Xabad joojin la kala dhex dhigay dhinacyadii ku dagaalamay Beledweyn

0
Tuesday December 15, 2015 - 09:03:12 in Wararka by
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabad joojin la kala dhex dhigay dhinacyadii ku dagaalamay Beledweyn

    Xabad joojin ayaa la kala dhex dhigay dhinacyadii labadii maalmood ku dagaalamay magaalada Beledweyn, iyadoo maanta lagu wado in la kala qaado labada maleeshiyo ee isku hor fadhiya xaafada Howl-wadaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabad joojin ayaa la kala dhex dhigay dhinacyadii labadii maalmood ku dagaalamay magaalada Beledweyn, iyadoo maanta lagu wado in la kala qaado labada maleeshiyo ee isku hor fadhiya xaafada Howl-wadaag.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca arrimaha bulshada Sheekh Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay inay ku guuleysteen in xabad joojin la dhex dhigo maleeshiyadii dagaalantay, waxaana uu xusay in odayaasha iyo waxgaradka ay gacan ka geysteen xabad joojinta.

Waxaa uu sheegay inay tallaabo ka qaadayaan cid kasta oo ku xadgudubta xabad joojinta, isla markaana ay ku kormeeri doonaan labada dhinac dhaqan gelinta xabad joojinta.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa sheegay inuu socdo dadaal maamulka gobolka uu wado oo ku aadan, sidii hubka dadka gacanta ugu jira ay gacan nabadeed u gelin lahaayeen, isagoo xusay marka la dhaqan geliyo xabad joojinta, lana kala qaado ciidamada la sameyn doono howl gal hub ka dhigis ah.

Dagaaladii labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay Beledweyn ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-ruux, halka 50 ruux kale ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyo beeleedyada ku dagaalamay Xaafada Howl-wadaag ayaa wada dega galbeedka Gobolka Hiiraan, waxaana horay ugu dhaxeeyay xurguf.

Dagaalada ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii xaafada Howl-wadaag iyo xaafadaha kale ee ka tirsan magaalada Beledweyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip