
Ururka Midowga Saraakiisha Somalida Booliiska Mareykanka oo kulan ku Qabtay MN (SAWIRRO)
Hay’adda joojinta dambiyada (Crime Stoppers) oo ka shaqaysa gobollada kala duwan ee Mareykanka ayaa lagu marti-qaaday shirka, si ay uga warbixiyaan wax-qabadkooda iyo qaabka ay uga qayb-qaataan joojinta dambiyada. John Elder ayaa dhamaan dadkii kasoo qayb-galay kulanka u soo bandhigay warbixin ciwaankeedu ahaa "Bedelka Aamusnaanta” oo uu uga hadlay siyaabo kala duwan oo loo joojin karo falal-dambiyeedyada iyo waliba kaalinta ay bulshadda Soomaaliyeed ka geysan karaan.
Sidoo kale, John Elder ayaa sheegay in hay’adda joojinta dambiyada shaqadeeda ugu muhiimsan ay tahay in dadka aan doonayn ama cabsida ka qaba inay mac-luumaad la xiriira dembi ay arkeen ama ay warbixin ka hayaan inay booliiska la wadaagaan, ayna hay’ada joojinta dambiyadda la wadaagi karaan wixii akhbaar ah ee ay hayaan.
John Elder ayaa ku celceliyay, una xaqiijiyay in qof kasta oo hay’adda "Crime Stoppers” la wadaaga ama u sheega warbixin ama akhbaar la xiriira dembiyada dhacay, magacooda, taleefankooda, qofka ay yihiin iyo wixii lagu aqoonsan karo qofka ay yihiin, ay tahay sir-qarsoon, qof ogaan kara magacooda iyo warbixinta ay bixiyeenna. John Elder ayaa intaas raaciyay inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii gabi ahaan lagu ilaalin lahaa aqoonsiga ama in la ogaado shacabka lasoo xiriira ee u sheega wax kasta oo ka caawin kara sidii xal loogu heli lahaa dembi dhacay oo ay arkeen.
Dhanka kale, John Elder ayaa xusay in sidoo kale ay hay’ada joojinta dambiyada ay bixiso abaal-marin lacag ah oo la siiyo qofkii akhbaar uu la wadaago hay’adda ay sabab u noqoto in lagu xalliyo ama lagu soo qabto qofkii dambiga geystay. Lacagta abaal-marinta ah ayaa tiradeedu ay kala duwan tahay, laakiinse ay ka bilaabanto 1,000-doollar. John ayaa xusay in lacagtan abaal-marinta ah ay tahay lacag deeq ama tabarruc ah oo loogu tabarruco hay’adda joojinta dambiyada ee (Crime Stoppers).
Booliiska Soomaaliyeed ee waddanka Mareykanka ayaa ka hadlay in ay jiraan dambiyo iyo dilal badan oo loo geystay qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota, balse in badan oo la xiriira dilalka loo geeysto dhallinyarada Soomaaliyeed aanan weli la xalin, qof loo xirayna aysan jirin. Haddaba waxaa inta badan eedda la saaraa booliiska baaritaanka ku sameeyay dilalkan ama dambiyadan loo geysto Soomaalida, iyadoo ay xaqiiqdu tahay in la waayo qof markhaati ah oo sheega sidii dambigu u dhacay iyo weliba qofkii geystay. Iyada oo ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo iyagu ogaa ama arkay qofkii geystay dembiga ama ku hor dilay qof, ayaa haddana siyaabo kala duwan awgeed ay aad iyo aad u adagtahay in la helo qof ku dhiirada inuu runta sheego, booliiskana la wadaago wixii uu arkay iyo sidii ay wax u dhaceenba.
Ururka Midowga Booliiska Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka SAPA ayaa sheegay inay la shaqeynayaan qaybaha kala duwan ee Soomaalida, iyagoo si gooni-gooni ah kulamo ula qaadan doona waaliddiinta, culumada, dhallinyarada, ganacsatada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadda. C/wahaab Cali oo u hadlay SAPA ayaa sheegay in maalinta Jimcaha ah ee 25-ka December, 2015-ka ay wacyigelin la xiriirta joojinta dambiyada ka samayn doonaan masaajidda ku yaalla labadda magaalo ee mataanaha ah Minneapolis iyo St. Paul, waqtiga la tukanayo salaadda Jimcaha.
Haddaba, dadkii lagu marti-qaaday kulankan oo isugu jiray culumo, ganacsato, dhalinyaro, hoggaamiyeyaal, suxufiyiin, gar-yaqaano, macallimiin iyo dad kale oo badan ayaa aad ugu riyaaqay dadaalka iyo shaqada muhiimka ah ee ay wadaan Ururka Midowga Booliiska Soomaaliyeed ee Mareykanka. Qaar ka mid ah culummadii iyo dadkii shacabka ahaa ee fursadda u helay in ay hadlaan ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii loo joojin lahaa dembiyada iyo waliba sidii xal loogu heli lahaa arrimahan la xiriira dilka iyo dambiyadda ay isku geystaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo soo noq-noqday.
Kulanka intii uu socday ayaa qaar ka mid ah dadkii kasoo qayb-galay ay fursad u heleen inay su’aalo waydiiyaan Elder oo ka socday hay’ad lagu magacaabo joojinta dambiyada (Crime Stoppers) iyo Lt. Rick Zimmerman oo ah taliyaha qaybta dilka badheedhka ah u qaabilsan booliiska Minneapolis.
Ugu dambeyntii kulanka ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay talo iyo tusaale is-weydaarsi; waxaana dhammaan dadkii nasiibka u yeeshay inay ka qayb-galaan lagu dhiirri-geliyay inay kaalintooda ka gaystaan dadaalka loogu jiro joojinta iyo wacyi-gelinta la xiriira dam-biyada iyo dilalka saameeyaa Soomaalida iyo guud ahaanba xaafadaha, magaalooyinka iyo gobolka Minnesota.
Si kastaba ha ahaatee, culummada gobolka ee Soomaalida ah qaar ka mid ah ayaa kulanka kasoo qayb-galay ayaa si kooban suaalo iyo talooyin soo jeediyay iyadoo la isku waafaqay in kulamadaan oo kale loo badiyo jaaliyaada Soomaalida ee gobolka Minnesota.
Siyad Said Salah iyo
Cabdiramaan Mukhtaar
Minneapolis, Minnesota
Ururka Midowga Saraakiisha Somalida Booliiska Mareykanka oo kulan ku Qabtay MN (SAWIRRO)
Ururka ay ku Midoobeen Saraakiisha Soomaaliyeed eek a tirsan booliiska dalka Mareykanka ee SAPA ayaa maanta qabtay kulan looga hadlayo joojinta dambiyadda qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota.