Goobaha waxbarashada ee Magaalada Los Angeles oo si deg deg ah lagu xiray (SAWIRRO)
Iyadoo ay si habsami leh ay duruusta kaga socoto goobaha waxbarasho Magaalada Los Angelese Ee Gobolka California, ayaa si lama fillaan ah lagu xiray.
Ciidan boolis ah oo wata gaadiidka askarta, ayaa ku amray Maamulada in ay albaabada u laabaan goobahooda waxbarasho, waxayna u sheegeen inay jirto halis dhinaca ammaanka ah. Booliska, ayaa sheegay inay suurtagal tahay weeraro lagu qaado
xarumaha waxbarashada ee Magaalada Los Angeles, iyagoo ku amray in loo
baahan yahay inay digniinta qaataan.
Guddiga waxbarashada ee Los Angeles, ayaa isku raacay inay u hogaansamaan awaamiirta laamaha ammaanka, si loo badbaadiyo nolosha ardayda wax ka barata xarumahooda.
Booliska, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo xiraaya wadooyinka, iskuuladana ka daad gureynaaya ardayda, oo lagu daabulaayay basaska waaweyn ee ardayda loogu talla-galay.
Mareykanka, ayaa waxaa uu ka feejigan yahay in Ururka Daacish iyo ururada kale ee xagjiriinta ah, ay weeraro ka gaystaan dalkiisa.
Wixii ka dambeeyay weeraradii 13-kii November ka dhacay Magaalada Paris, ayaa waxay Wadamada Reer Galbeedku galleen marxalad feejignaan ah.
Goobaha waxbarashada ee Magaalada Los Angeles oo si deg deg ah lagu xiray (SAWIRRO)
Iyadoo ay si habsami leh ay duruusta kaga socoto goobaha waxbarasho Magaalada Los Angelese Ee Gobolka California, ayaa si lama fillaan ah lagu xiray. Ciidan boolis ah oo wata gaadiidka askarta, ayaa ku amray Maamulada in ay albaabada u laabaan goo