Golaha Wasiirada oo ansaxiyay Sharciga Dhismaha Ciidanka Badda

0
Friday December 18, 2015 - 12:32:21 in Wararka by
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada oo ansaxiyay Sharciga Dhismaha Ciidanka Badda

    Golaha wasiirrada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa dotraad ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga dib u habeeynta iyo dhismaha ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha dalkeena.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa dotraad ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga dib u habeeynta iyo dhismaha ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha dalkeena. Afhayeenka xukuumadda C/salaan Caato ayaa warbaahinta u sheegay in golaha wasiirrada ay khamiistii  ansixiyeen sharciga dhismaha ciidanka Badda, kaasoo uu tilmaamay in ay soo diyaarisay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wuxuu intaasi ku daray Afhayeenku in sharcigan uu kulanka golaha wasiirrada soo hordhigay wasiirka Gaashaandhigga Jeneraal c/qaadir Sheekh Cali Diini ka dibna uu goluhu meel mariyay sharcigaasi.

Afhayeenka ayaa xusay in sharcigan ay soo diyaariyeen qubaro aqoon durugsan u leh dhismaha ciidamada Badda, isagoo hoosta ka xariiqay in dhismaha ciidamada Badda uu faa’iidooyin badan u leeyahay ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tibaaxay in wax qabadka ciidamada Badda ay ka mid tahay ka hortagga wasaqda iyo suntan lagu shubo baddeena, iyo ilaalinta iyo difaaca guud ahaan baddeena Soomaaliya.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ka dooday ka dibna meel mariyay sharciga tariifada canshuuraha Berriga, kaasoo ay dhawaan golaha usoo gudbisay wasaaradda Maaliyadda sida uu sheegay Afhayeenka xukuumadda C/salaan caato.

Shirka golaha wasiirrada ee dorraad  waxaa shir guddoomiyay R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip