Daacish oo weerar ku dishay saddex Askari oo Ciraaq ah Afar Turkiga u dhalatayna dhaawacay
Weerarkaan ayaa wuxuu ka dhacayxero ku taalla gobolka Basheeqa oo aad ugu dhaw magaalada Daacish ay heysato ee Mosul.
Sargaal u hadlay dalka Turkiga ayaa saxaafadda u sheegay in xerada ay ku soo dhaceen gantaalada loo yaqaano Katyusha oo ay soo rideen xoogaga Daacish intii lagu guda jiray dagaal qaraar oo dhexmaray dagaalyahanadda Kurdiyiinta ee Peshmerga iyo Daacish.
Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay dhankooda inay rideen Madaafiic aargoosi oo ay u rideen dhanka Xoogaga Daacish ay ka soo rideen Gantaalada.
Xerada la weeraray ayaa waxaa lagu tababaraayay Ciidan gaaraya 1,000 Askari oo Ciraaqiyiin Kurdish ah.
Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii cadaadis dowladda Turkiga kaga yimid Baghdad, uu ku qasbay in gobolkaa ay kala baxdo ciidamo aan ilaa iyo hadda aan la sheegin tiradooda.
Daacish oo weerar ku dishay saddex Askari oo Ciraaq ah Afar Turkiga u dhalatayna dhaawacay
Xoogaga Daacish ee ka dagaalamaya dalka Ciraaq ayaa weerar Khasaare geystay waxa ay ku qaadeen Xero ay ku sugnaayeen ciidamada dalka Ciraaq, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawacba leh.