Taliska ciidanka Amisom ee Gobolka Hiiraan oo sheegay Odayaasha Dhaqanka inay ku lug lahaayeen Dagaaladii ka dhacay Baledweyne
"Baaqa labaad waxaan u dirayaa Odayaasha Dhaqanka labada Beelood, runtii Daraf beey ka yihiin Dagaalka weliba Daraf muhiim ah ayeey ka yihiin, iyagana waxaan ugu baaqayaa inay joojiyaan colaada oo ay ka shaqeeyaan Nabadda.” Ayuu yiri Col. Dubad oo Saxaafadda kula hadlay Baledweyne.
Taliyaha ciidanka Jabuuti ee Gobolka Hiiraan, ayaa sidoo kale sheegay in Dagaalkaasi ay qayb ka ahaayeen dad Siyaasiyiin ah oo hurinaayay dagaalka, wuxuuna fariin ugu diray dadkaasi inaysan ka shaqeyn dadka sidii ay isku dili lahaayeen.
Ugu dambeyn waxa uu tilmaamay inay jiraan dad kale oo dalka dibadiisa ku nool kuwaasi oo dhaqaalo ku soo taageerayay dagaalka, waxaana uu nasiib daro ku tilmaamay arintaasi.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa ku sugan Magaalada Baledweyne oo u jooga halkaasi xal ka gaarista dagaalka udhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed,inkastoo ciidanka Dowladda la kala dhex dhigay Maleeshiyaadkii dagaalamayay.
Taliska ciidanka Amisom ee Gobolka Hiiraan oo sheegay Odayaasha Dhaqanka inay ku lug lahaayeen Dagaaladii ka dhacay Baledweyne
Taliyaha ciidanka Jabuuti ee Amisom Col.Cusmaan Dubad ayaa si cad u sheegay Odayaasha Dhaqanka Magaalada Baledweyne inay door ku lahaayeen Dagaaladii ka dhacay Magaaladaasi ee u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.