Maraykanka oo soo dhaweeyay go'aanadii shirkii wada tashiga ee Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay.
Warka Maraykanka waxaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay la dhacsantahay sida uu ku soo gabo gaboobay shirkii madasha wada tashiga oo looga arrinsanayay nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhacaysa sanadka dambe marka la gaaro.
"Waxaan soo dhaweynaynaa qodobada ku qoran bayaanka shirka kasoo baxay waxaana ku rajo weynahay in go’aanadaas la dhaqan galiyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka.
Sidoo kale madaxda Soomaalida ayaa loo jeediyay inay go’aano wax gal ah u aayaha mustaqbalka Soomaaliya ka gaaraan shirka 10 bisha dambe ee January dhacaya sida warkaan lagu yiri.
"Maraykanku waxaa uu soo dhaweynayaa inay muddo kororsi samayn hay’adaha dawlada taasoo ku cad go’aankii golaha amaanka ee tirsigiisu ahaa 2232 oo ku baaqaya inay dalka ka dhacdo doorasho xaq ah oo madax banaan” ayaa sidoo kale warkaan Maraykanka kasoo baxay lagu yiri.
Shirkii maalin ka hor Muqdisho ka dhacay ee ay ka qeyb galeen madaxda dawlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira waxaa lagu go’aamiyay in sanadka 2016 doorashada dalka ka dhacaysa lagu saleeyo heer degaan iyo nidaamka 4.5 oo hadda Soomaalidu wax ku qeybsato.
Maraykanka oo soo dhaweeyay go'aanadii shirkii wada tashiga ee Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay.
War kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in dawlada Maraykanka ay soo dhaweynayso go'aanadii laga soo saaray shirkii wada tashiga ee maalin ka hor Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay.