Gaadiidka AMSIOM oo Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Somalia ku Jiiray Dulleedka Muqdisho
Wararka ayaa intaas ku daraya in askarigan dhintay uu ka dhacay gaari ay ka mid ah kuwa ciidamada dowladda Soomaliya ay leeyihiin oo si xowli ah ku socday, uuna markiiba jiiray gaari kale oo daba socday oo ay wateen cidiamada AMISOM.
Sidoo kale, askariga ayaa markiiba goobta ku geeriyooday, iyadoo ay maydkiisa goobta ka qaadeen ciidankii dowladda Soomaaliya uu la socday, iyadoo aysan jirn wax war ah oo ay dhimashadan askarigan kasoo saareen dowladda Somalia iyo AMISOM.
Askarigan ayaa ka mid ahaa ciidammo dowladda Somalia ka tirsan ee ka howglala qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo falkan uusan ahay kii ugu horreysay oo ay gaadiidka AMISOM ku jiraan askar ka tirsan ciidanka dowladda Somalia iyo shacab.
Ugu dambeyn, dhowr jeer ayay gaadiidka ciidanka AMISOM sidaan oo kale waddooyinka mara Muqdisho ugu jireen dhowr qof oo shacab ah; kuwaasoo qaarkood ay dhaawacyo soo gaareen, halka kuwo kalena ay geeriyoodeen.
Gaadiidka AMSIOM oo Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Somalia ku Jiiray Dulleedka Muqdisho
Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa ku geeriyooday maanta deegaanka Tre-disho ee duleedka Muqdisho, kaddib markii mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ay iscimaalaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM uu jiiray.