Ciidamada Dowladda oo xaqiijiyay ammaanka Xaafada Howlwadaag ee Baledweyne (SAWIRRO)
Saraakiisha ciidamada waxa ay sheegeen ammaanka Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne inay tahay mid wanaagsan, islamarkaana Bulshada ay u sheegayaan intii ka barakacday inay ku soo noqdaan Xaafada.
Dhinaca kale Magaalada Baledweyne waxaa ka socdo kulamo xal loogu raadinaayo colaada ka dhex taagan Maleeshiyaadka labada Beelood, waxaana Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed kulamo kala duwan uu la leeyahay Odayaasha labada Dhinac.
Dadaalada Magaalada ka socda ayaa waxaa soo dhaweeyay Bulshada ku nool Magaalada Baledweyne oo u ooman helida ammaan buuxa si ay wax ula qaybsadaan Gobolada dalka.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa la filayaa maanta inuu isa soo hor fariisiyo Odayaasha Labada dhinac si xal rasmi ah looga gaaro colaada labadaasi Beelood u dhaxeysa.
Ciidamada Dowladda oo xaqiijiyay ammaanka Xaafada Howlwadaag ee Baledweyne (SAWIRRO)
Ciidamada Xooga dalka Somaliya iyo kuwa Amisom, ayaa xaqiijiyay ammaanka Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne, halkaasi oo shalay galab si rasmi ah looga qaaday maleeshiyaadkii ku wada dagaalamay Magaalada.