Maamulada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ka arinsanaya halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan ee dhinaca arrimaha Bulshada Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa sheegay inay labada maamul ka arinsan doonaan meesha lagu qabanayo shirka, waxaana uu xusay in wada hadal u socdo.
"Labada maamul ayaa ka tashan doona, walaalaheena reer Shabeellaha Dhexe waa isu imaaneynaa, ka maamul ahaan ayaana arrintan uga hadleynaa, xiriir fiican leenahay, shirarkii Muqdisho ayaa isku baranay maadaama horay loogu wareeray halka shirka lagu qabanayo, Labada maamul iska arkaya meeshii lagu qaban doona shirka ama Hiiraan iyo Sh/Dhexe”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxda Arrimaha Bulshada labada gobol ay isku afgaran doonaan meesha shirka lagu qabanayo, maadaama aanay wali dowladda Federaalka iclaamin goobta sida rasmiga ah shirka uga dhici doono.
"Madaxda Arrimaha Bulshada labada gobol ayaa isu imaanaya, maadaama aan matalno bulshada labada gobol, anaga rabitaanka bulshada ku hadli karna, anaga ku filan waxaa ka codsaneynaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay tixgeliso Madaxda arrimaha bulshada, anaga go’aan ka soo saareyna meeshii ku haboon ee lagu qaban lahaa”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Hiiraan.
Bishii Agosto ee sanadkan ayay aheyd markii lagu heshiiyay in Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe la isku daro, isla markaana loo sameeyo maamul mid ah, wixii ka dambeeyay heshiiskaas ma jirin wax ka dhaqan galay tallaabooyinka maamulka loogu sameynayay labada gobol.
Hadalkan ka soo yeeray Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo marar badan uu dib u dhac ku yimid qabashada shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana wali muuqata is qab qabsi badan uu ka jiro habsami u socodka howlaha maamul u sameynta labada gobol, diyaar garowga labada maamul ugu jiraan marti gelinta shirka iyo khilaaf ka dhashay soo xulistii Guddiga Farsamada.
Maamulada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ka arinsanaya halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta
Iyadoo aan wali go'aan laga gaarin halka rasmiga ee lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo xilliga la qabanayo ayaa waxaa socdo qorshe labada Maamul ay uga arinsanayaan halka lagu qaban doono shirka.