Sidoo kale waxaa uu sheegay in kaluumeysatada looga baahan yahay in xilliyada habeenkii markii ay xeebaha u jilaab-tagayaan ay ku wargeliyaan ciidamadda Badda, si hadii khatar dhinaca ammaanka ula kulmaan loogu gurmado
"Waxaan u saarnay dhacdadan guddi baaritaan ku sameeya qaabka ay wax u dhaceen iyo khasaaraha soo gaaray kalumeysatada, waxaan uga digeynaa Kaluumeysatada ka shaqaysa Muqdisho in ay u dhawaadaan goobaha ay Ciidamaddu dagan yihiin sida Garoonka iyo Dekadda ” ayuu yiri Wasiir Diini.
Habeen hore ayay aheyd markii rasaas laga maqlay garoonka diyaaradaha, kadib markii la sheegay in doon ku soo dhowaatay, isla markaana Ciidamada AMISOM ay rasaas ku fureen, hase ahaatee warar qaar ayaa sheegaya in labo doonyood oo hubeysan ay rasaas ku soo fureen Garoonka diyaaradaha.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay fashiliyeen Ciidamada AMISOM, markii ay ka hortageen weerarkaas, isla markaana rasaas culus ku furay labadii doonyood, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.
Shaqaaqadii habeen hore ka dhacay garoonka ayaa muddo kooban hakad gelisay howlihii garoonka diyaaradaha, waxaana baaqatay Diyaaradii Turkish Airways oo shalay duulimaadkeeda maalinlaha ahaa ku imaan laheyd magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaashaandhigga oo Kaluumeysatada uga digay inay ku dhowaadaan Dekeda iyo garoonka
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Maadey Nuurey Ufurow ayaa galabta kormeer ku tagay xeebta Liido, halkaasoo ay ku sugnaayeen dhalinyaro kaluumeysato ah oo ay rasaaseeyeen Ciida