Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada oo ku kala argti duwan nooca Doorasho ee dhaceysa 2016

0
Tuesday December 15, 2015 - 09:18:48 in Wararka by
  • Visits: 652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada oo ku kala argti duwan nooca Doorasho ee dhaceysa 2016

    Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira ee ka qaybgalaya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socdo, ayaa ku kala aragti duwan nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceyso sanadka 2016-ka Bartamihiisa oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira ee ka qaybgalaya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socdo, ayaa ku kala aragti duwan nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceyso sanadka 2016-ka Bartamihiisa oo Waqtiga Dowladda hada shaqeysa uu dhamaanayo. Sida qorshaha uu ahaa maanta oo tallaado ah waxaa lagu waday in la soo gaba gabeeyo Shirka, islamarkaana la shaaciyo nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceyso sanadka 2016-ka, balse Ilo Wareedyo ayaa Dhacdo.com u sheegay in maanta aanan shirka lasoo gaba gabeynayn, sababo ku aadan kala aragti duwanaanshaha ka taagan nooca Doorashada.

Ilo Wareedyada ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in weli Madaxda ay ku kala aragti duwan yihiin Doorashada dhaceysa sanadka 2016-ka, taasina ay keentay in Shirka oo maanta la soo xiri lahaa dib loo dhigo, maadaama ay sii socon doonaan shirar gaar gaar ah oo madaxda ay isugu soo dhawaanayaan.

Waxaa suuragal ah Shirarka gaar gaarka ah inay ka soo qayb galaan Xubno ka tirsan Beesha caalamka, oo dhex-dhexaad ka noqon doona kala aragti duwanaanshaha Madaxda ka dhex taagan si la isugu soo dhaweeyo, islamarkaana suuragal looga dhigo in shirka maanta la soo xiro.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo xulafeysi Siyaasadeed wada ayaa doonaya in Doorashada ay noqotay mid hab deegaan ah oo aysan noqon mid ku timaada 4.5.

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa dhankooda waxa ay doonayaan inay doorashada noqoto mid ku saleysay nidaamka 4.5, islamarkaana aysan noqon mid hab deegaan ku timaado.

Suxufiyiinta ka qaybgalaysa Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo shalay loo diiday inay galaan xarunta Shirka uu ka socdo, ayaa maantana lagu wargeliyay in Saxaafadda aanan looga baahneyn xarunta Shirka, ilaa laga xalinaayo isfahan waaga taagan.

Shalay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen waxgarad ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Dhexe oo taageeray in Doorashada ay noqoto Mid deegaan ah, balse intii uu kulanka socday ayaa waxaa goobta tagay ciidan Nabad Suggida ka tirsan oo joojiyay kulankaasi.

Sida muuqata haddii aanan xal loo helin kala feker duwanaanshaha ku aadan nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceysa sanadka 2016-ka, waxa ay taasi keenaysa Dib u dhac hor leh oo ku yimaada in la shaaciyo Doorashada Somaliya ka dhaceysa sanadka 2016-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip