Madaxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Bariga Afrika oo soo booqday qoyska Weriye Hindiya Xaaji Maxamed
Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP), waxa uu qoyskaasi guddoonsiiyey Kharaj, wuxuuna ballanqaaday inuu taageeri doono Qoyska Saxafiyadda nafteyda ku weyday iyadoo ku guda-jirta waajibaadkeeda shaqo.
Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ku geeriyootay qarax loogu xiray gaarigeeda.
Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP), waxa kale oo uu ku baaqay in la badbaadiyo Shaqaaalaha Warbaahinta, oo uu ku sheegay inay yihiin Indhaha iyo Dhegaha Bulshadda.
Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP) oo hoggaaminayo Wafdi Heer Sare ee dhinaca Xuquuqda Aadanaha ayaa ku sugan Somalia, si ay u indha-indheeyaan Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia iyo sidii ay taageero uga geysan lahaayeen Asaaska Golaha Madaxa-bannaanka ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka Somalia.
Madaxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Bariga Afrika oo soo booqday qoyska Weriye Hindiya Xaaji Maxamed
Agaasimaha Fulinta ee Hay'adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP), Dr. Xasan Shire waxa uu booqday qoyska ay ka geeriyootay Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsanayd Idaacadda Radio Mogadishu, taasi oo