Wariye Karar Aadan Rukoow oo maalintii 11 ku xiran Xabsi ku yaallo Garbahaarey
Maamulka Degmada Garbahaareey iyo Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland weli kama aysan hadlin xarigaan loo geystay Wariyaha ee ilaa hada aanan sidoo kale maxkamada la soo taagin.
Sababta Wariyaha loo xiray ayaan wararka ku helaynaa inay tahay inuu bixiyay macluumaad ku saabsan xarig loo geystay Saraakiil ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya oo lagu xiray Magaalada Garbahaareey.
Ehelada Wariyaha ayaa waxa ay sheegayaan in si xun Wariyaha loola dhaqmay, islamarkaana tacadi dhanka Bini’aadinimada ah loo geystay Suxufiga.
Tani ayaa qayb ka ah tacadiga ay la kulmaan Suxufiyiinta Somaliyed ee ku sugan dalka Somaliya, kuwaasi oo dhibaatooyin aanan la soo koobi karin kala kulma Maamulada dalka ka jira.
Suxufiyiinta ku sugan Gedo iyo Jubbooyinka ayaa ku baaqaya in Wariyaha la sii daayo oo xuriyadiisa dib loo siiyo.
Wariye Karar Aadan Rukoow oo maalintii 11 ku xiran Xabsi ku yaallo Garbahaarey
Suxufiga lagu magacaabo Karar Aadan Rukoow, ayaa maalintii 11 aad waxa uu si sharcidaro ah ugu xiran yahay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, Koonfurta Somaliya.