![](https://mogtimes.com/uploads/mogtimes_bnr.jpg)
John Kerry oo Magaalada Moscow kula kulmay Madaxweynaha Ruushka (SAWIRRO)
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa Madaxweynaha Ruushka u sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay in aragti mideysan ay ka yeeshaan xal u helidda dagaalada ka holcaaya Suuriya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xalka Suuriya uu u muuqdo mid imaan doono, marka Mareykanka iyo Ruushka soo yareeyaan kala aragti duwanaanshahooda Suuriya.
Madaxweynaha Ruushka, ayaa John Kerry u sheegay in Ruushka uu doonaayo in laga gudbo dagaalada Suuriya, dibna loogu soo celiyo dhabihii horumarka. Waxa kaloo uu muujiyay in Ruushka uu Mareykanka kala shaqayn doono xalka Suuriya.
Madaxweyne Putin, ayaa horey u sheegay in xalka Suuriya uu ku jiro, iyadoo hal dhinac laga noqdo dagaalka ka dhanka ah kooxaha diidan in tallada dalkaasi uu sii haayo Madaxweyne Assad.
Dagaalada sokeeye ee ka soconaaya dalkaasi Suuriya, ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan laba boqol iyo konton kun (250,000) oo qof, waxay kaloo dagaaladu sababeen burbur iyo barakac baahsan.
John Kerry oo Magaalada Moscow kula kulmay Madaxweynaha Ruushka (SAWIRRO)
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa waxaa uu Xarunta Kremlin uu ku qaabilay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry oo booqasho ku joogga Magaalada Moscow. Labada dhinac, ayaa waxay Talaadadii ka wada hadleen arrimo ay