Sacuudiga oo sameeyay isbahaysi cusub oo la dagaalama Daacish. Somaliya ayaa ka mid ah isbahaysigan

0
Tuesday December 15, 2015 - 09:13:53 in Wararka by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo sameeyay isbahaysi cusub oo la dagaalama Daacish. Somaliya ayaa ka mid ah isbahaysigan

    Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxay ku dhawaaqday inay sameysay isbahaysi cusub, oo dagaal adag la geli doono Ururka Daacish, oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxay ku dhawaaqday inay sameysay isbahaysi cusub, oo dagaal adag la geli doono Ururka Daacish, oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka). War Saxaafadeed ay saakay soo saartay Dowladda Sacuudiga, ayaa waxaa lagu sheegay in isbahaysigan uu ka kooban yahay 34 dal oo dunida Islaamka ah, diyaarna u ah inay la dagaalamaan Ururka Daacish.

War Saxaafadeedka, ayaa waxaa lagu cadeeyay in dalalkaasi ay qaateen go’aan isku mid ah, mowqifkooduna uu yahay inay la dagaalamaan ururada argagaxisada, oo ay ugu horeyso Daacish.

Isbahaysigan, ayaa waxay xaruntiisu noqon doontaa Caasimadda Sacuudiga (Riyadh), halkaasoo laga qaadi doono hawlgalada lagula dagaalamaayo ururada argagaxisada.

Dalalka Sacuudiga, Masar, Turkiga, Malaysia iyo Indonesia, ayaa laf-dhabar u noqon doono la dagaalanka argagaxisada, waxaana taageeray wadamo ay ka mid yihiin Somalia, Sudan, Djibouti iyo Nigeria

War Saxaafadeedkan, ayaa waxaa lagu sheegay in la soo dhawayn doono dalalka kale ee caalamka, isla-markaana taageera wadamada Islaamka, si halmeel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Ma cadda in isbahaysiga cusub ee uu ku dhawaaqay Sacuudiga uu sidoo kale la dagaalami doono Maleeshiyada Shiicada Yemen (Xuuthiyiinta) iyo in kale. Xuuthiyiintu waxay taageero weyn ka hellaan Dowladda Iran.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa Isniintii sheegay in loo baahan yahay isbahaysi ka ballaaran midka hadda la dagaalamaaya Ururka Daacish.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip