Ciidamo Itoobiyaan oo la wareegay ammaanka garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb

0
Tuesday December 15, 2015 - 09:09:47 in Wararka by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan oo la wareegay ammaanka garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb

    Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ku soo qul qulayay Gobolka Galgaduud ayaa saaka la wareegay ammaanka garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay gacanta ku hayeen Maamulka Ahlusuna ee Gobollada Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ku soo qul qulayay Gobolka Galgaduud ayaa saaka la wareegay ammaanka garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay gacanta ku hayeen Maamulka Ahlusuna ee Gobollada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo watay gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo ka sameystay garoonkaas oo maalmihii u dambeeyay xirnaa, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Maamulka Ahlusuna iyo shirkadaha diyaaradaha oo canshuuro ku kordhiyay shirkadaha.

Ciidamada Itoobiya oo horay ugu sugnaa degmada Guriceel iyo qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, hase ahaatee dadka deegaanka Dhuusa Mareeb ayaa saaka hadal haya ciidamada ku waabariistay garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka wafuud ka socota dowladda federaalka iyo Maamulka Galmudug oo ka qeyb galaya shir ka furmi doona Dhuusa Mareeb.

Shir lagu heshiisiinayo Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa dhowaan ka furmi doona magaalada Dhuusa Mareeb oo ah xarunta Maamulka Galmudug, inkastoo Ahlusuna gacanta ku heyso.

Wada hadalada u furmi doona maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa waxaa la sheegay inay door ku leedahay dowladda Itoobiya, kadib markii Mas’uuliyiinta labada dhinac ay safar ku tageen magaalada Addis Ababa.

Maamulka Ahlusuna ayaa horay u qaadacay Maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado, waxaana labada dhinac u dhex maray isku dhacyo iyo xurguf siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee wada hadalada u furmi doona labada dhinac ayaa la filayaa in lagu soo afjaro khilaafyada siyaasadeed ee gobolka ka jira, isla markaana hal maamul ku midoobaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip