Cudurka Daacuunka oo fara ba'an ku haya Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya

0
Friday December 18, 2015 - 14:47:13 in Wararka by
  • Visits: 1042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Daacuunka oo fara ba'an ku haya Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya

    Ugu yaraan 10-qof ayaa u geeriyooday tiro ka badan 550-qof oo kalena way la il-daran yihiin; kaddib markii xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya uu ka dillaacay cudurka halista ah ee Daacuunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 10-qof ayaa u geeriyooday tiro ka badan 550-qof oo kalena way la il-daran yihiin; kaddib markii xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya uu ka dillaacay cudurka halista ah ee Daacuunka.
Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in dadka uu cudurku soo ritay ay 30% yihiin carruur da’doodu ka yar tahay 12-sano. Iyadoo intaas ku dartay in faafidda cudurka ay sii xoojinayaan roobab xooggan oo ka da’aya deegaanka Dhadhaab iyo nadaafad xumo.

"Cudurkan waxaa soo kiciyay roobab xooggan oo da’ay iyo nafaadda oo ahayd mid markii horeba aan wanaagsanayn,” ayuu yiri madaxa hay’adda MSF ee Kenya, Charles Gaudry.

Sidoo kale, Charles Gaudry ayaa intaa ku daray in xeryaha qoxootiga Dhadhaab ay ka jirto nadaafad-xumo, xaaladda nololeed oo aad u liidata iyo iyadoo maal-gelin aan lagu sameyn adeegyada faya-dhowrka caafimaadka.

"Tirada bukaanada uu soo ridanayo cudurka Daacuunka way laba jibaarmeen toddobaadkii lasoo dhaafay oo keliya. Carruurta ayaana ah kuwa ugu daran oo uu cudurku saameynta ku yeeshay. Iyadoo sidoo kale ay carruurta qaarkood la il-daran yihiin nafaqo-darro,” ayuu hadalkiisa ku daray Gaudry.

Cudurka Daacuunka ayaa saameeyay 16-ka deegaan ee ay ka kooban tahay Kenya tan iyo bishii December sannadkii 2014-kii. Iyadoo cudurkan markii ugu horreysay lagu arkay xeryaha Dhadhaab-Kenya bishii 23-kii November, 2015-ka.

Dhanka kale, hay’adda qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa iyadana xustay in cudurkan la rumeysan yahay inuu billowday markii ay xeryaha Dhadhaab soo gaareen qoxooti cusub oo dalka Somalia ka yimid, kuwaasoo loo maleynayo inay soo mareen deegaanno ay ka da’een roobab xaaladooda caafimaadna aysan wanaagsanayn.

Ugu dambeyn, UNCHR iyo kuwa kale ee samafalka ayaa billaabay inay u adeegaan dadka uu cudurka Daacuunka soo ritay. Inkastoo ay weli xaaladda Amaan ee Xeryaha Dhadhaab-Kenya aysan weli ahayn mid la isku halleyn karo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip