Wasiiro Ka Tirsan Puntland iyo Galmudug Oo Ka Qeyb-Galay Kulan Looga Hadlayay Dhaqan Galinta Heshiishkii Gaalkacyo "SAWIRRO"
Kulalkaan maanta lagu qabtay magalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay xaalada ammaan ee magalada Gaalkacyo iyo wixii ka dhaqan galay heshIiskii dhawaan Gaalkacyo ay ku gaareen maamulada Galmudug iyo Puntland maadama xilligani badi qodobadaasi ay ka dhaqan galeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo deeganada ku xeeran. Shirkaan waxaa soo abaabushay Hay’ada Interpeace waxaana goobjoog ka
ahaa xubna ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, maamulka gobolka Mudug
iyo qeybaha Bulshada kuwaasi oo dhamaantooda oo kulanka ka hadlay
tilmaamay in ay diyaar u yihiin Nabadda gobolka Mudug ka hirgashay.
Xaalada Gaalkacyo ayaa hadda waxaa ay ku soo laabaneysa sidii hore balse waxaa uu dagaalka uu saameyn xoogan ay ku yeesheen goobaha Waxbashada maadama uu burbur xoogan soo gaaray.
Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Galmudug Xasan Gureey oo gaba-gabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in hadda Gaalkacyo ay Nabad tahay islamarkana ugu baaqay dadkii ka Barakacay magalada in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Wasiiro Ka Tirsan Puntland iyo Galmudug Oo Ka Qeyb-Galay Kulan Looga Hadlayay Dhaqan Galinta Heshiishkii Gaalkacyo "SAWIRRO"
Kulalkaan maanta lagu qabtay magalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay xaalada ammaan ee magalada Gaalkacyo iyo wixii ka dhaqan galay heshIiskii dhawaan Gaalkacyo ay ku gaareen maamulada Galmudug iyo Puntland maadama xilligani badi qod