Madaxa Hay'ada IMF Christine Legarde oo Maxkamad la soo taagayo
Mr Tapie ayaa taageere u ahaa Sarkozy doorashadii madaxtinimada ka dhacday Faransiiska2007. Qareenka Ms Legarde ayaa ku tilmaamay go’aanka Maxkamada mid aan la fahmi karin waxana uu sheegay in racfaan ay ka qaadanayaan.
War ay soo saartay haweeneydan ayay ku sheegtay in ay marwalba sameyn jirtey danta dalkeeda ayna tixgelin u haysay sharciga.Ms Legarde oo ah 59 sano jir ayaa haddii dambigan lagu helo waxa ay mudan kartaa xarig hal sano ah.
Hase yeeshee afhayeen u hadlay Hay’ada Lacagta Adduunka IMF ayaa shaqaalaheeda waxa ay ku sheegeen in ay taageersan yihiin haweeneyda madaxda u ah.
Afhayeen u hadlay xeer ilaalinta dalka Faransiiska ayaa sheegay in ay Ms Legarde ay haysato muddo shan maalmood ah in ay racfaan ugaga qaadato haddii maxkamadu go’aan gaarto Jimcaha ama Isniinta soo socota.
Madaxa Hay'ada IMF Christine Legarde oo Maxkamad la soo taagayo
Madaxa Hay'ada Lacagta Adduunka IMF Christine Legarde ayaa lagu soo taagayaa maxkamad ku taal dalka Faransiiska iyadoo loo haysto lacago ay dayacday waqti ay ahayd wasiirka Maaliyada dalka Faransiiska.Christine oo ah haweeneydii ugu horeysay ee