Taliyihii Ciidanka Birmadka Somaliland oo Askari ciidankiisa ka tirsan uu Maanta ku dilay Berbera

0
Thursday December 17, 2015 - 16:52:21 in Wararka by
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Ciidanka Birmadka Somaliland oo Askari ciidankiisa ka tirsan uu Maanta ku dilay Berbera

    ALLAHA u raxmadee taliyihii ciidanka Birmadka Somaliland Aadan Guuleed Daahir [Tallaabo] ayaa maanta waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidankiisa, kaddib markii taliyuhu amar uu siiyay u hoggaansami waayey, uuna ku furay taliyihiisa rasaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ALLAHA u raxmadee taliyihii ciidanka Birmadka Somaliland Aadan Guuleed Daahir [Tallaabo] ayaa maanta waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidankiisa, kaddib markii taliyuhu amar uu siiyay u hoggaansami waayey, uuna ku furay taliyihiisa rasaas sababtay dhimashadiisa.
Askariga oo aan la garanayn sababta uu rasaasta ugu furay taliyahiisa, ayaa waxay rasaastii uu furay sababtay in taliyuhu markiiba u geeriyoodo, waxaana maydka taliyaha la dilay la geeyay isbitaalka magaalada Berbera, iyadoo askarigii dilka gaystayna xabsiga lagu hayo.

Toogashada taliyahan waxaa ka dhashay mudaharaad ay dad diiddan dilkaasi iskugu soo baxeen magaaladda Berbera, inkastoo markiiba ciidanku kala dareeriyeen.

Alle ha u naxariistee marxuum Tallaabo, ma ahan taliyihii u horreeyay ee ay askar ka tirsan ciidamada Somaliland toogasho ku dilaan, waxaana muddooyinkan dambe la arkayay askar taliyeyaashooda tooganaya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip