Madaxweyne Obama oo booqday Xarunta Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon (SAWIRRO)

0
Tuesday December 15, 2015 - 09:07:12 in Wararka by
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Obama oo booqday Xarunta Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa wuxuu shalay booqasho ku tagey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka (Pentagon-ka), waxaana ku soo dhaweeyay Wasiirkiisa Difaaca, Ashton Carter. Ka dib weerarkii 2-dii bishan ka dhacay Magaalada Sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa wuxuu shalay booqasho ku tagey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka (Pentagon-ka), waxaana ku soo dhaweeyay Wasiirkiisa Difaaca, Ashton Carter. Ka dib weerarkii 2-dii bishan ka dhacay Magaalada San Bernardino Ee Gobolka California, laguna dilay 14 qof, halka 21 kalana lagu dhaawacay, ayuu Madaxweynaha Mareykanka booqday Xarunta Pentagon-ka. Madaxweynaha oo kulan la qaatay Ashton Carter, ayaa gaba gabadii kulankaasi waxaa uu qabtay shir jaraa’id, isagoona wacad ku maray inay wiiqi doonaan awoodda Ururka Daacish, oo xubno taageersan ay fuliyeen weerarka San Bernardino.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ayuu tilmaamay in isbahaysiga uu hogaamiyo ay qaadeen weeraro ballaaran oo dhinaca cirka ah, isla-markaana ay la beegsadeen goobo ay Daacish kaga sugan tahay Suuriya.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu iftiimiyay inaybeegsadeen gaadiidka dagaalka & shidaalka ee Daacish, ceelasha shidaalka, warshadaha shidaalka sifeeya iyo goobo kaloo muhiim u ah Daacish, sida uu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa carab dhabay toddobaadyadii la soo dhaafay inaysan Daacish weeraro muuqdo ka fulin gudaha dalalka Ciraaq & Suuriya, taasina ay ugu wacan tahay hujuumka kaga imaanaaya dalalka isbahaysiga.

Barack Obama, ayaa sheegay in loo baahan yahay isbahaysi ka ballaaran midka hadda la dagaalamaaya Ururka Daacish.

ObamaObama1Obama1-Obama2Obama3Obama4Obama5

ARLINGTON, VA - DECEMBER 14: (AFP OUT) U.S. President Barack Obama delivers a statement on the counter-ISIL campaign in the Pentagon briefing room December 14, 2015 in Arlington, Virginia. President Obama met previously with a National Security Council on the counter-ISIL campaign. (Photo by Olivier Douliery-Pool/Getty Images)

Obama7

Obama8






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip