WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 15-KA DICEMBAR 2015-KA
"Dhowr jeer oo hore ayaan u sheegay inaan marnaba la aqbali karin in shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in degdeg dagaalka loo joojiyaa, qoly aha ku lug lehna ay xisaabta ku darsadaan in lala xisaabtamayo. Cid walba oo dhiigga shacabka da adisa sharciga ayaa la hor keenayaa, mana jiro ruux sharciga ka sarreeya oo la iska eegan doono isagoo dagaal sokeeye hurinaya’’.
Madaxweynaha ayaa farey ciidammada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo kaa shanaya qeybaha kala duwan ee bulshada inay degdeg colaaddaasi u joojiyaan, khilaaf kasta oo jir ana wadahadal lagu dhammeeyo.
Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha shacabka gobolka Hiiraan ugu baaqey inay nabad da ka shaqeeyaan, degaannadoodana u diyaariyaan dhismaha maamulka cusub ee gobollada Hiir aan iyo Shabeellaha Dhexe, si loo dedejiyo barnaamijka baahinta xukunka iyo adeegyada aasaasi ga ee bulshada.
TABABAR LA XIRIIRA XUUQUUQDA AADANAHA OO AY MUQDISHO KA FURTAY HAY’ADA EHAHRDP ….
Hay’ada Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Bariga iyo Geeska Afrika (The Executive Dire ctor of the East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP) ayaa shalay tab abar lagu baranayo xuquuqda aadanaha ka furtay Muqdisho, iyadoo tababbarkan uu furay, Dr. Xasan Shire Sheekh oo ah agaasimaha haya’dda.
Tababar ayaa lagu baranayo Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo kahortagga tacadiyadda ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ka furay Hoteelka Jaziira ee Muqdisho. Tababarkaan oo socon do ona muddo saddex maalmood ah ka qaybgalayo in ka badan 50ruux oo ka kala yimid gobollada dal ka iyo dibaddiisa. Iyadoo ay casharro ka bixin doonaan xeeldheerayaal Xuquuqda Aadanaha ah oo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi.
Qoddobadda tababarka lagu baran doonaa waxaa ka mid ah fahamka Xuquuqda Aadanaha, muhiimadda dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo qaabka looga hortegi karo tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.
Dr. Xasan Shire Sheekh oo ah khabiir ku ah difaaca xuquuqda Aadanaha wuxuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka, gaar ahaan dalalka Bariga iyo Geeska Afrika, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in bulshadda la baro Dhowrista Xuquu qda Aadanaha iyo in laga taxaddaro falalka ka dhanka ah sharafta iyo xuquuqda dadka kale iyo guud ahaan Insaanka.
Agaasimaha fulinta hay’ada EHAHRDP ayaa sidoo kale ka hadlay waxqabadka hay’adda Difaacayaashaa Xuquuqda Aadanaha Bariga iyo Geeska Afrika oo la asaaay muddo haatan laga joogo 10sano.
Wuxuu kaloo xusay inay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Afrika oo dhan ay ka hawlga laan, isla markaana ay dowladaha kala taliyaan Dhowrista Xuquuqda bani'aadamka iyo hagaajinta nolosha dadka birrimageydada ah.
Dhinaca kale, wasiirkuxigeenka warfaafinta Somalia, C/llaahi Colaad Rooble ayaa isna ka hadlay tababarka, isagoo tilmaamay inay xukuumadda taageersan tahay in laga hortago tacad iyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.
Ugu dambeyn, wasiirxigeenka ayaa xusay inay muhiim tahay in dadka lagu wacyigeliyo fah amka Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo qaababka looga hortegi karo tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aasaasiga ee Aadanaha.
AFHAYEENKA AMISOM: DOOMO DHAWR AH AYAA RASAASEEYAY GAROONKA DIYAARADAHA XAMAR
Xilli habeen hore rasaas laga maqlay garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo la sheegay in ay ahaayeen kuwo ay AMISOM kaga jawaabaysay Weerar ay dhanka badda kaga soo qaadeen gar oonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa waxaa shalay ka hadlay arrintaas ciidanka AMISOM ee ilaalo ka haya garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Afhayeenka AMISOM Col. Paul Njuguna oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawr doomood ay kusoo dhawaadeen Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayna dhawr jeer Rasaas kusoo fureen, laakiin wuxuu sheegay in taas aan la oran karin waxaa la weeraray Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
"Way jirtaa in habeen hore fiidkii ay kusoo dhawaadeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdihso, ayna dhowr jeer soo rasaaseeyeen, iyaguna ay u jawaabeen balse aan la dhihi karin garoonka ayaa la weeraray,” ayuu yiri Col. Paul Njuguna.
Sidoo kale, afhayeenka AMISOM ma uusan sheegin cidda iska leh doomaha habeen hore rasaasta ku furay garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kalena ma uusan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iskahorimaadkaas.
Dhanka kale, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerarkaan ay soo qaadeen garoonka ayna ciidamada AMISOM ugu jawaabeen rasaas fudud iyo mid culus oo inta badan laga maqlay qa ybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa wuxuu sababay in diyaaraddii Turkish Airlines oo maalin kasta duulimaad ku imaan jirtay Muqdisho ay shalay baaqatay, balse illaa hadda ma jirto wax faahfaahin oo laga bixiyay baaqashada duulimaadkeedii Muqdisho.
Ugu dambeyn, garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ilaalaya ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia; iyadoo aysan jirn cid sheegatay mas'uuliyada weerarkii habeen hore dhanka badda looga soo qaaday garoonka diyaaradaha.
DAWLADDA SOOMAALIYA OO XIL MUHIIM AH U MAGACAABAYSA GEN. MAXAMED SACIID XIRSI (MORGAN)
Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo xafiiska raysal wasaaraha soomaaliya Cumar Cab dirshiid Cali sharmaake ayaa sheegaya in maalmaha soo socda lagu wado in Gen. Maxamed Sac iid Xirsi (Morgan) loo magacaabo Lataliyaha dhanka arimaha militeriga ee Xafiiska RW Cumar C/ra shiid Sharmarke.
Gen Morgan ayaa maalinta maantato ah iman doona magaalada Muqdisho isaga oo xiligan ku sugan magaalada Nairobi oo inta badan uu ku sugnaa tan iyo markii ay dhacday xukuumadii Maxamed Siyaad Barre Xigasho Somaliweyn.com
BEESHA MUDULOOD OO ISKU WAAFAQDAY IN WAX LAGU DOORTO QAAB DEEGAAN SANADKA 2016KA
Kulan Balaaran oo ay shalay isugu yimaadeen Beesha Mudulood ayaa waxaa ay kaga hadleen Qodobo muhiim ah kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen diyaargarowga Hiigsiga 2016ka qaabka loo wajahaayo doorashadda Xiliga kala guurka, u diyaar garowga ka qeyb qaadashada xiligaasi ee dhanaca beesha iyo Doorka ay ku leedahay arimhaasi, sida ay u aragto in ay u dhacdo doorashadaasi xiliga kala guurka, waajibaadka beesha ka saaran arimhaasi, iyo qodobo kale oo ku wajahan qorshaha 2016ka.
Kulankaasi oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsanaa dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray, Raiisul wasaarihii Prof. Cali Maxamed Geedi, Siyaasiyiin kala duwan, Nabadoono Odoyaa sha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Haweenka, dhalinyaradda, Barbaarta gaashaman iyo xubno kale.
Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay Ex Xildhibaan Salaad cali Jeele oo si weyn uga sheekeeyay marxaladihii uu soo maray dalka, gaar ahaan 25kii sanno ee burburka uu ka jiray dalka iyo wax qa badkii dawladihii KMG ahaa ee soo maray dalka oo uu isagu wax badan ka soo qabtay, waxaana uu si qoto dheer uga hadlay Beesha Mudulood oo uu sheegay in ay tahay Saldhig Soomaaliya int eeda kale, isagoo intaasi ku daray in beeshu ay weligeedba ku hawlaneed isku soo dumidda Soom aliya, waxaana uu sheegay in ilaa iyo haatan ay ku hawlan tahay arintaasi si loo helo Nabad, hour mar iyo in Soomaaliya ay noqoto dawlad cagaheeda ku istaagto.
Salaad Cali Jeelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in beesha Mudulood ay weligeed horseed u aheed dhanka nabadda, waxaana uu sheegay in 2012kii dawladii uu hogaaminayay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu heshiis lagu magacaabay Garoowe one iyo Garoowe Two) oo kaga qeyb galay magaaladda Garowe iyo weliba Magaalada Gaalkacayo waxaana uu sheegay in uu he shiiskaasi meel maray, waxaana uu xusay in shalay Soomaliya ay ka gudubto Nidaamka 4.5 ee ay u gudubto Nidaamka doorashadda 2016ka qaab deegaan kaas oo uu sheegay in uu shacbiga So omaalliyeed u yahay qaab ay wax ku dhisan karto oo ah one Maan One Vot.
Md Salaad waxaa kaloo uu sheegay in 2015ka xili la sugaayay in ay arintaasi dhaqan gasho ay dawladda haatan hogaamiso dalka ay ku dhawaaqday in aanu dhici Karin doorasho xor ah 2016ka , basle ay dhici karto doorasho qaab kale oo wajahay, sidaasi awgeeyd waxa uu sheegay mar hadii ay taasi dhacday in beesha Mudulood ay mowqif cad ka qaadatay iskuna raacday in qaab degaan wax lagu doorto hadii ay taasi wax ka duwan la keenana aysan qeyb ka aheynin beesha Mudulood ayna qaadeceyso.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Salaad Cali jeele in beesha Mudulood ay ka xuntahay in shalay dib loogu Noqdo Nidaamkii 4.5, taas oo uu sheegay in ay tahay waxaan soconeynin, beesha Muduloodna ay banaanka ka tahay arintaasi iyo cidii ku lug lehba kamana qeyb gali doonto qorshahaasi haatan la waddo” ayuu Yiri Ex Salaad cali Jeele.
Dhinaca kale waxaa iyagana kulankaasi ka hadlay Ex Xildhibaan Xuseen Caraale Maxamed, Nabadoon Xaaji Muhudiin Xasan Afrax, Prof Ciise Nabadoon C/raxmaan Qaloosh, Nabadoon Xxmed gaari, Nabadoon Axmed mahad Xasan Shariifo Cadoow jilacoow, iyo Maxamed Cumar Dele, kuwasi sheegay in shalay loo baahan yahay in lagu dhaqmo Dastuurka horay loogu heshiiyay iyo sharciga federaalka oo si cad u qeexaaya in higsiga 2016ka ay u dhacdo doorasho xor ah, waxaana ay Xuseen in aanan atintaasi la meel marin oo loo wajaho sida ay tahay cidii wax kale la timadana ay tahay cid dooneysa in ay carqaladeyso geedi socodka Higsiga 2016ka.
Intii uu kulankaasi socday waxaa isna ka hadlay Ex Xildhibaan Maxamuud Geedi aw Hilowle oo ku hadlayay codka jaaliyada Soomaliyeed ee ku mool 5ta qaaradood ee aduunka isagoo sheegay in ay u soo dhiibeen fariin cad oo ku wajahan Hiigsiga 2016ka iyo in beesha Mudulood ay u hawlga sho cidii hogaamin laheed iyo in ay gacan ku siiso hogaan kasta oo ay beesha yeelato si ay wax ula wadaagto Soomaaliya inteeda kale.
Gabagabadii waxaa kulankaasi ka hadlay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Gee di oo sheegay in mar hadii la yiri sanduuq iyo Cod xor ah ma dhici karaan 2016ka, taas badelkeeda waxaa looga fadhiyaan in ay keento wax u cuntami kara Soomaaliya, waxaase uu ka digay in hadii dib loogu laabto nidaamkii 4.5 masuuliyadeedda ay qaadaneyso cidii keentay qorshahaasi, isagoo sheegay in shalay Soomaaliya ay u baahan tahay in wax lagu qeybsado qaab deegaan oo kaliya sidaasina ay Soomaaliya ku hanan karto dawladnimadeeda iyo horumarkeeda. XIGASHO:SOMALIWEYN
MADAXWEYNAHA KENYA OO CAFIS U FIDIYAY MAXAABIIS GAAREYSA 66 RUUX OO AY KU JIRTO HAWEENAY 68 SANO JIRTO
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cafis u fidiyay ilaa 66 maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiista ku jirtay xabsiyada Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Maxaabiistaan oo galay dambiyo kala duwan ayaa waxaa ku jiray Dad qaarkood lagu xuk umay xabsi daa’in oo kol hore la xukumay, laakiin Cafis hada helay.
Dadka uu cafiyay Madaxweynaha dalka Kenya waxaa ka mid ahaa 10 Haween ah oo ku jiray Xabsiga dhexe ee dumarka ee ku yaallo xaafada Lang’ata, halkaas oo ay dabaal deg weyn ku sameeyeen maxaabiista cafiska loo fidiyay.
Tirada Haweenka cafiska helay ayaa gaaraya 10 haween ah oo ka mid ahaa Boqolaal ha ween ah oo Xabsigaasi ku xirnaa.
Dumarka la fasaxay ayaa waxaa ka mid ah haweeney lagu magacaabo Teresia Wanjiku oo ay da’deedu tahay 68 sano, taasoo xabsiga ku qaadaneysay xukun xabsi daa’in ah oo ay muteysa tay.
Mrs Teresia ayaa hada ku guda jirtay sanadkii 24aad ee ay xabsiga gudihiisa ku qaadatay, waxaana sii deynteeda ay uga dhigneyd hadiyad qaali ah oo la siiyay.
Madaxweynaha Kenya ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Maxaabiistaasi la sii daayay, iyaga oo halkaasi ugu mahadceliyay Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya.
WAR SAXAAFADEED : XIRIIRKA SOOMAALIYA IYO CHINA OO 55SANO JIRSADAY.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faaneysaa inay u dabaal degto 55sano guurada ka soo wareegatay Xiriirka Soomaaliya iyo China oo ah mid laba geesood wadaag ah oo miradhal leh .
Soomaaliya iyo China waxaa ay wadaagaan xiriir taariikheed qoto dheer iyo aragti mideysa ka guul gaaridda horumarka iyo barwaaqadda oo ku dhisan xushmad wadaag iyo iskaashi hiigsi leh.
Xukuumadda Soomaaliya iyo Shacabkeeda waxaa farxad u ah tageerada joogtada ah ee China , iyo dadaalada aan dib ugu dhiseyno dalkeena. Shacabka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Shacbiga China waxa ay cadeeyeen ka qeybgalkooda tooska ah iyo taageerada kala duwan ee ay u fidinayaan Soomaaliya .
Maalintani taariikhda leh , Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay la dabaal dege ysaa China , horeusocod horumar leh, waxaanu raadineynaa wax wadaagid si loo gaaro horumar jogta ah iyo iskaashi dhaqaale oo guul leh .
WASIIRKA MAALIYADDA XFS AYAA SI WEYN U SOO DHAWEEYEY ASXINTA SHARCIGA IIBKA QARANKA
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aden Ibrahim Farkeeti ay soo dhaweeyey ansixinta Sharciga Iibka Qaranka (procurement Bill) oo golaha Barlam anku anxisyeen sabtidii la soo dhaafay, wuxuuna wasiirku ku tilmaamay talaabo horumar u keenay sa daafurnaa iyo taaba galinta sharciyada asaaska u ah dalka.
"Ansixinta Sharciga Iibka Qaranka waxaan sugaynay mudo dheer, waana qayb ka mid ah guulaha la gaaray sanadkaan. Sharcigaan isagoo aan goluhu ansixin kuna jira akhrintii kowaad iyo kii labaad ayaan bilownay ku dhaqankiisa qaybo kamid ah, waxaa xusid mudan in qandaraasyada la bixiyey sanadkaan ay dhamaantood mareen (Procurement) taas oo muujinaysa in la gaaray xiligii aan ku dhaqmi lahayn cadaaladda dhanka qandarsayada. Qandaraasyadaas aan bixinay qaarkood waxaa ku guulaystay iyadoo cidna aysan riixayn ama aysan taageero u fidinaynin shirkado shisheeye oo ku soo baxay aqoontooda iyo khibradooda shaqo” ayuu yiri wasiir Farkeeti.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradu ay howl galisay waax gooni ah oo ka shaqaysay Iibka Qaranka, taas oo in mudo ah ay ku socotay tababarid shaqaale iyo qalabayn xafiis, waxaana gacan weyn ka gaystay khubaro ka socota Bangiga Aduunka oo kala shaqaysay Wasaaradda sidii waaxdaas u howl gali lahayd. Wasiirka ayaa sheegay in ay bilaabayaan wacyi galin ku wajan Iibka qaranka si dadka Soomaaliyeed loo baro ahmiyad uu sharcigaan dalka u leeyahay.
"Waxaa Ilaahay Mahadiis ah in manta Wasaaradu wixii qalab lagu soo gadayo, ama wax lagu dhisayo ama shaqooyin kale oo daruuri ah lagu qabanayo loo soo bandhigo shacabka, taas oo meesha ka saartay nin jeclaysigii iyo eexdii. Waxaa kale oo shalay guul ah in dhamaad shirkadaha xariirka la leh Hay’adaha kala duwan ee dowaladda ay si toos ah ula macaamilaan Wasaaradda Maaliyadda marka ay timaado lacag bixinta” ayuu yir mar kale wasiir Farkeeti.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in Wasaarada oo adegsanaysa aqoonteeda shaqo iyo khubarada la shaqaysa ay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dhisida waaxyaha Iibka Qaranka (procurement) ee wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, si wixii la soo gadayo iyo wixii la sii gadayo intaba ay maraan qaab ku dhisan daah furnaan iyo isla xisaabtan,
Fa’iidoyinka Sharcigaan u leeyahay dalka waxaa ka mid ah:
Kor u qaadida dhaqaalaha, hufnaanta iibsiga iyo helitaanka qiimaha ugu wanaagsan ee dadweynaha wax looga soo gadan karo.
Dhiirigalinta horumarinta dhaqaalaha dalka;
·Kor u qaadista sharafta, cadaaladda, la xisaabtanka iyo kalsoonida shacabka ee wax ku soo iibsiga;
· In la gaaro nidaam ay ku dheehan tahay daah furnaan, iyo go'aanada la xiriira heshiisyada iibsiga iyo lacag dhimista.· furfurida iibsiga dadweynaha iyo wax soo iibsashada hay'adaha dowla dda;
· Ciribtirka in cid gooni ah ay xirato qaabka wax soo iibinta iyo kor u qaadida tartan ku dhisan habka lacag dhimista iibsigu.
Sharcigaan ayaa dalka ugu danbaysay 26 sano ka hor, wuxuuna wax weyn ku soo kordhinay aa dib u dhiska dalka iyo kalsoonida deeq bixiyaasha caalamka.
DAGAALKII BALEDWEYNE OO DIB U QARXAY IYO KHASAARO DHIMASHO IYO DHAAWAC OO KA DHASHAY
Mar kale ayaa shalay waxaa dib u qarxay dagaalkii u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo daraad ku dagaalamay Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa wuxuu ka qarxay Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne, oo markii horeba ay isku hor fadhiyeen labada maleeshiyo beeleed ee dagaalka u dhaxeeyay.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo warinayaa inuu ka dhashay dagaalka shalay, waxaana halkaasi ku dhintay Shan ruux oo dhinacyada dagaalamay ah iyo sidoo kale dad shacab ah.
Dhaawacyada dad rayid ah ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Baledweyne, sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Baledweyne.
Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii dagaalka loo joojin la haa, hayeeshe Xaafada howlwadaag ee Magaaladaasi ayeey ka dhaceysa rasaas culus.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa isku daygiisa daminta colaada waxa ay ku eegt tahay kaliya Warbaahinta hadalo laga jeediyo, hayeeshe ma jirto ciidamo Dowladda ka tirsan oo maleeshiy aadka dagaalamaya la kala dhex dhigay.
Dagaalka oo hada ka socda Xaafada Howlwadaag ayaa dhinacyada dagaalamaya waxaa soo gaaraya gurmad maleeshiyaad hor leh, taasi oo sii cusleynaysa marxalada dagaalka.
2 SARKAAL U SHAQEYNAYAY HAY’ADA UNHCR OO LAGU DILEY MUQDISHO
Koox hubeysan ayaa rasaas ku furtay gaari marayay wadada Maka AlMukarama ee magaala da Muqdisho iyadoo ay ku dhinteen labo ruux oo saarneyd gaarigaas.
Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah labada ruux ee ku dhintey rasaastan ay ahayd ga bar u shaqeynayay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.
Haweeneydan ku geeriyootay gaarigan ayaa magaceeda lagu sheegay Aamina Maxamed Nor halka qofka kale ee la dilayna magaciisa lagu sheegay C/saaq Aadan Caddaawe.
Waa markii ugu horeysay ee rasaas lagu furo gaari marayo wadada Maka Al Mukaramah iya doo badanaa dilalka ka dhaca wadadaas uu ahaa mid ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah amaba qarax lagu xiro gaadiidka.
Weerarka ayaa dadka fuliyay waxa ay gaari ay wateen ku horgeeyeen baabuur ay wateen lab ada ruux ee la diley waxaana la sheegay in ay baxsadeen,
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada oo ku saabsan weerarkan hase yeeshee waxaa gaaray goobta uu weerarkan ka dhacay ciidamada ammaanka.
XILDHIBAAN QOONO "XUKUUMADDA WAA INAY KALA DHEX GASHAA DHINACYADA KU DAGAALAMAYA BELEDWEYN”
Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono) oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka federaa lka Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa shalay ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday magaalada Beledweyn.
Xildhibaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xilligan dagaalo dhex maraan dad walaalo ah, isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, lana isugu yimaado miiska wa da hadalka si loo baajiyo dhiiga daadanaya,
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka labada dhinac ay la xiriireen, Isla markaana u gudbiyeen inay kala dhex galaan labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamaya Xaafada Howlwadaag.
"Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay si deg deg ah u dhex gashaa walaalaha ku dagaalamaya Beledweyn, islamarkaana u dirtaa xubno ka socda Xukuumadda Dhexe ee Soomaa liya, maadaama ay iyadu mas’uul ka tahay dalka oo dhan si loo soo afjaro dagaalkan oo ay ku dhint een dad toboneeyo ka badan”ayuu yiri Xildhibaan Qoono.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay in Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Hiir aan ay ku baxayaan si colaadaasi loo qaboojiyo, isla markaana ay dhawaan ka ambabixi doonaan magaalada Muqdisho, si ay wada hadal iyo dib u heshiisiin u kala dhex dhigaan beelaha xurgufta u dhaxeysa.
Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Bele dweyn, gaar ahaan Xaafada Howlwadaag, waxaana dagaalada ay geysteen dhimasho iyo dhaa wacyo fara badan oo ka soo gaaray dhinacyada dagaalamayay iyo dad rayid ah.
PROFESSOR WAX KA DHIGAAYAY JAAMACADA NAYROOBI OO LAGU TOOGTAY NEYROOBI
Kooxo hubeysan ayaa habeenimadii habeen hore toogasho ku dilay Macalin wax ka dhigi jiray Jaamacada Nairobi University, kaas oo lagu magacaabi jiray Professor Stephen Nzuve.
Dabley ka kooban 5 ruux oo gudaha u gashay aqalka Profesorka ayaa handaday isaga iyo qoyskiisaba, ka hor inta aysan toogasho ku dilin xili uu ku dhex jiray qolkiisa fadhiga.
Guriga uu deganaa Professorka ayaa ku yaallay xaafada Tala ee Degmada Machakos, sida ay Booliska sheegeen.
Kooxda weerarkaasi geysatay ayaa la baxsatay 3 computer oo ah kuwa gacanta lagu qaato ee loo yaqaanno Laptobka, lacag aan cadadkeeda la cayimin iyo qalab kale.
Booliiska oo tagay goobta falka dilka uu ka dhacay ayaa sheegay inay baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarka lagu dilay Ninkaasi Macalinka ahaa.
Mid ka mid ah dadka dariska la ah Professorka oo lagu magacaabo Mutinda Mwanzia ayaa sheegay in burcada ay mudo 3 saacadood ah argagax galinayeen qoyskaasi.
Booliska ayaa sheegay in aysan ilaa iyo hada ogeyn sababta macalinka Jaamacada loo dilay, waxyaabaha ay baarayaan iminkana ay ka mid tahay inuu horay u helay fariimo hanjabaad dil ah iyo in kale.
Professor Stephen Nzuve oo ahaa aqoonyahan wax ku soo bartay Jaamacado dalka diba diisa ah ayaa waxa uu muddo ka badan 35 sano ahaa macalin Jaamacadeed oo wax ka dhiga maa dada Maamulka Ganacsiga ee afka qalaad lagu yiraahdo Business Management.
CAWAD A.CASHARA OO SI WEYN U TAAGEERAY MAAMUL U SAMAYNTA SOOL IYO SANAAG
Siyaasiga cawad axmed cashara ayaa taageeray mamul wadaaga gobolada Sool iyo Sanaag oo uu sheegay in loo baahan yahay in umada goboladaasi degtaa ay si wadajir ah uga tashadaan maa mul loo dhan yahay oo ka hana qaada goboladaasi .
Md. cashara ayaa tilmaamay inay haboon tahay in la taageero maamulkaasi lagu wado inuu ka hana qaado gobolaadasi islamarkaana dadka goboladaasi ay si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan.
Sidoo kale cashara ayaa dhanka kale ka hadlay guushii nabadeed ee laga gaaray magaalada gaalk acayo uguna hambalyeeyey maamulada iyo weliba masuuliyiintii ka socday maamul gobo0ledyada dalka jira iyo weliba dowlada f somalia.
Si kastaba ha ahaatee hadalka siyaasiga cawad cashara ayaa kusoo beegmaya xili dadaal loogu jiro sidii maamul uu uga hanaqaadi lahaa gobolada sool iyo sanaag
FAAH FAAHIN KA SOO BAXAYA XIISADO DAGAAL OO KA SOO CUSBOONAADAY MAGAALADA MARKA
Xiisado dagaal ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday magaalada Marka ee xarunta Gobo lka Shabeellaha Hoose, halkaasoo saddexdii sano ee u dambeeyay ay ragaadiyeen dagaal beeleedyo.
Dagaalo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa daraad iyo maanta ka dhacay magaal ada Marka, kaasoo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in labadii maleeshiyo ee dagaalamay ay wali isku hor fadhiyaan gud aha magaalada, waxaana laga cabsi qabaa in mar kasta xabada ka dhex bilaabato.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dhaq dhaqaaqa magaalada uu ya hay mid gaabis ah, isla markaana xiisada magaalada ka jira uu saameeyay.
Waxaa magaalada ka jiray barakac ay sameynayeen shacabka, kuwaasoo u qaxay deegaana da ku dhow dhow Marka, si ay uga nabad galaan rasaasta.
Xiisadaha dagaal ee ka soo cusboonaaday magaalada Marka ayaa wali ka hadlin dowladda Federaalka, iyadoo labadii sano ee u dambeysay magaaladaas ay booqasho ku kala tageen Mada xweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaarayaashii hore Saacid iyo C/wali Sheekh Axmed.
Ma jirto illaa iyo hada cid kala dhex gashay maleeshiyooyinka dagaalamay, waxaana magaa lada duleedkeeda saldhig milateri ku leh Ciidamada AMISOM.
Xaalada magaalada Marka ayaa sanadihii u dambeeyay aheyd mid aan deganeyn, iyadoo dhowr jeer ay dagaalo ku soo laabteen, waxaana jiray heshiisyo nabadeed oo la kala dhex dhigay beelaha, kaasoo aan si rasmi ah u dhaqan gelin, tiro dhowr jeer uu bur bur ku yimid.
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO BEENIYAY INUU XARUNTII HORE EE BAARLAMAANKA BIXIYAY
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcale ayaa been abuur ku tilmaamay in maamulka gobolku uu dhismihii hore ee Baarlamaanka ku wareejiyay Telefishanka Universal.
Wuxuu tilmaamay in si khaldan loo fasiray tallaabada maamulka oo ah in la soo celiyo bilicda xarunta, ayadoo lala kaashanayo hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu ka codsaday Universal in ay kala qeyb qaataan dib u hagaajinta xaruntii hore ee Baarlamaanka, uuna ka aqbalay. Xaruntaan waxaa loo beddeli doonaa jardiin lagu nasto oo dhir leh, sida uu maamulku tilmaamay.
"Haddii aan ku heshiino inaad gurigaan iiriddiisa (albaabkiisa) xaaqdid, micnaheedu maaha in aan kugu wareejiyay” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf.
Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nadaafadda, isla markaana ay yareeyaan waxyaabaha bilicda wax u dhimaya sida bacaha oo kale.
HAY'ADA CULIMADA SOOMAALIYEED OO KU BAAQDAY IN LA JOOJIYO DAGAALADA MARKA IYO BALADWEYNE
Hay'ada Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose.
Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay warbaahinta Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay ineysan xilligan habooneyn in dagaal dib kaga qarxo magaalooyinka Baladweyne iyo Marka oo ay ku dagaalamayaan Maleeshiyo Beeleed,isagoo ku baaqay in la joojiyo dhiiga shacabka ee daadanaya.
Wuxuu sheegay in shacabka la barakicin xaqdarana lagu daadin dhiigooda,isagoona dhina cyada ku dagaalamaya magaalooyinka Marka iyo Baladweyne ugu baaqay iney qaataan nabada wax waliba oo ka dhaxeeyana miiska wada hadalka ku dhameeyaan intii ay is xabeyn lahaayeen.
Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo sii hadlay ay ayaa tilmaamay iney qeyb weyn ka soo qaateen joojinta dagaalkii ka dhacay magaalada Gaal kacyo ee u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug,wuxuuna hoosta ka xariiqay in hada gac an weyn ay ka geysanayaan sidii lagu joojin lahaa dagaalada Baladweyne iyo Marka,balse marka marka hore ka dalbaday Dowlada iyagu mas’uuliyada ugu badan ay saaran tahay ku baxaan daga aladaasi.
Dagaalka daraad ilaa iyo shalay ka dhacayay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hii raan ayaa sababay qasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac,iyadoo dhaawacyada hada sii caga cag areynayaan ilaa iyo Kontameeyo.
SOO XULIDDA XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA: ARAGTIDA SHACABKA
Machadka Heritage waxa uu bilaabay cilmibaaristan si uu dood ugu biiriyo hababka kala duwan ee si nabad ah awoodda loogu wareejin karo sanadaka 2016 isaga oo isticmaalaya xog si cilmiyeysan loo soo uruuriyay iyo taxliil. Mashruuca waxa uu hadafkiisu yahay in uu soo bandhigo codka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan 2016 islamarkaana uu soo gudbiyo xog muhiim ah ee la xariirta kala duwanaanshaha fikirka ummadda Soomaaliyeed. Natiijada cilmibaaristan waxa ay soo bandhigaysaa xog lagu kalsoonaan karo, metelina karta dadka deggan shan magaalo ee ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan Soomaaliya, si ay cilmibaaristu wax ugu biiriso geeddisocodka siyaasadda Soomaaliya.
Maaddaama doorasho xor ah aanay dhaceynin, in ka badan kala bar (51 boqolkiiba) waxa ay sheegeen in odayaasha dhaqanka ama in waxgaradka beel kasta (clan constituency assembly) ay yihiin habka xulidda oo ay door bidayaan. In ka badan 27 boqolkiiba oo dadkaasi kamid ah ayaa ku jawaabay in ay doonayaan in odayaasha dhaqanku ay soo xulaan xildhibaannada sidii ay usoo xuleen 2012, halka ku dhawaad afar meelood meel ay doorbidayaan in waxgaradka beeluhu ay soo xulaan xildhibaannada.
Dhanka kale, hab xulid ku saleysan gobollada/maamul goboleedyada ama degmooyinka ayaa sidoo kale ahaa hannaan ay doorbidayeen qaar badan oo ka mid ah dadkii xog uruurinta laga sam eeyay. 41 boqolkiiba ayaa door bidday degmooyin ama maamul goboleedyada/gobollada in lagu saleyo metalaadda intii qabiil lagu saleyn lahaa. Ku dhawaad afar meelood meel (22 boqo lkiiba) waxa ay sheegeen in ay doonayaan in degmooyinka lagu saleeyo soo xulidda xildhibaan nada, halka (19 boqolkiiba) ay doorteen in soo xulista xildhibaannada lagu saleeyo maamul gobolee dyada.
Halkan kasoo rogo warbixinta oo dhameystiran
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 15-KA DICEMBAR 2015-KA
MADAXWEYNAHA: "DAGAALKA BELED WEYE WAA IN DEGDEG LOO JOOJIYAA. LABADA DHINAC WAXAAN U SHEEGAYAA IN LAGULA XISAABTAMI DOONO FALALKA AY HALKAA KAN WADAAN'' Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamm