAYAY ARRIMAHA DHALINYARADA SOOMAALIYEED Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynihii Qaran Ee loogu hadlaayay Arrimaha Dhalinyarada oo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOO XERAY SHIR WEYNIHII LOOGU HADLAAYAY ARRIMAHA DHALINYARADA SOOMAALIYEED Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynihii Qaran Ee loogu hadlaayay Arrimaha Dhalinyarada oo ka furmay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya. Shirka oo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu Shalay ka Fu ray Muqdisho ayaa waxaa maanta laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 6 Qodob.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Xiritaanka Shirka ayaa sheegay in ay Adag tahay in Xiligaan laga gudbo Nidaamka 4.5 Ee Soomaalidu ay wax ku qeybsato,waxaana uu xusay in ay u baahan tahay ka Gudbida Arrintaasi in Soomaaliya ay midowdo oo ay Gacmaha is qabsato.

"Waxaan Codsanayaa in Dadka Markasta dhaha Soomaaliya ha noo laato in la Joojiyo waayo Soomaaliya wey noo shahay oo ma dhiman,taa badalkeeda ha ku badalaan Soomaaliya ha israa cdo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka gudbi karto Han aanka 4.5 Ee Qabiilka ku saleysan markii Soomaaliya ay israacdo ayuu Xusay in Qabiil wax ku qey bsi laga bixi karo.

Gabagabada Shirka ayaa waxaa la soo saaray warmurtiyeedka ka koobnaa qodobo badan oo xal u ah dhibaatada heysata Dhalinyarada Soomaaliyeed eek u nool gudaha dalka iyo dibadiisa.

WASIIRKA GAASHAANDHIGGA OO GAADIID KALA WAREEGAY SAFIIRKA UK EE SOOMAALIYA ..

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shalay kala wareegay gaa diid loogu deeqay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Harriet Mathews.

Munaasabadda wareejinta gaadiidka ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Ca dde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ku taal Safaaradda UK.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Ingiriiska taageerada ay u fidiyeen ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in taageeradan gaadiid loo adeegsan doono si waafaqsan shar ciga iyo nidaamka dawligaa.

"Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan saaxiibka nahay ee Ingiriiska oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Gaadiidkan guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahad celineynaa dawladda Ingiriiska,” ayuu yiri Wasiirka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed oo goobta ka had lay ayaa xusay in gaadiidkan ay dowladda Ingiriisku ugu deeqday ciidanka uu yimid xilli ay jirtay baa hi. Isagoo mahadcelin u jeediyey Safiirka iyo dawladda Ingiriiska.

Dhanka kale, Safiirka UKa u fadhida dalka Soomaaliya Amb Harriet Mathews ayaa xustay in tag eerida dowladda Ingiriiska ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka tahay daacad. Isla mark aana ay xoojin doonaan taageerada ay siinayaan Ciidanka Xoogga dalka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa horay qalab ciidan iyo gaadiid ugu deeqday dowladda Mare ykanka iyo dowlado kale oo taageera ciidamada amniga Soomaaliya.

WASIIR FARKEETI AYAA SHALAY SOO XIRAY AQOON IS WEYDAARSI U SOCDAY SHAQAALAHA CANSHUURAHA BARRIGA

.Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Farkee ti ayaa shalay soo xiray aqoon is weydaarsi u socday laba todobaad Ciidamadda Ilaalada Canshu urah iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka howlgala canshuuraha bariga.

Aqoon is weydaarsigaan ayaa u jeedkiisu ahaa in lagu barto isla shaqynta ka dhaxaysa qayb aha kala down ee ku howlan aruurinta canshuuraha , taas oo laf dhabar u ah kor qaadida dakhliga dalka,.

Ugu horayntii Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Gen. Cabdullahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay isla shaqaynta Ciidanka Booliska iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliy aadda.

"Waxaa sharaf noo ah in shalayna horfadhiyaan Taliyaha Ciidanka Boolika Soomaaliyeed iyo Wasiirkii Maaliyadda, waana arin nagu cusub in shalay aan u fadhino mudo badan oo dalku ku jiray bur bur sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Cidanka Ila alada Canshuuraha (TurubaTaariyo). Waa inaad si wada jir ah u ilaalisaan hantida dadweynaha, wa xaana ogaataan dalka waxaa horay u dhisay canshuur, hadana waa in aan soo noolaynaa kaaby aasha dhaqaalaha dalka” ayuu yiri General Bariise

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Genereal Maxamed Sheikh Xaamud ayaa sheegay inay shalay farxad u tahay ka soo qayb galka soo xirtaanka aqoon isweydaarsigaan madaama aan bari u dabaal dagayno 72 guuradiiCiidanka Booliska Soomaaliyeed

"Shalay waxaan soo xaadiray mid ka mid ah wax qabadka ciidanka looga baahan yahay iney u qabtaan bulshadooda, meeshii aan daraad joognayna shalay ma joogno, dalka isbadalo badan oo dhan kasta ah ayaa ka socda, hadii aan canshuurta la soo aruurina suurta gal ma noqonayso in na bada aan sugno, ama dalkaan uu horumar ku talaabsado, duruufaha amni owgeed ciidanka waan is ku badali jirnay, lakiin hada ciidanka ilaalada canshuraha waxaan u daynaynaa la shaqaynta Wasaa radda Maaliyadda,” ayuu yiri Gen, Xaamud.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Farkeeti ayaa sheegay in aqoon kororsigaan uu yahay bilow, hada kadibna la joogtayn doono, madaama ay tahay waxa ugu muhiimsan ee canshuurta lagu qaadi karo sharciga, waa in la barta sharciga canshuurta lagu qaado.

"Khamiistii la soo dhaafay waxaa golaha Wasiiradda la mariyey Tariifadii, waxaana loo gudbin doonaa golaha Barlamaanka si ay u sharciyeeyaan, Canshuurtu waa udub dhexaadka dakhliga dowl adu ugu adeegto shacabkeeda, waxaana shalay sumcad daro noo ah in la yiraahdo mushaarkii ciidankaa la waayey. Hada wixii ka danbeeya wasaaradu waxay isugu gaynaysaa dadaalkeeda sidii kor loogu qaadi aruurinta canshuuraha barriga, waxaana meesha ka saaraynaa nidaamkaan lacagta lagu qaadayo ee gacan dhiibka, waxaana ku guda jirnaa diyaarinta nidaam casri ah oo lagu aruuriyo canshuuraha bariga,

Ugu danbayntii Wasiir Fargeeti ayaa sheegy inuu si gaar ah ugu mahadcelinayo Taliaha Ciidanka Booliska sida wanaagsan ee ula shaqeeyo Wasaaradda Maaliyada, wuxuu sidoo kale she egay inuu u hamablyeeynayo Taliska Ciidnka Booliska Soomaaliyeed oo bari ay ku began tahay 72 guuradii ka soo wareegtay asaaskii Ciidanka Booliska.

KULAN LOOGA HADLAYAY ILAALINTA XUQUUQDA CARRUURTA OO LAGU QABTAY MUQDISHO

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Aada naha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, culi maa’udiin, saraakiil ka socotay ciidamada xoogga dalka, xubno ka kala socday qaar ka mid ah Wasa aradaha Xukuumadda iyo haween kaa oo looga hadlayey sidii dhaqan gelin iyo wacyi gelinba looga sameyn lahaa axdiga xuquuqda carruurta si carruurta Soomaaliyeed ay u helaan xuquuqdooda.

Faadumo Maxamed Cali agaasimaha waaxda Haweenka iyo Carruurta ee Wasaaradda Hawe enka iyo xuuqda aadanaha oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in bulshada looga baahanyahay in la hirgeliyo heshiiska carruurta, waxayna ku baaqday in qoys kasta oo Soomaali ah u xanaaneeyo mid ka mid ah carruurta ku dayacan wadooyinka magaalada Muqdisho si loo waayo carruur dhiba ateysan Sido kale Canab Xasan Cilmi guddoomiye kuxigeenka ururka Haweenka Qaranka aya xustay in ay lagama maarmaan tahay in la hirgeliyo heshiiskan ku saleysan xuquuqda carruurta Soo maaliyeed, isla markaana carruurta laga ilaaliyo waxyaabaha qatarta naftooda ku keeni kara.

Ugu dameynti Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda So omaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar aya sheegtay in ahmiyadda kulankani u yahay dhaqan gelinta sharciga carruurta, waxaana ay Wasiirku xustay in ay waajib tahay daryeelka carruurta Soom aaliyeed si lo helo jiil dhan kasta ka bad qaba.

Horaanti sanadkan ayuu Mahadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan She ekh Maxamuud u saxiixay heshiista ku saleysan dhowrista xaquuqda carruurta, iyadoo Wasaaradda Haweenka ay dadaal ugu jirto dhaqan galka heshiiskaasi carruurta.

WARARKII UGU DAMBEEYAY QARAX WEYN OO KA DHACAY WADADA MAKA AL MUKARAMA

Qaraxan oo si weyn looga maqlaya qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, ayaa wu xuu ka dhacay agagaaraha Carwada Alkowthar oo ku taala jidka Maka Al Mukarama Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan, ayaa wuxuu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo la soo dhigay halkaasi, iyadoo gaarigu uu u muuqday mid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Ugu yaraan saddex qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in qaraxaasi ku dhaawacantay, halka 10 kala na ay ku dhaawacantay. Dadka dhintay waxaa ku jira Shaqaalaha Carwada Alkowthar.

Wararka waxay intaa ku darayaan in Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Waaberi Cali Muuse iyo Milkiilihii Carwada Alkowthar, Ceellaawe, ay labaduba ku dhaawacmeen qaraxaasi. Sidoo kale waxaa jira ugu yaraan afar askari oo Booliska ka tirsan oo qaraxaasi ku dhaawacantay.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo sheegayaan in qaraxaasi uu burbur u gay stay goobo ganacsi oo ku yaalay halkaasi. Dhismooyinka waxaa ka muuqanaayo burbur weyn oo ka dhashay qaraxaasi.

Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Gobolka Banaadir oo ku baxay goobtaasi, ayaa waxay xireen wadooyinka soo gala, waxaana loo diiday inay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayaan in Ciidamada Dowladdu ay baaritaano ballaaran ka wadaan halkaasi, waxaana la baarayaa halkii lagu soo diyaariyay qaraxaasi iyo weliba cidda iska leh gaarigaasi.

Halka uu qaraxan ka dhacay, ayaa waxaa muddo kooban ka hor lagu dhaawacay Gudoo miyaha Maamulka Gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), kaasoo dhaawaciisii loo qaa day Isbitaalka Madiina.

WAFDI KA SOCDA WASAARADA ARRIMAHA GUDAHA OO SHALAY GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE ..

Wafdi uu hoggaaminayo aagaasimaha waaxda dibuheshiisiinta wasaarradda arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, Daahir Warsame Fiidoow Arey, ayaa shalay gaaray maga alada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tir san maamulka gobolka Hiiraan iyo shacabka, iyadoo intaa kadibna ay u gudbeen xarunta maamulka gobolka Hiiraan oo ay horay ugu sugnaayeen wafdigii ka socda dowladda dhexe ee isugu jira wasii rrada iyo xildhibaannada.

Agaasimaha waaxda dibuhishiisiinta Daahir Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa ku tilm aamay ujeedada socdaalkooda in ay la wareegayaan howlaha dibuheshiisiinta ah ee laga waddo magaalada Beledweyne oo inta badan hadda guul laga gaaray.

''Waxaan rabaa in wasiirrada iyo xildhibaannadii naga soo horeeyay u mahadceliyo, shaqo wanaagsan ayeey qabteen runtii, sidaa oo kale ayaan annagana u nimid inaan dhameystirno dada allka nabad raadinta ah oo ay bilaabeen xubnihii naga soo horeeyay'' ayuu agaasimuhu yiri.

Gallinkii dambe ee daraad ayaa lagu soo gunaanaday Muqdisho wajigii hore dhameystirka hi shiis ay gaaraan beelihii dhawaan ku dagaallamay xaafadda Howlwadaag ee degmada Beledweyne, waxaana la filayaa in wafdigan inta ay joogaan ay kulammo kala duwan la qaataan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka guud ahaan gobolka, gaar ahaan beelihii ku dagaallamay magaalada Beledweyne.

TUURYARE: DHALLINYARADA QURBAHA KA YIMID AYAA QARAXYADA UGU BADAN KA GEYSTA SOOMAALIYA

Taliyaha nabadsugidda iyo Sirdoonka Somalia, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa she egay in dhallinyarada isku qarxiya Somalia ay intooda badan ka yimaadeen dalalka dibadda ama qur baha.

Sidoo kale, Jen. Tuuryare ayaa ku baaqay in laga hortago dhallinyarada lacagaha u soo dira Alshabaab iyo kuwa ku guubaabinaya inay Somalia yimaadaan oo Alshabaab ay ku biiraan, kaddibna isqarxiyaan.

"Dhallinyarada qurbaha ka timid waa kuwo ugu badan ee Somalia isku qarxiya, dadka dibad aha ku nool waxaan ku boorrinayaa inay iska diidaan in goobaha inta badan looga sheego inay Alshabaab ku biiraan,” ayuu yiri Jen. Tuuryare.

Taliyaha Nabadsugidda Qaranka ayaa hadalkiisa ku daray in dhallinyarada aanan lagu qaldin baraha ay bulshadu isticmaasho, si looga hortago in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu boorriyo inay argagaxisada ku biiraan.

"Alshabaab waa tabardarreysay, dagaalkoodana wuxuu kusoo haray gaari isqarxinaya iyo qof isqarxinaya, illaa intee ayay sii wadi karaan ayayna tahay isweydiinta, ma sii wadi karaan waligood, mise maya?” ayuu isweydiiyay Jen. Tuuryare.

Ugu dambeyn, dhallinyaro qurbaha ka timid ayaa u dagaalama Alshabaab, waxaana ay ka qaybqaateen weerarro iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo gobollo dalka ka tirsan.

IMAAM ROOBLE "AMISOM WAXAY HUB SIISAY BEEL KA MID AH BEELIHII KU DAGAALAMAY MAGAALADA MARKA”

Imaam C/laahi Khaliif Rooble oo ka soo jeedo mid ka mid ah beelihii ku wada dagaalamay Ma gaalada Marka, ayaa waxaa uu Ciidanka Amisom uu ku eedeeyay inay hub siiyeen beel ka mid ah beelahaasi.

"Amisom waxay hub siisay beel ka mid ah beelihii ku dagaalamay Magaalada Marka. Waxaan cadaymo u haynaa in Amisom ay rasaas ku taageertay beeshaasi.” Ayuu yiri Imaam C/laahi Khaliif Rooble.

Waxaa uu Dowladda Somaliya ku dhaliilay inaanay xil iska saarin dhulka ay ka arrimiso. Sidoo kale waxa uu Amisom ku eedeeyay inaanay kala dhexgelin beelaha ku dagaalamaaya Xarunta Go bolka Shabellaha Hoose.

"Masuuliyad darro iyo dayacaad ayaa jirta. Meelaha ay ka taliso Dowladda maxay beeluhu ugu wada dagaalamaan. Maxay ku dhacday in Magaalada Marka oo Amisom ay joogto in lagu dagaal amo? Maxay u kala dhex geli la’dahay beelaha ku dagaalamaaya?” Ayuu yiri Imaam C/laahi Khaliif Rooble.

Imaam C/laahi Khaliif oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa ka digay in indhaha uun laga daawado dagaalada ku soo noq noqday Magaalada Marka, isagoo dhinaca kalana ku baaqay in si buuxdo loogu istaago wax ka qabashada dagaalada.

"Arrintan yaan indhaha laga fiirsan, dagaalada Magaalada Marka way soo noq noqdeen ee si dhab ah haloogu istaago, wax ka qabashada dagaaladaasi. Haddii kale sida hadda loo fiirsanayo uun haloo daawado.” Ayuu yiri Imaam Rooble.

Dhanka kale wuxuu su’aal ka keenay sababta ay beeluhu ugu dagaalami kari la’yihiin dhulka uu ka arrimiyo Ururka Al Shabaab, bedelka ay ku dagaalamayaan meelaha ay ku sugan tahay Do wladda.

"Dhulka ay ka taliso Al Shabaab masuuliyad ayay iska saartay. Beeluhu may ku dagaalamaan” Waxaysan ugu dagaalami karin xil ayay iska saartay Al Shabaab. Meelaha ay ka taliso Dowladdu waxaa ka jira dayacaad iyo masuuliyad darro.” Ayuu yiri Imaamku

BURUNDI OO KA SOO HORJEESATAY CIIDAMO KA SOCDA MIDOWGA AFRIKA OO LA KEENO

Dowladda Burundi ayaa ka hortimid qorshaha Midowga Afrika uu ku doonayo in ciidamo nabad ilaalin loogu diro, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah.

Afhayeenka Madaxweynaha Burundi ayaa ku tilmaamay soo jeedinta Midowga Afrika ee ciidamada loo dirayo Burundi inay tahay sheeko been abuur ah oo ku saabsan xasuuqa laga sheegayo.

Willy Nyamitwe ayaa wareysi uu siiyay Barnaamijka Focus on Africa ee BBCda ayaa meesha ka saaray inuu jiro xasuuq la abaabulayo inuu ka dhaco dalka Burund.

Waxaa uu sheegay in dadka ka hadlaya xasuuqa ay yihiin cadawga Burundi, isagoo xusay in dadka Burundi ay ku nool yihiin Nabad.

Midowga Afrika ayaa sheegay inay diyaarinayaan ciidamo loo diro dalka Burundi, iyadoo aan xitaa fasax laga heysan dowladda.

Qalalaaso iyo rabshado ayaa ka jiray Burundi tan iyo bishii April, markii Madaxweyne Peirre Nkrunziza uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isu taagayo madaxtinimada, taasoo mar dambe doorasho muran badan la geliyay uu ku guuleystay mar kale xafiiska.

Dagaalo iyo dilal badan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Bujumbura, iyadoo la weeraro xarumo Milateriga leeyahay.

Madaxda Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu shir deg deg ah ka yeesho xaalada sii xumaanaya ee ka taagan Burundi, iyadoo dadka ajnabiga ee ku sugnaa laga daadgureeyay.

MADAXWEYNAHA RWANDA PAUL KAGAME OO MAR 3AAD U TARTAMI DOONA MADAXTINIMADA DALKAAS

Dadka reer Rwanda ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay aftidii la qaaday ee ahaa in dastuurka dalkaas is bedel lagu sameeyo, taasoo Madaxweyne Paul Kagame u ogolaan doonta in mar saddexaad u tartamo doorashada Madaxtinimada.

Natiijooyin horu dhac ah oo la helay ayaa muujinaya in 98% dadkii codeeyay ay taageersanayeen in dastuurka dalkaas wax laga bedelo.

Madaxweynaha xilka haya Paul Kagame ayaa laga yaabaa inuu mar kale isku soo taago xilka, marka uu u dhamaado waqtigiisa labaad sanadka 2017.

Dastuurka Rwanda ayaa dhigayay in labo jeer ka badan aanu Madaxweynaha xilka isku soo taagi karin.

Mr Kagame oo 58 jir ah ayaa laga yaabaa inuu xukunka sii haayo illaa sanadka 2034, hadii is bedelada lagu sameynayo dastuurka la meel mariyo.

Madaxweyne Kagame ayaa gudaha iyo dibadda lagu ammaanaa horumarka iyo kobaca dhaqaale ee uu gaarsiiyay dalkiisa mudadii uu xukunka hayay.

Waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa, marka natiijada si rasmi ah loo shaaciyo gelinka dambe ee shalay oo Sabti ah.

Kagame

Dowladda Mareykanka iyo wadamada deeqda bixiya ayaa dhaliilay codeynta, iyadoo Madaxweyne Kagame lagu eedeeyay inuu geystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha

jowhar.com

KENYA OO SOO BANDHIGTAY SAWIRADA IYO MAGACYADA 11RUUX OO WEERARO QORSHEYNAYA

Laamaha ammaanka Kenya ayaa baahiyay magacyada iyo sawirada 11 ruux oo aad loo doon doonayo, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dambiilayaal yihiin, ayna maleegayaan weeraro argagixiso.

Dadkan ayay laamaha ammaanka dowladda Kenya sheegeen inay yihiin kuwo hubeysan oo qatar u ah, waxaana la sheegay inay horay uga qeyb qaateen weerarkii sanadkii hore ka dhacay deegaanka Mpeketoni

Warbaahinta gudaha Kenya oo soo xiganayay saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in raggan ay qorsheynayaan weeraro inay ka geystaan gudaha Kenya, gaar ahaan dhamaadka sanadkan iyo bilowga sanadka cusub.

Dadka reer Kenya ayaa loogu baaqay in Hey’adaha amaanka Kenya ku wargeliyaan raggan, hadii ay hayaan macluumaadkooda ama ay arkaan.

Mid ka mid ah ragga la soo bandhigay waxaa lagu magacaabaa C/fataax Abuubakar Cabdi oo ah muwaadin u dhashay Soomaaliya, kaasoo horay looga soo musaafuriyay gobolka xeebta ee Kenya. Ma ahan markii u horeysay ee Laamaha ammaanka Kenya ay soo bandhigaan dad la doon doonayo oo weeraro ka geysan raba gudaha dalkaas.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO SHALAY LA KULMAY GUDDIGA DOORASHOOYINKA IYO HAY’ADAHA AMNIGA

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kulan la qaatay shalay guddida doorashooyin ka Somaliland, afarta taliye ee ciidamada, wasiirka difaaca iyo wasaaradda arrimaha gudaha, taasoo lagu macneeyey in lagu dardargalinayo sidii ay u qabsoomi lahayd Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

Kulankan madaxweynuhu la yeeshay mas'uuliyiintan ayaa la sheegay in lagu doonayo in diiw aangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dalka ka qabsoonto bi sha March,2017 loogu diyaar garoobi lahaa.

Qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu kula dardaarmay hay’adaha ay khuseyso arrimaha Doorashooyinku inay suu rtogaliyaan sidii doorasho xalaal ahi u qabsoomi lahayd.

"In dalkeenna ay ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah waa mas'uuliyad saaran xuk uumadda iyo hay’adaha Qaranka ee ay arrintani khusayso. Sidoo kale, Qabsoomidda doorashooyi nku waa waajib iyo xilwadareed ummadda oo dhan saaran. Haddaba si taa looga wada hadlo ayaa Madaxweynuhu wuxuu kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Qaranka, Afarta Taliye Ciidan, Wasaaradda Difaaca iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Guddiga doorashooyinka Qaranku iyaga ayaa codsiga kulankan lahaa si ay Madaxweynaha iyo mas'uuliyiinta kale ee Qarankaba uga wadax aajoodaan arrinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha”ayuu yiri Afhayeenka madaxweynuhu.

Waxaanu intaas ku dareen " Komishanka Doorashooyinka Qaranka (oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Komishanka C/qaadir Iimaan Warsame) waxay Madaxweynaha si toosa ugu soo ba ndhigeen inay Komishan ahaan si rasmiya uga go'antahay in la dardar geliyo Diiwaangelinta Doorashooyinka, maadaama doorashadu tahay waajib cid walba saaran. Komishanku waxay Madax weynaha u sheegeen in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay dhawaan ka bilaabmi doonto Gobolka Togdheer, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhammaanba Hay’adaha ay doorashadu khusayso ay arrintan si dhab ah uga wada hawl galaan, hadday tahay xagga nabadgelyada iyo hadday tahay xagga, abaabulka, maamulka iyo isudubbaridka diiwaangelinta codbixiyeyaasha”.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Madaxweynuhuna ku raacay Komishanka Doorashooyinka Qaranka talada ay soo jeediyeen, wuxxuna ku boorriyey inay sida ugu habboon ee ugu hufan ay u bilaabaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, maadama ay doorashooyin dalka ka qabsoomi doonaan horraanta 2017ka, hadii Illaahay yiraahdo.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu Afarta Taliye Ciidan ku wargeliyey inay si buuxda ula shaqeeyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’adaha kale ee ku hawlan arrimaha Diiw aangelinta Codbixiyayaasha, gaar haana in iyaga Ciidamo Nabadgelyo ahaan uu xil gaar ahi ka saa ran yahay sugitaanka amniga iyo degenaanshaha.

Dhinaca kale, danjire Nicholas Kay, danjirihii qaramada midoobay u qaabilsanaa Somalia ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay madaxweynaha Somaliland iyo madax xukumaddiisa ka tirsan.

Socdaalka danjire Nicholas Kay ku yimid magaalada Hargeysa ayaa ah mid sii sagootin ah, ka dib markii dhawaan xilkaasi laga beddelay. Wuxuu ka mahadceliyay muddadii uu soo hayay xilka, inkasta oo intii badnayd Somaliland iyo Kay xidhiidhkoodu fiicnayn, wuxuu rajeeyay in Somaliland horurmar gaadho, islamarkaana doorashada soo socotaa si wacan u qabsoonto.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale sheegay inay arrimmo dhowr ah oo doorashadu ugu horayso ay kala hadleen, una sheegeen inaanay Somaliland qayb ka ahayn qor shaha Somalia ee 2016ka.

GOLAHA AMNIGA EE QARAMADA MIDOOBAY OO MEELMARIYAY QORSHE CUSUB OO LAGU XASILINAYO SUURIYA

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay si aqlabiyad ah u meelmariyay qaraar la gu taageerayo hannaanka nabadeed ee Suuriya.

Waa markii ugu horreysay muddada shanta sano ah ee waddanka Suuriya ay ka socdaan cola daha uu Golaha Ammaanka ay isku raacaan hannaan siyaasadeed lagu dhameynayo colaadda ka taagan dalkaas.

Qorshahan ayaa wuxuu ku baaqayaa xabadjoojin ka dhaqangasha guud ah Suuriya iyo wadax aajood siyaasadeed, kuwaasoo looga golleeyahay in lagu billaabo wadahadal bisha Jannaayo ee sannadka soo socda.

Sidoo kale, Qaraarkan waxba kama oranayo mustaqbalka madaxweynaha dalka Suuriya, Ba shar AlAssad, laakiinse wuxuu qeexayaa in shacabka Suuriya ay tahay inay go’aan ka gaaraan mus taqbalka dalkooda, isla markaana ay dajiyaan jadwal doorasho oo xor ah.

Wadammada reer Galbeedka iyo kuwa Carabta ayaa aqbalay in madaxweynaha Suuriya uu qayb kasii ahaado kala guurka siyaasadeed ee dalkaas, waxayse ku adkaysanayaan in ugu dambey ntii uu m ka baxo.

Laakiin, dhinacyada soo qoray qorshaha nabadda Suuriya ayaa rumaysan in soo afjaridda col aadda dalkaas ay tahay sida kaliya ee loola dagaallami karo kooxda dowladda Islaamiga ah ee ISIL, taasoo aad ugu fidday gudaha Suuriya iyadoo ka faa’iidaysatay qalalaasaha dalkaasi ka jira.

Ugu dambeyn, dhinacyada ayaa ku rajoweyn in taageerada QM ay wax weyn ka tari doonto ge eddisocodka nabadda ee Suuriya, isla markaana ay tahay waxay ku diirsadaan shacabka Suuriya.

CIIDAMADA AMISOM OO DAD RAYID AH KU DILAY DEEGAANKA GOLWEYN EE SH/HOOSE

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in daraad gelinkii dambe ay dad rayid ah ku dileen deeg aanka Golweyn ee gobolka Sh/Hoose, iyadoo falkan uu ka dambeeyay markii qarax lala beegsaday.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa lala eegtay kolonyo uu la socday Guddoomiya ha degmada Baraawe oo ay wehliyeen kolonyo ciidamada AMISOM, iyadoo warar qaar ay sheega yeen in qaraxa ahaa mid ismiidaamin ahaa.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Golweyn ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in afar ruux ay dileen Ciidamada AMISOM, iyadoo saddex ka mid ah dadka la dilay ay wateen gaari yar.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qof afaraad oo deegaanka Golweyn aad looga yaqaano ay dil een, kaasoo ahaa nin ku shaqeysta gaari damerka.

Dhinaca kale Afhayeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Shiine ayaa beeniyay in Cii damada AMISOM ay dad rayid ah dileen, isagoo xusay in qarax ay AlShabaab u diyaariyeen kolon yada Guddoomiyaha degmada Baraawe ay rasaas ku fureen. Waxaa uu sheegay in ciidamada ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo ka tirsan AlShabaab oo soo weeraray qaraxa kadib kolonyada, isagoo tilmaamay in saddex ka dileen.

Ciidamada AMISOM ayaa horay xasuuq uga geystay degmada Marka, iyadoo sanadkan sii dhamaanaya ku dileen dad ka badan 10ruux, inkastoo AMISOM ay sheegtay in falkii Marka ka dhacay loo xiray askar.

MOMBASA: CUDURKA HIV/AIDSKA OO LA SHEEGAY IN MAALIN WALBA AY QAADAAN SADDEX QOF OO CUSUB

Guddiga ka Hortagga Cudurka Dilgaaga ah AIDSka ee magaalada Mombasa ayaa sheegay inay maalinta walba cudurka dilaaga ah ee AIDSka ugu dhintaan magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta dalka Kenya.

Xiriiriyaha Guddiga NACC ayaa sidoo kale sheegay in maalinta walba ay saddex ruux ay qaa daan HIV oo ah fayruska dhaliya cuduruka halista ah ee AIDSka. Sidoo kalena, Julius Koome ayaa Khamiistii sheegay in 65% dadka cusub ee uu ku dhacay Viruska HIVga ay ku nool yihiin sagaalka deegaan ee ay ku yaalla magaalada Mombasa.

Warbixin uu soo saaray golaha NACC sanadkan 2015ka ayuu ku sheegay inay 21% dadka qa ba cudurka ay yihiin gabdho dhallinyaro ah oo da’doodu u dhexeyso 15sano illaa 254sano, marka loo eego 100,000 oo qof oo cudurka dhawaan qaaday.

"Qiyaastii 44% Dadka cusub ee qaaday cudurka HIV/ADIS ayaa waxay ku qaadeen galmo ay sameeyeen,” ayuu yiri Koome oo hoteelka Lotus ee Mombasa ku qatay shir jaraa’id.

Xildhibaan C/Samawat Naasir oo laga soo doorto deegaanka Mvtia oo ka tirsan Mombasa ayaa sheegay in tirakoobka lasoo saaray ee dadka cusub ee uu ku dhacay cudurkan halista ah ay ta hay mid naxdin leh.

"Tirada la sheegay inay cudurka HIV/AIDS qaadeen ma ahan mid la beeni karo. Runtiina xaal addu waa mid khatar ah,” ayuu yiri Naasir oo intaa ku daray in 15.2% maxaabiista ku jira xabsiyada oo rag ah ay cudurkan qabaan. Dhanka kale, Koome ayaa xusay in 6% dadka isticmaala maa ndooriyeyaasha ee Mombasa ku nool ay cudurka ku qaadaan qalab horay loo isticmaalay sida; sakii nta iyo cirbadaha ay daroogada iskula duraan.

Ugu dambeyn, agaasimaha guud ee hay’adda Haki Africa, Xuseen Khaalid ayaa sheegay in ay sameynayaan ololayaal ay shacabka ku boorrinayaan si aysan u adeegsan Cirbadaha iyo waxy aabaha kale ee horay loo isticmaalay si fiditaanka cudurka loo yareeyo.

DAGAAL KA DHACAY YEMEN OO DAD BADAN AY KU DHINTEEN

Ugu yaraan 68 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dagaal kharaar oo u dhaxe eya ciidammada dowlada Yemen iyo fallaagada Xuutiyiinta kaasi oo ka dhacay waqooyi galbeed ee dalkaasi Yemen.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah ugu yaraan sideed iyo labaatan askari iyo afartan ka tir san fallaagada.

Rabshadahan ayaa ka dhacay deegaan ka tirsan magaalada Harad oo u dhaw xudduuda Su cuudiga halkaasi oo ay ciidammada dowladda la wareegeen laba maalmood ka hor.

Wuxuuna kusoo aadayaa xilli lagu dhawaaqay xabad joojin lagu soo beegay wadahadalada n abadda ee haatan ka soconaya dalka Switzerland.

Maalmo yar ka hor ciidammada dowladda Yemen ee taageerada ka helaya Sucuudi Carabiya oo loo daadgureeyay furumaha hore ee dagaalka ee xudduuda Sucuudiga ayaa waxa ay ku guul aysteen inay gacanta ku dhigaan magaalada Harad, balse fallaagada ayey kala kulmayeen dagaal rogaal celis ah.

Waxaa jira warar sheegaya in la burburiyay tobaneeyo baabuurta gashaaman iyo taangiyo, iy adoo diyaaradaha dagaalka ee Sucuudigana ay bartilmaameedsanayeen goobaha ay joogaan falla agada.

TURKIGA OO CIIDAMA DHEERAAD AH KALA BAXAYA CIRAAQ

Dowladda Turkiga ayaa sheegay in woqooyiga Ciraaq ay kala soo baxayso ciidamo dheeraad ah ka dib markii ay qayb ahaan halkaas kala soo baxday ciidamadeeda maalmo yar ka hor.

Arrintan ayaa timid kaddib maalin un markii uu Madaxweyne Barack Obama uu ugu baaqay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan in uu dajiyo xiisadda kala dhaxeysa dalka Ciraaq.

Turkiga ayaa horraantii bishan waxa uu waqooyiga Ciraaq u diray ugu yaraan 150 askari kuw aasi oo uu sheegay in ay ilaalinayaan tababarayaal milateri oo halkaa ka jooga.

Turkiga ayaa tan iyo 2014kii ciidamo geeyay xerada Bashiiqa ee u dhaw magaalada Muusil oo ay maamusho Kooxda Dowladda Islaamiga ah si ay u tababaraan xooggaga Kudiyiinta Ciraaq.

Balse dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in tallaabadii ugu dambeysay ee Turkiga la qaaday iy adoo aanan lala tashan, waxa ayna sheegtay in arrintaasi ay xadgudub ku tahay madaxbanaani deeda iyo shuruucda caalamiga ah.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in Turkigu uu garowsanayo in uu jiray Isfahan darro kala dhaxaysay dowladda Ciraaq taa oo ku aadan cii dammada Turkiga ee halkaasi la geeyay.

Dowladda Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh maamul goboleedka Kurdiyiinta dalka Ciraaq.

Hasayeeshee waxa ay cadaw u aragtaa Kurdiyiinta Suuriya oo xulufo la ah isbahaysiga Mareykanka uu horkacayo ee ka dhanka ah Kooxda Dowladda Islaamiga ah

TACSI TIIRAANYO LEH

Dhammaan Reer Cegalle Gadiid Geeddoow waxaay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Caruurta Nuurto Jimcaale Cigalle oo kala ah: Prof.Cali Maxamed Abuukar {C.wolf} iyo Maana Maxamed Abuukar {Maana Siti} iyagoo ugu tacsiyadeynayo Geeridii ku timid Walaashood Shamso Sheekh Cumar oo habeenkii khamiista 17-ka Dicembar 2015-ka ku Geertiyootay Magaalada Muqdisho waxaayan dad kaasi Sidoo waxaay ugu tacsiyadeynayaan Wiilka Marxuumadda ay ka Geeriyootay ee ah Fu’aad Xasan waxayna dhammaan ehelka iyo axsabta ay ka geeriyootay leeyihiin Alle ha idinka samir siiyo Maruxuumadda iyadana Jannadii Fardowso Alle haka Waraabiyo Aamiin Aamiin

INNAA LILLAAHI WA INYA ILLAAHI RAAJICUUN

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip