Musharax Donald Trump oo ah ninka ugu cad cad xisbigan ayaa mar kale difaacay hadalkiisii ahaa in laga mamnuuco Mareykanka dadka Muslimiinta, isagoo xusay inay muhiim tahay in la difaaco ammaanka Mareykanka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu baabi’in doono Hooyooyinka iyo caruurta Hogaamiyeyaasha IS oo uu ku tilmaamay urur qatar ku ah ammaanka Mareykanka.
Trump ayaa sheegay inuu xiri doono xuduuda Mareykanka uu la wadaago Mexico, isla markaana darbi dheer ku wareejin doono, isagoo ku sifeeyay dadka Mexicanka ah ay yihiin kuwo wax kufsada.
Musharaxa Jeb Bush oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Florida ayaa si kulul uga hor-yimid hadalka Mr Trump, isagoo ku tilmaamay inuu yahay nin rabshoole ah, isla markaana uu noqonayo hadii uu tartanka galo Madaxweyne rabshoole ah
Sidoo kale musharaxiinta kale ayaa diirada saarayay sidii loo joojin lahaa argagixisada, dadka Mareykankana ay ammaan u dareemi lahaayeen kadib weerarkii California.
Musharaxa kala ahMarco Rubio, Rand Paul iyo Ted Cruz ayaa hadaladooda ahaa kuwo macquul ahaa, waxaana ay soo qaadanayeen siyaasada arrimaha dibada, socdaalka iyo arrimo kale, waxaana qaarkood sheegeen in aan la abuurin muslim naceyb. taasna ay ka dhalan karto argagixisada inay helaan qiil.
Si kastaba ha ahaatee doodahan ayaa sii socon doona, iyadoo musharaxiinta Xisbigan ay doonayaan inay ku soo jiitaan taageerayaashooda, si ay u helaan codod ay ugu soo baxaan tartanka musharaxnimada doorashada Madaxweynaha Mareykanka.
Dood aad u kulul oo dhex martay Musharaxiinta Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka
Dood aad u kulul ayaa waxay dhex martay musharaxiinta u tartamaha Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka, iyadoo doodan diiradda lagu saarayay arrimaha ammaanka qaranka Mareykanka iyo la dagaalanka Argagixisada.