Madaxweynaha Jabuuti oo ku eedeeyay mucaaradka inay doonayaan fowdo iyo is dhex yaac
Mr Geelle oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in mucaaradka inay doonayaan dimoqraadiyad is dhex yaac ah, isla markaana doonaya inay ku dabaqaan sida kuwa caalamka oo kale.
"Halka aan ka nimid iyo halka aan maanta joogno, sida ay iyaga doonayaan waa Mucaarad dhahaya dowlad ma jirto, anaga waxaa arki jirnay mucaarad eedeynaya ama dhaliilaya, laakiin uma heysano mucaarad inuu yahay kan dhahaya dowlad ma jirto, kuwaasna waa iska qabaneynaa, waliba mucaaradnimada waxay tahay ayay baranayaan, dimoqraadiyada ay ku soo arkeen France iyo Brussles ee sida is yaaca, fowdo ayay rabaan”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Waxaa uu sheegay in aanay jirin cid siyaasad lagu xiray ama loo dilay iyo in qof ra’yigiisa ka hadlay oo gurigiisa loogu tagay la xiray aanay jirin, isagoo xusay in dalka 16-kii sano horumaro badan gaaray, balse uu jiro dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah.
"Dadka Madaxda iyo shacabka waxay ka mideysan yihiin in Caasimadeena nabad iyo xasilooni ka jirto, qof shisheeye ama sokeeya laguma dhaco, mana lagu dhibaateeyo, cid kasta oo fowdo iyo dhibaata wadana waa ka hortageynaa”ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.
Mar la weydiiyay waxyaabaha hormarka uu dalkiisa ku tallaabsatay mudada 16-ka sano ayuu ku jawaabay in wax badan horumar ka gaareen inay Jabuuti tahay dal la qiimeeyo, ayna maqaam sare ku leeyihiin Afrika, Carabta iyo dalalka Islaamka.
Mucaaradka Jabuuti ayaa dhowaan ka hor-yimid in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar afaraad uu isu soo sharaxo madaxtinimada dalkaas, kadib muddo 16 sano ah oo uu xukunka hayay.
Madaxweynaha Jabuuti oo ku eedeeyay mucaaradka inay doonayaan fowdo iyo is dhex yaac
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa inay doonayaan fowdo iyo is dhex yaac inay dalka u horseedaan, isagoo difaacay go'aanka uu mar afaraad uu isku sharaxayo madaxtinimada.