Sirdoonka Turkiga oo ka cabsi qaba in Al-Shabaab weerarto Dalkaasi.
Booliska dalka Turkiga ayaa la galiyay heegan buuxa waxayna ay ka digeen in rag qaab dhuumalaysi ku galay Turkiga damacsan yihiin inay weeraro ka geystaan wadankaasi.
Jariidada waxa ay tilmamtay in mid kamid ah maskaxyada weerarkaasi ababulaya lagu magacaabo Bihari kaas oo ka gudbay xadka Suuriya iyo Turkiga waxana uu ka tagay Soomaliya.
Booliska dalka Turkiga ayaa soo bandhigay shaqsiyaad uu ka mid yahay Ahmed Ibraahim Barlex oo xubin sare ka ah Al-Shabaab waxana uu bartay qaabka loo xiro waxyaabaha qarxa.
Sirdoonka iyo booliska Turkiga ayaa la faray inay feejignaadan, waxaana heegan buuxa la geliyay ciidamada Booliska dalkaasi, iyadoo uu horay Sheekh Cali Cali dhere uu sheegay in Turkiga uu yahay dowladd xubin ka ah NATO ayna tahay cadowga ugu weyn ee Muslimiinta.
Sirdoonka Turkiga oo ka cabsi qaba in Al-Shabaab weerarto Dalkaasi.
Warar qarsoodi ah oo ay heleen sirdoonka dalka Turkiga ayna bahiyeen warbaahinta dalkasi ayaa shaaca looga qaaday in Al-Shabaab ay damacsan tahay weeraro ay ka geysato gudaha dalkaasi Turkiga, iyadoo horey ay AlShabaab ugu bartilmaamaysaday mas'