AKHRISO: Q/4-aad dhacdooyinkii ugu waa weynaa Soomaaliya 2017

0
Thursday January 04, 2018 - 13:21:02 in Wararka by
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO: Q/4-aad dhacdooyinkii ugu waa weynaa Soomaaliya 2017

    Akhristiyaasheena sharafta leh ee ku xiran Page-kaRadiorisaala.comamaRisaala.net,waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhacdooyinkii ugu waa weynee ee Soomaaliya sanadkii tagay 2017. maanta waa weybta 1-aad Saddexda bil ee kala ah October, November

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhristiyaasheena sharafta leh ee ku xiran Page-kaRadiorisaala.comamaRisaala.net,waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhacdooyinkii ugu waa weynee ee Soomaaliya sanadkii tagay 2017. maanta waa weybta 1-aad Saddexda bil ee kala ah October, November iyo December. OCTOBER

Maalin Axad ah, October, 01, 2017Wasiirka wasaarada amniga gudaha Maxamed Abuurkar Isloow oo warbaahinta kula hadlay xarunta Jen Kaahiye, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu marayo baaritaanka falkii dilka ahaa ee loo geystay xoghayihii Ururka haweenka Qaranka iyo wiilka guddoomiyaha Ururka haweenka.

Wasiirka ayaa sheegay in xiray taliyeyaashii nabad-sugida iyo booliiska degmada Xamar weyne islamarkaana xilka laga qaaday, sidoo kalana xabsiga la dhigay ilaa 12 Askari oo waqtiga uu falka dilka ah dhacayay ku sugnaa Labo Isgoys oo ka mid ah uu weerarku ka dhacay.

Maalin Axad ah, October, 8, 2017Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka furmay shirka Maamul goboleedyada, kaasi oo Saddex maalmood kadib la soo gaba gabeeyay, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed, oo uu ka mid ahaa in Maamul Goboleedyada ay sameysteen Gole iskaashi, kaasi oo Guddoomiye looga dhigay C/wali Gaas.

Maalin Khamiis ah, October, 12, 2017–Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa kulankii golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ka hor sheegay in uu xilka iska casilay, waxaana uu ka codsaday gollaha wasiirada in ay ka aqbalaan is casilaadiisa.

Is maalinkaas waxaa is casilay Taliyihii ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka Taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xusseen Gorod.

Maalin Sabti ah, October, 14, 2017Qarax loo adeegsaday Gaari TM ah ayaa dharaad cad lala beegsaday shacab aan waxba galabsan oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku nafwaayeen dad gaaraya 500 oo qof, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Maalin Axad ah, October, 22, 2017Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

Xabadda haleeshay Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa uga dhacday jilibka. Wararka ayaa sheegay in gacan ka hadal dhexmaray taliyaha iyo guddoomiyaha ay sababto in taliyuhu uu bastoolad u xirnayd la baxo oo rasaas ku furo guddoomiyaha.

Maalin Sabti ah, October, 28, 2017Al-shabaab ayaa laba qarax ku waararay Hotel Naasa-hablood laba oo Hal meyl wax ka yar ujira Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dileen dad gaaraya 20 qof oo ay ku jiraan Xildhibaan hore C/naasir Gaarane iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow.

Isniin, October, 30, 2017Guddoomiyaha maxkamada sare ee maamulka Konfur Galbeed Sheekh Axmed Cabdulaahi Xuseen (Fanax) ayaa sheegay in Maxkamada Sare ee Koofur galbeed ay si ku meel gaar ah ugu soo guurtay gobolka Sh/hoose ayna halkaa ku shaqeyn doonto sababo amni awgeed.

Sheekh Fanax ayaa sheegay in is hortaag lagu sameeyay howlihii maxkamada ee xafiiska magaalada Baydhabo sidaa daraadeed u soo wareegeen in ay ku shaqeeyaan gobolka Shabeellaha hoose.

NOVEMBER

Maalin Axad ah, November, 05, 2017Waxaa la soo gaba gabeeyay shir Muqdisho uga socday Madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, iyadoo lagu saxiixay war murtiyeedkii ay ku heshiiyeen Madaxda.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qaatay waqti ka badan intii uu qorshuhu ahaa in lagu soo gaba gabeeyo, madaama uu ku soo beegmay xili khilaaf adag uu ka dhax jiray dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada qaarkood.

Maalin Jimco ah, November, 10, 2017Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa la sheegay duqeyn ay ka geysteen gobolka Baay, halkaasi oo ay ku dileen tiro ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

War ka soo baxay taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay iney duqeymahaasi ka dhaceen goobo bartilmaameed ahaa, kuwaa oo lala eegtay Al-shabaab.

Maalin Axad ah, 26, November, 2017,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilka ka qaaday Wasiirka diinta iyo Owqaafta dowladda Soomaaliya Iiman Abdullahi Ali.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga u magacaabay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Maalin Talaado, November, 28, 2017Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM Qoraal ka soo baxay waxaa lagu sheegy in ciidamada Mareykanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya Duqeyn la beegsadeen xoogag ka tirsan Ururka Daacish, kuwaa oo ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan Puntland.

Saraakiisha Miliytariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay sida ku cad Qoraalkooda in duqeyntaasi lagu dilay horjooge k atirsanaa Kooxda Daacish ee bartilmaameedka uu ahaa.

Maalin Talaado ah, November, 28, 2017Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday mashaariic hormarineed oo ku kacaya lacag dhan $ 200 oo million oo dollar, Soomaaliya waxay sheegtay in mashaariicdan dhamaantood yihiin kuwo hormarineed oo isugu jira, Shaqo Abuur, Dib u Dhis iyo Kobcinta Shaqaalaha dalka.

Maalin Arbaco ah, November, 29, 2017Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhowaaqay gole wasiir oo ka kooban 57 xubnood.

Golaha wasiirada cusub waxaa ka dhax muuqday xubno horay xilal uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray.

Golaha Wasiirada ayaa waxa ay ka kooban yhiin 20 wasiir 20 wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru dowle.

Khamiis, November, 30, 2017Wasiirka Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa mar kale ku wargalisay mas’uuliyiinta dowladda in aysan wadan karin tiro ka badan Afar ilaalo ah oo ku hubeysan Qoriga AK47ka.

Khamiis, November, 30, 2017Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa daah furay diiwaangalinta ciidamada xoogga dalka oo markii ugu horeysay Askari walba mushaarkiisa uu ku qaadan doono Account u gaarka ah.

DECEMBER

Maalin Isniin ah, December, 04,Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay shir heerkiisu sareeyo oo laba maalin socday waxaana maalinta koowaad looga hadlayay amniga kaasi oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay wakiilada Beesha Caalamka, iyada oo shirkaasi laga soo saaray qodobo muhiim ah.

Maalin Arbaco ah, December, 06, 2017Waxaa xarunta madaxtooyada Vila Soomaaliya heshiis dhameystir ah ku gaaray maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna, maadaama heshiis hordhac ah ay ku soo gaareen dalka Jabuuti.

Waxaa jooga munaasabada oo ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Maalin Jimco ah, December, 08, 2017–Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ka soo saartay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Quddus inay tahay caasimadda Israel.

Bayaan oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyay go’aanka haliska ah ee uu qaatay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Galab Isniin ah, December, 11,2017 Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo ka tirsanaa Wariyeyaasha ka howlgala TV-ga Kalsan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu dilay Magaalada Muqdisho, ka dib markii qarax loogu soo xiray gaarigiis.

Wariyaha oo marayay Suuqa Kalluunka ee Degmada Wadajir, ayaa mar keliya gaarigiisii laga dhex maqlay qarax, iyadoo daqiiqado ka dibna uu u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray qaraxaasi.

Khamiis, December, 14 2017Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay liiska Golaha Wasiirrada, kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 30.

Golaha Wasiirrada ayaa waxaa ka mid ah xubno ku jiray Xukuumadda Siilaanyo ee xilka wareejiyay, waxaana ay gaarayaan ilaa shanwasiir.

meen Qaraxii Ismiidaminta ee saakay ka dhacay xarunta Tababarka Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Subax Khamiis ah, December, 14 2017Inta la xaqiijiyay 18 Askari oo Boolis ah ayaa ku dhimatay 15 kalena way ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaminta ee saakay ka dhacay xarunta Tababarka Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Qof watay Jaakad ay ka buuxeen walxaha qarxa oo ka tirsan Shabaab, ayaa isku qarxiyay barxada Iskool Pluzia oo ay subixii ku tababartaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo isku diyaarinayay xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December ku aadan.

Jimco, December, 15, 2017Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay joojisay gargaarka ay siiso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, sababo Mareykanka uu ku sheegay musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Mareykanka ayaa Ciidamada Millitariga Soomaaliya ku taageeri jiray gargaar kala duwan oo ay ka mid yihiin cunada, shidaalka, hubka iyo agab kale.

Isniin, December, 18, 2017Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa xilli habeen ah weerar ku qaaday guriga Muqdisho uu ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, weerarkaas waxaa lagu dilay 5 ka mid ah ilaalada siyaasiga, sidoo kale waxaa lagu soo xiray C/raxmaan C/shakuur.

Talaado, December, 19, 2017Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa la soo taagay Maxkamad Gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamar Weyne.

Ujeedka Maxkamadda loo geeyay ayaa lagu sheegay, iyadoo ay dhamaaneysay muddada 48-saac ee ah in qofka eedeysanaha lagu horgeeyo Maxkamad.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa dalbatay in la siiyo 5 maalin oo dheeraad ah si ay ku keenaan Cadeymaha loo heysto Siyaasigan, Sidoo kalena la siiyo warqad ogolaansho ah oo ay ku sii heysan karaan Warsame, Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa diiday inuu aqbalo dalabka Xeer ilaalinta, wuxuuna u soo jeediyay iney maalinta 24 saac ku keenaan Cadeymo dhameystiran oo eedaha la xiriira.

Khamiis, December, 21, 2017Dowladda Soomaaliya ayaa xoriydiisa dib ugu soo celisay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaas oo ciidamada ammaanka ka soo qabteen Gurisiiga weerar dhiig badan uu ku daadday.

Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano ayaa lagu soo sii daayay Siyaasiga.

Khamiis, December, 21, 2017– Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kadib markii Maxkamaddu ay u fariisatay kiiskii loo heystay.

Sabti, December, 23, 2017– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay La taliyihiisa dhinaca Ammaanka Qaranka CabdiSaciid Muuse Cali oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed.

Talaado, December, 26, 2017-Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday in ay dib u fureyso kiiska C/raxmaan C/shakuur Warsame, waxayna u yeertay 27-kii December C/raxmaan C/shakuur, balse C/raxmaan ma uusan hortagin Maxkamadda maalinkaas.

Arbaco, December, 27 2017Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa waqti cusub oo ah 3-da January 2018 u qabatay kiiska dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur, iyadoo ku wargelisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir inay gaarsiiyaan mudada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa, si uu uga soo qeyb galo.

Khamiis, December, 28, 2017Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray xarunta laga hagayo Maamulka Hawada Soomaaliya oo burburkii dowladda dhexe kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip