Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wadahadley xoojinta iyo tayeynta wadashaqeynta AMISOM iyo Soomaaliya

0
Thursday December 17, 2015 - 16:11:37 in Wararka by
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wadahadley xoojinta iyo tayeynta wadashaqeynta AMISOM iyo Soomaaliya

    Muqdisho, 17 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 17 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Madaxweynaha iyo Wakiilka ayaa ka wadahadley hawlaha AMISOM ee Soomaaliya, guulaha la gaarey , caqabadaha u baahan in laga gudbo iyo in la xoojiyo xiriirka iyo wax wada qabsiga ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u la shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad celiyay sida Ururka Midowga Afrika ugu soo gurmadey Soomaaliya.

Danjire Madeira oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ugu horayn Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Dlamini Zuma, waxaana uu ballanqaaday inuu meesha ka sii wadi doono hawlaha muhiimka ee AMISOM ka hayso Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Lydia Wanyoto Mutende, iyo mas'uuliyiin kale oo labada dhinac ka socday.

--------------DHAMMAAD---------------

IB0A6654
IB0A6659
IB0A6667
IB0A6717


1px
©2015 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia 1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip