
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 12-KA SEPTEMBAR 2015-KA
Madaxweynaha oo Khudbad uu ku difaacaayay waxqabadka saddexdii sano ee lasoo dhaafay, ayaa sheegay Dowladda inay tiigsatay horumaro kala duwan oo ku aadan balan qaadyadii ay sameysay Dowladiisa.
Hogaamiyaha Somaliya, waxa uu sheegay dhanka ammaanka in wax badan laga qabtay, inkastoo ay jiri karaan gaabis ku yimaado sida loo sugay ammaanka dalka.
Madaxweynaha Somaliya waxa uu sheegay Dowladiisa inay guulo waaweyn ka gaartay dhanka Federalka, isaga oo qirtay shacabka Somaliyeed inaysan wax badan ka fahan saneyn Federalka, balse Dowladda ay wado dadaalo lagu dhameystiraayo Hanaanka Federalka.
Isaga oo hadalka sii wata Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kaloo ammaanay ciidamada Dowladda qaybahooda kala duwan oo uu ku sheegay inay naftooda u hureen xaqiijinta ammaanka, wuxuuna ku faanay inay jiraan Saraakiil kala duwan oo ciidamada ka tirsan oo Jaamacado ka dhigta dalalka dibada.
Madaxweynaha wuxuu sheegay dhismaha Maamul Goboleedyada dalka xilligii la dhisaayay Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay jireen caqabado kala duwan oo ku aadan weeraro ka yimaada Shabaab, balse dhaq jalaq aanan loo siinin oo la dhameystiray maamuladaasi.
Wuxuu ku faanay Madaxweynaha 25 sano kadib Dowladiisa inay qabatay imtixaan mideysan oo ay adkeyd in dalka laga qaado, balse iyadoo meelna aanan la weerarin si wadajira ah imtixaankasi loo qabtay.
Dadka Aragtida Fog ee Siyaasiyiinta ayaa Dowladda Xasan Sheekh waxa ay ku dhaliilayaan inaysan wax badan ka qaban Siyaasada Arimaha Gudaha oo aad u liidato, marka loo eego xiriirka kala dhaxeeya Madaxweynaha Maamul Goboleedyada Dowladda Dhexe hoose yimaada.
SHARIIF XASAN "ASKARIGA AAN XUQUUQ DI ISA HELIN, QORINA UU SITO, WAA ISKA CADAHAY INUU DHIBAATO GEYSTO”
Madaxweynaha Maamulka Koofur Gal beed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Ciidamada isbaarooyinka dhig ta wadooyinka Gobolka Shabeellaha Hoo se ay ku qasabtay xuquuqdii ay ku lahaay een dowladda oo aysan ka helin.
Shariif Xasan oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha uu hogaaminayay oo dorraad booqday Afgooye ayaa is weydiiy ay askari qori loo dhiibay oo aan xuquuqdi isa helin waxa uu sameyn karo, isagoo xusay inay iska cadahay inuu dhibaato geysto.
"Askari qori loo dhiibay oo baahan, wax aa suura gal ah inuu dhibaato u geysto shacabka, maxaa yeelay xuquuqdii uu lah aa ma helin, waxaa rabnaa marka dowlad da inay mushaaraadka ay siiso ciidama da”ayuu yiri Md. Shariif Xasan.
Sidoo kale Md.Shariif Xasan ayaa she egay in si looga hortago isbaarooyinka ya ala gobolka Shabeelaha hoose ciidamada Dowlada la siiyo mushaaraadkooda, isa goo ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay arrintaas fuliso. Odayaasha dhaqanka Shabeellaha Hoose ayaa codsaday in la qaado isbaarooyinka ay soo dhigteen ciid amada, iyagoo ka codsaday Madaxweyna ha maamul goboleedka koofur galbeed so omaaliya Md. Xasan Sheekh in arrintaas wax ka qabto.
Darawalada gaadiidleyda ee isticmaa sha wadooyinka Gobolka Sh/Hoose ayaa inta badan ka cabanayay dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamo ka tirsan dowladda oo lacago fara badan uga qaadaa isbaa rooyin yaalla wadooyinka
BOOQAHADA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU TEGAY DEGMADA AFGOOYE { ISAGOO DHEX LUGEYNAYA DEEG AANKA CEELASHA BIYAHA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa socdalkiisa shab eelaha hoose ku wehliyaya xubno ka tirs
an labada gole ee dowlada, Madaxweyna ha maamulka koonfur Galbeed iyo waki ilka midowga Afrika ee Soomaaliya Mo hamed sediku.
Madaxweynaha ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka reer Afgooye iyo ardayda dugsiyada oo uu socd ku soo dhe xmaray, waxaana intaa ka dib uu madax weynuhu kulamo ku aadan amniga,dib u hehsiisinta, iyo horumarinta la qaatay sara akiisha Amisom,maamulka koonfur galbe ed iyo odayasha deegaanka,
Munaasabd ka dhacday degmada AFg ooye oo ay ka qeybgaleen odayasha iyo siyaasiyiinta gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa ugu horeyn madaxweynaha warbixin laga siiyay sida ay u dhaqan gal een heshiisyadii la dhexdhigay maleehs iyo beeleedyadii ku dagalamay gobolkaasi iyo sida ay hogaamiyaasha beeluhu ugu qanceen una dhaqan geliyeen,ka sokow dagaaladaasi xalka laga gaaray ayaa wa xaa qaar ka mid ah odayaasha dhaqanku ay ka hadleen jidgooyooyin ugu daran ee xiligan ka jira gobolka oo dadku dhib ay ku qabaan.
Xildhibaanada baarlamaanka qaarkod oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa tilmaa may in cabashada dadka Shabelaha hoo se ay soo noq noqotay islamarkaana ay u sii dheertahay dib u dhac aanay qabin gobollada kale.
Wakiilka midowga afrika ee Soomaali ya Momaed sandiku ayaa hadal uu jeed iyay waxa uu sheegay in AMISOM ay qaa dayaan talaabo weliba oo amniga hore u socodsiineysa "halkani waxa aan u nimid waa inaan go,aan qaadano madaxweynuh una wuu noo sheegay go,aanka dowladda ee ah amniga gacan bir ah lagu qabto la na dhameystiro dagaal beeleedyada xalka laga gaaray waan ka qeyb qaadan doo naa in la tababaro ciidamo boolis ah oo ka howlaga lmagaaloyinka si ay u hantaan amniga.Madaxweynaha maamulka koonf ur galb eed ee Soomaaliya mudane shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa xusay in maamulkiisu wax weliba ka horumarin doono xuquuqda ciidamada amniga si me esha looga saaro cabashoyinka jira. Mada xweynaha jamhu uriyadda Soomaaliya mudane Xasan She ekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay kulankaasi ayaa she egay in dowladu ku faraxsantahay sida loo soo afjaray dagaa ladii ku saleysnaa dhanka qabaa’ilka isa goo ku booriyay in la dhameystiro.
waxa uu madaxweynuhu tilmaamay in dowladu arrimaha ammaanka u dejisiay qorsheyaal haqabtiri doona dadka deegaa nka iyo bulshada wadooyinka isticmaa sha. booqashada degmada Afgooye ka dib ayaa madaxweyne xasan sh. Max mu ud waxa uu socod ku soo maray dee gan ada u dhaxeeya muqdisho iyo degm ada afgooye gaar ahaan deegaanka cee lasha biyaha oo uu suuqa weyn iyo go obaha ga nacsiga ku soo wareegay isla markaana uu xog wareystay dadka dee gaanka.
qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ay uu madaxweynuhu mid mid u galay isa goo ganacsatada iyo dadka dukaameysan aya weydiinayay caqbadaha heysta iyo tu saalaha maankooda ka guuxaya dadka ku casiriyeynayay maqaxiyaha qaarkod ayuu mdaxweynuhu goobahaasi ugu tagay lana sheekeystay. boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay goobaha uu madaxweyn uhu ku lugeynayay kuwaasi oo ku faraxsa naa in madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta la socotay ay bulshada dhexgalaan kuw aasi oo ugu dambeyn sacab ku soo sagt ootiyay madaxweynaha Soomaaliya.
XARUNTA MAXKAMADDA GOBOLKA BANAADIR OO XARIGA LAGA JARAY (SAWIRO)
Munaasabad xariga looga jarayey dhismo lagu sameeyey xarunta Maxkam ada Gobolka Banaadir ayaa Dorraad ka dhacday magaalada Muqdisho.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada dowlada Federalka Soomaaliya, Taliyaal ciidan, Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka,Guddomiyaha Maxkamada sare, garsoorayaal, wakiilo ka socday beesha caalamka iyo qeybaha ururada bulshada rayidka.
Ugu horeyn waxaa munaasabada had allo kooban ka jeediyay Xaashi Cilmi Nuur oo ah gudoomiyaha maxkamadda gobolk a banaadir waxana uu sharaxaad kabixi yay qaababka kala duwan oo ay soo mar een shaqooyinkoodii maxkamadda iyo in ay doonayaan in laga raro maxkamadaha ay ka mid yihiin tan milatariga loona dhiso xarumahooda.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka dalbaday mas’uuliyiintii ka socotay wadam adda deeq bixiya yaasha in ay taageera dheeraad ahi ku bixiyaan dhismaha xar umaha maxkamadaha dalka. Xarunta max kamadda gobolka banaadir oo ah xarunta dorraad xarigga laga jaray ayaa noqon do onta mid ay maxkamadda gobolka Banaa dir oo kaliya ku shaqeyso maadaama in muddo ay ay ahayd xarun ay ku dhex sha qeeyaan ugu badnaan xafiisyadda kale ee maxkamadaha dalka kajira
Wasiirada Caddaaladda iyo Wasiirka Amniga oo munaasabada goobjoog ka ahaa ayaa dhankooda Midowga yurub u ga mahad celiyey dhismaha ay ku samee yeen xarunta oo khamiistii xariga laga jarey.
Dhinaca kale Xubno uu ka mid aha Wa kiiladii ka socday Midowga Yurub ayaa madasha ka sheegay in Midowga yurub uu ballaarin doono qorshaha dib loogu dhi sayo Xarumaha Danta Guud ee Soomaali ya Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxka mada Sare dalka Avv.Ceydiid Cabdilaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in dowladda iyo bulshada soomaaliyeed uu ka codsanayo in ay ilaaliyaan ixtiraamka garsoorka dalka waxa uuna ku cel celiyey in ay xilligan Ji rto dhaqaale xumo iyo amni darro haysato garsoorayaasha Soomaaliyeed
GOLAHA WASIIRADA OO WAR KA SOO SAA RAY DAGAALADA KU SOO KORDHAY M/CAABUDWAAQ
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Fed eraalka Soomaaliya ayaa khamiistii yee shay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Wasiirka Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilkajiir, iyada oo looga hadlay qo dobo ay ka mid yihiin dagaalkii ka dhacay degmada Caabudwaaq ee degaanada maamulka Galmudug iyo lacago been ab uur ah oo dhowaan soo galay qeybo ka mid ah suuqyada dalka.
Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii wa xay ka hadleen dagaalkii ka dhacay deg mada Caabudwaaq ee maamulka Galmud ug, waxayna cambaareeyeen dagaalka, iyaga oo tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad qab deg deg ah.
Golaha ayaa sidoo kale, carrabka ku adkeeyey inay garab taagan yihiin hogg aanka maamulka Galmudug, ayna kala shaqeyn doonaan xasilinta degaanada. Waxayna sidoo kale xuseen in loo baan yahay in gacan nabadeed loo fidiyo koo xaha hubeysan ee diidan maamulka.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa si qota dheer uga hadlay lacago been ab uur ah oo dhowaantan soo galay suuq yada qaar ka mid ah degaano ka tirsan dalka, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Muda ne Maxamed Aadan Fargeeti uu golaha ka hor aqriyay warbixin Wasaaraddu ka soo diyaarisay xogta ay ka heyso lacagah an been abuurka ah.
Wasiirka Maaliyadda waxa uu sheegay in ka dib burburkii dowladdii dhexe ay deg aano ka tirsan dalka laga soo saaray laca go been abuur ah oo khal khal iyo dhaa wac geliyay dhaqaalaha ascaarta iyo mac iishadaha dadweynaha taasoo keentay deganaansho la’aan iyo xasilooni darro si yaasadeed, waxaana warbixinta wasiirka ka dib golaha Wasiirada si wadajira ah u cambaareeyeen isku day kasta oo lagu do onayo in lacago been abuur ah lagu soo daabaco dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.
Sidoo kale, goluhu waxa ay uga digeen cid kasta iyo maamul kasta oo ku lugyee sha lacagahaasi been abuurka ah, waxa yna dhanka kale xuseen in Bankiga dhe xe, Hanti dhowrka Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’addaha caalamka ee ku shaqada leh Maaliyadda iyo lacagta in ay dadaal ugu jiraan sidii shillin Soomaali cusub oo la aqoonsan yahay, waafaqsana shariga dalka la sameyn doono.
MAS’UULIYIINTA AHLUSUNA OO ISAGA BA XAY DHUUSA MAREEB IYO DHAQ DHAQAAQ YO CIIDAN KA JIRA GALGADUUD
Wararka ka imaanaya degmada Dhu usa Mareeb ayaa sheegaya in Mas’uuli yiintii Ahlusuna ee ku sugneyd degmad aas ay isaga baxeen, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo halka ay aade en. Mas’uuliyiinta Ahlusuna Waljameeca ayaa dorraad kulan la yeeshay Saraaki isha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dule edka Dhuusa Mareeb, waxaana la ogeyn in kulankaas uu salka ku hayo ka bixitaan kooda magaalada.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ku warge liyeen Ahlusuna inay hubka dhigaan, kuna biiraan Maamulka Galmudug. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dhaawacyadii laga keenay Caabudwaaq habeen hore loo qa aday degmada Guriceel, waxaana suura gal ah in Mas’uuliyiintii Ahlusuna ay u bax een dhanka Guriceel.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa deegaanada Mareer Gur iyo Godinlabe oo ay ku kala sugan yihiin ciida mada Maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlu suna. Dadka deegaanka Mareer Gur ayaa bilaabay inay ka qaxaan deegaanka, ka dib markii cabsi ay la soo deristay, waxaa na halkaas gelinkii dambe ee dorraad illaa habeen hore gaaray ciidamo taabacsan Ahlusuna, kuwaasoo difaacyo ka sam eystay.
Ciidamada Ahlusuna Waljameeca ayaa 2maalin ka hor isaga baxay degm ada Caabudwaaq, ka dib iska hor imaa dyo ka dhacay, waxaana arrintaas loo sab abeynaya culeysyo uga yimid dhinacyo kale. Si kastaba ha ahaatee Ahlusuna Waljameeca ayaa wax war ah ka soo bix in oo ku aadan kulanka ay la yeesheen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.
MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO KU DHO WAAQAY WAQTIGA AY DHACAYSO DOORA SHADA MADAXWEYNAHA IYO WAKIILADA
Madaxweynaha Somaliland Axmed Ma xamed Siilaanyo ayaa war saxaafadeed khmiistii uu soo saaray waxa uu ku shaac iyay xilliga la qaban doono doorashada Madaxweynaha iyo Wakiilada maamulka Somaliland.WARSAXAAFADEED Madax weynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mud ane. Axm ed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/ XERM/2493569/092015 ku cade eyey wa khtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeri doono Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dast uurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobada 42aad iyo 83a ad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somali land;Markuu Helay: Qoraalka Guddida Dooras hooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay Cayima adda Wakhtiga Doorashada Madaxtooya da iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee 28/03/2017;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Guurt ida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/ Go’aan Lambar 04/05/2015, kuna taariikh aysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo Kordhinta Xilka Madaxweynaha, Madaxw eyne KuXigeenka iyo Goleyaasha Baarla maanka (Wakiillada iyo Guurtida);
Markuu Arkay: Faqradda 3aad ee Qar aarka Fasiraadda ah ee Maxkamadda Da stuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/02/2015 kuna taariikhaysan 18/08/2015;
Markuu Ku Qancay: In baahi loo qabo isla markaana ay lagama maarmaan u tah ay hannanka dimuqraadiyadda iyo Doora shooyinka in la cayimo xilliga Doorashooy inka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;
Wuxuu Soo Saaray;
Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu markay tahay 28/03/2017 ay noqoto ma alin doorasho oo ay qabsoonto Door ashada Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Golaha Wakiillada Jamh uuriyadda Somaliland.
AHLU SUNNA OO SHEEGTAY INAY DIFAACAN DOONTO MAGAALADA DHUUSAMAREEB
Xilli xiisad ay ka taagan tahay inta u dhaxeyso Deegaanada Godinlabe & Mar eergur, ee duleedka Magaalada Dhuusa mareeb, ayay Ahlu Sunna sheegtay inay difaacan doonto Dhuusamareeb, haddii la soo weeraro.
Axmed Macalin C/laahi, Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheeg ay inaanay Ahlu Sunna cidina duulaan ku ahayn, laakiin haddii la soo hujuumo ina anay gacmaha ka laaban doonin kuwii soo weerara.
Gudoomiyaha oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa beeniyay in Cii danka Ahlu Sunna ay isaga baxeen dham maan xeryaha ay ku lee yihiin Dhuusa mareeb, islamarkaana ay weli jooggaan Magaalada, sida uu yiri.
Waxa uu soo hadalqaaday in abaabul ciidan ay wadaan dad uu sheegay inay ku biireen Maamulka Galmudug, kuwaa oo sida uu sheegay duulaan ku ah Ahlu Su nna, iyana ay daafacyo ka samaysten ha lka loo yaqaano Carrotuurka, oo ku dhow Deegaanka Godinlabe.
Waxa uu ku celceliyay inaanay Ahlu Sunna cidina weerar ku ahayn, balse had dii Ahlu Sunna la weeraro inay difaacan doonto dhulka ay ka joogto Gobolada Dhexe. Axmed Macalin C/laahi, ayaa qe exay haddii ay noqoto in la dagaalamo aynaan ku dul dagaalami doonin shacab ka reer Dhuusamareeb, isla markaana ay Magaalada ka difaaci doonaan dhinaca Carrotuurka, sida uu yiri.
Maamulada Galmudug & Ahlu Sunna, ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Go bolka Galgaduud, waxayna dhaq dhaqaaq yadan dareen baqdin leh ku keeneen shacabka.
GUDDOOMIYE KU XIGEENKA BAARLAMAANKA OO GAALKACYO QADO SHARAF UGU SAMEEYEY ODAYAAL DHAQAMEED
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Ba arlamaanka Federaalka Soomaaliya Mud ane Mahad Cabdalla Cawad oo booqasho ku jooga gobolka Mudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kulan qado ah kula qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaq anka gobolka.
Kulankan qado sharafta ah oo ka dha cay hotelka Sugulle ee magaalada Gaalk acyo ayaa waxaa kasoo qeybgalay odaya asha dhaqanka gobolka qaarkood iyo xubno ka tirsan Puntland waxaana looga hadlay ballan qaadyo uu horey ugu same eyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo waxyaabaha ka hirg alay ballan qaadyadaasi.
Wasiirudowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyey ayaa waxa uu faah faahin ka siiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka xaaladda de egaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug oo ay ka mid tahay degmada To owfiiq oo horey uu booqasho ugu tagay iyo hormarrada ka jira.
Saciid Nuur Xirsi oo ka mid ah Odayaa sha dhaqanka gobolka Mudug gaar ahaan na ku hadlayey magaca odayaasha degm ada Towfiiq ayaa kusoo dhaweeyey Gudd omiye ku xigeenka Labaad ee Baarlam aanka magaalada Gaalkacyo iyo gobolka Mudug waxaana uu aad u ammaanay sida uu fursad ugu siiyey in mar walba bu lshadiisa ka warqabo, hageysto islamark aana wax u qabanaya dadka uu metello.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md.Cawad oo khudbad ka jeediyey kula nka ayaa uga mahad celiyey Odayaasha dhaqanka sida ay u aqbaleen casuumaa diisa
waxaana uu dhanka kale xusay in uu aad ugu faraxsan yahay islamarkaana uu ugu yimid bulshada uu metello iney wee ydiiyeen waxyaabaha ka qabsoomay bal lan qaadyadii horey loo sameeyey iyo wa xyaabaha la doonayo in hada la qabto oo ay u baahan yihiin bulshada deegaan do orashooyinka uu metello. Md.Mahad ayaa M/Gaalkacyo soo gaaray maalinnim adii arbacada ee aynu kasoo gudubnay halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey waxaana uu la kulmi doonaa inta uu joogo maamulka gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO GAARAY KISMAAYO, KANA QEYB GALAYA CALEEMA SAARKA AXMED MADOOBE
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay duhurkii gaar ay magaalada Kismaayo, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaarada ha Kismaayo. Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maalintii berri ka dhaceysa Kismaayo. Mudaxweynaha la doortay Ax med Madoobe ayaa ku soo dhoweeyay ga roonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana kadib Madaxweynaha Puntland loo gal biyay Madaxtooyada Kismaayo.
Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubb aland ayaa saaxib dhow ahaa, iyagoo si aad ah uga soo horjeeday siyaasada dow ladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Guddiyadii qaran ee horay Baarlamaanka u ansixiyay. Sidoo kale Labadan Mad axweyne Maamul goboleed ayaa tag eerin Maamulkii Galmudug ee lagu dhisay Cada ado, isla markaana ka qeyb gelin caleema saarkii madaxweyne Guuleed.
Wafdi ka socda dowladda Federaalka ayaa iyana la filayaa inay ka qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbal and, waxaana la ogeyn in Madaxweynaha uu ka qeyb galayo iyo in kale. M/Kismaa yo ayaa waxaa ku qul qulaya wafuud kala duwan, waxaana maanta gaaray Xildhiba anno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ammaanka m/ Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la filayo in maanta ay gaaraan wafuud ka socota Be esha Caalamka.
WASIIRRO IYO DIBLOMAASIYIIN KA QEYBGAL AY KULAN DIB LOOGU EEGAYAY SHARCIGA SHAQAALAHA AJNABIGA AH
Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaa liya iyo diblomaasiyiin ayaa shalay ka qey bgalay kulan dib loogu eegayo sharciga shaqaalaha ajnabiga ee dowladda Sooma aliya kaas oo dhowaan ay meelmariyeen golaha shacabka Soomaaliyeed Kulanka an ayaa ujeedkiisu ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo Sharciga Shaqaalaha Ray idka ee Dawladda kaas oo soo baxay Dec Shanteedii 206kii.
Wasiirku xigeenka Wasaaradda Shaq ada iyo Arimha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim oo hadal ka jeediyey kulan ayaa sheegay in Wasaaraddu ku talagashay in mar walba ay u gudato waajibaadka loo id maday gudashadiiso waxaana marqaati midka aan u fadhino oo ah wax ka bed elka Sharciga shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xaawo Maxamed Xasan ayaa iyaga she egta in ay soo dhaweyneyso wax ka bede lka Sharcigaan ayana soo jeedineyso in ay ka muuqdaan doorka haweenka iyo Ka alinta ay ku yeelan doonaan Dadka Baahi yaha gaar ah qaaba oo leh tixgelin gaar ah. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimha Bulshada C/weli Ibraahim Sheekh Muudey oo furay shirka wax ka bedelka sharciga shaqaalaha Rayidka ayaa tilm aamay in aqoonyahanno Soomaaliyeed oo aqoon iyo waayoarganimo u leh sharc igaan ay ka soo shaqayn dooonaan isla markaana aya Wasaaraddu in meesha ay ka baxaan qodobada aan hada socaney nin.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiin ka kala socday hay,adaha Da wlada,Saafaraha u fadhiya Magaalada Mu qdisho Dalalka dibada iyo Ururo Caalami waana markii ugu horeysey wax ka bedel lagu sameeyo Sharciga Lambarkiisu Kow iyo Toban ee Shaqaalaha Rayidka ee DF Soomaaliya.
MAAMULKA GALMUDUG OO KU EEDEEYAY DOWLADDA IIRAAN INAY TAAGEERO SIISO URURKA AHLUSUNNA
Maamulka Galmudug ayaa ku eedeey ay Dowladda Iiraan inay taageero dhinac walba ah siiso Ahlusunna Waljamaaca ee Gobalka Galgaduud, kuwaasoo Toddobaa dkan kula dagaallamay degmada Caabudwaaq Ciidammo oo ka tirsan kuwa Maam ulka Galmudug. Wasiirka Warfaafinta Ma amulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cis maan oo shalay kula hadlay Warbaahinta M/Cadaado ayaa sheegay in Iiraan ay Ko oxda Ahlusunna ku taageerayso waxya abo badan, kuwaasoo kaalin ka Qaadana ya abaabullo dagaal oo ka dhan ah Gal mudug.
"Galmudug waxay caddeynaysaa in Kooxda Sufa [Ahlusunna] ay Xiriir dhaw la leedahay Iiraan, dalkaasoo u fidiya taage ero noocyo kala duwan leh, iyadoo dowl adda Iiraan ay dangaar ah ka leedahay deegaannada Galmudug. Waxaa wax la ga xumaado ah in Waqtigaan Xasaasiga ah ee ay shacabka deegaanka isku diyaa rinayaan inay Aayahooda ka Tashadaan shaqsiyaad ama kooxo raba inay iska horkeenaan Walaalaha Galmudug, balse Gal mudug Waxaa ka go’an in Deegaannade eda la Nabadeeyo, si Shacabka loogu Hor seedo Amni iyo Wax wada qabsi,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.
Wasiirka ayaa intaas ku daray. "Wax aana leenahay xilligan deegaanka uma baahna colaad hor leh, mana loo Dulqaa dan doono cid walba oo isku dayda in Sha cabka ay u Horseeddo Dagaallo aan ujee ddo lahayn.”
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug ugu baa qay inay la shaqeeyaan Maamulkooda, Wuxuuna Dowladda FS ugu baaqay iya daa inay Dowladda Iiraan kala hadasho faragelinta ay ku Taageerayaan Ahlusun na. "Bulshada ku nool deegaannada Ma amulka Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan maamulkoo da Nabadda, dib u heshiisiinta iyo sidii loo Sugi lahaa Amniga, si ay Shacabka u hel aan Nabad galyo buuxda iyo Horumar joo gta ah,” ayuu Hadalkiisa ku daray Wasii rka Galmudug.
Isagoo sii Hadlaya ayuu intaas ku dar ay. "DFS waxaan ugu Baaqaynaa inay Do wladda Iiraan kala Hadasho Faragelinta iyo Carqaladda ay ku hayso Deegaanno ka mid ah kuwa Maamulka Galmudug, isla markaana joojiso Taageerada ay siinayso Kooxda Sufa.” Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa ugu Baaqay Culummada ku dhaqan Deegaannada Ga lmudug inay bulshada ku wacyigeliyaan ka Qaybqaadashada Nabadda, Xasillooni da, Xoojinta Amniga, isku xirnaanta Bulsh ada iyo Wax wada qabsiga.
Si kasta ha ahaatee, Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli deegaanno ka mid ah Galguduud ay ka jir aan Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexe eya Ciidamada Ahlusunna iyo kuwa Maamulka Galmudug.
WARARKA CAALAMKA
WIISH WEYN OO KU SOO DUMAY MASAAJIDKA XARAMKA EE MAGAALADA MAKKA IYO 65 QOF OO KU DHIMATAY (SAWIRRO)
Roobab xooggan oo gelinkii dambe ee sha lay ka da’ay M/Ma kka Ee Wadanka Boqortooy ada Sacuudi Carabiya, ayaa sababay inuu soo go’o wiish weyn, oo ka mid ahaa wiishash dhi sme ka waday Masaajid ka Xaramka.
Wiishkan, ayaa ku ta gnaa dhismaha u dhaxeeya Safa & Marwa, waxa uuna ku soo dhacay barxadda ku taala dhabarka dambe ee Maqaamu Ibra ahiim, xilli halkaa ay Salaad ku tukanayen dad soo dawaafay.
Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo ah Wa kiilka Somal iland u qaabilsan arrimaha Xajka, ayaa sheegay roobabkii watay onkod iyo dabey lo, ay keentay in danab uu ku dhaco wiishka, islamarkaana uu burbur weyn ka soo gaaray wiishka. Birrihii wiishka oo go’go’ay ayuu sheegay inay soo daateen, taasina ay keentay dhimashada 65 ruux iyo dhaawaca 154 kale. Gurmad xoog leh, ayaa loo fid iyay dadkii wax ku noqday dhacdadaasi, waxaana la geeyay goobaha caafimaadka, iyadoo kuwii ku dhaawacmay wax looga qabanayo xaaladooda caafimaadeed.
Roobabkan, ayaa noqonaya kuwoodii ugu xoogganaa oo Sac uudiga ka da’a muddo ka badan 10 sano, sida uu laanta afka Somaliga ee BBC uu u sheegay Axmed Aadan Dagaal, oo ku sugan dalkaasi. Dhacdadani, ayaa ku soo beegmaysa, xilli laba toddobaad oo keliya ay ka harsan tahay xilligii gudashada Xajka, oo mallaayiin Muslimiin ah ay diyaargarow ugu jiraan.
DOWLADDA MAREYKANKA OO SHAACISAY INAY QAABILI DOONTO TOBAN KUN OO QOXOOTI SUURIYAANA AH
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay in Mareyknaka uu isku diyaarinayo inuu sannadka soo socda qaabilo ugu yaraan 10,000 oo Qoxooti Suuriyaan ah qaabilo, sida uu Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka uu shaaciyay.
Tiradan ayaa aad uga badan 1,500 oo Qof oo Suuriyaan ah oo dib u dejin loogu sameeyay dalka Mareykanka tan iyo markii ay billowdeen Colaadda dalkaas ka Aloosan oo Sannado Socda.
Cadadka Mareykanku ku dhawaaqay inuu ka qaabilayo Qox ootiga Suuriya ee ah 10,000 ayaa aad uga yar 340,000 ee Qoxo otiga ah ee gaartay Qaaradda Yurub Sannadkan 2015ka oo keliya.
Xukuumadda Washington ayaa tan iyo Markii ay Colaaduhu ka Qarxeen Suuriya waxay dalkaas kaalmo ahaa u siisay 4bily an oo Doollarka Mareykanka ah oo u dhiganta £2.6 bilyan oo Giniga Britain ah. "Sare u Qaadidda Qoxootiga la Qaabilayo waxay muujinaysaa Muhiimadda ay Arrintan leedahay iyo sida ay Mareykanka uga go’an tahay inuu aqbalo inay dadka ku nool goobaha Colaaduhu ka jiraan ay helaan Waxyaabaha ay u baahan yihiin,” ayuu sheegay Xoghyaha Warfaafinta ee Aqalka Cad ee Mareykanka, Josh Earnest.
Earnest ayaa intaas raaciyay in Congresska Mareykanka ay tahay in uu sameeyo Ballanqaad dhaqaale oo wax ku ool ah; si loogu ogolaado 10,000 oo Qaxooti ah oo dheeraad ah in keeno Mareykanka. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Ang ela Merkel ayaa sheegtay in wadankeeda uu diyaar yahay inuu Qaabilo 800,000 oo Qoxooti Suuriyaana ah, iyagoo illaa hadda uu Jarmalku Qaabilay ku dhawaad 450,000 oo Qoxooti ah.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron ay aa isna sheegay in Britain ay Qaabili doonto 20,000 oo Qoxooti Suuriyaana ah, iyadoo tani ay ka Markhaati Kacayso in Qulqulka Qoxootiga Suuriya uu Xaddhaaf noqday.
CALANKA WAANKA FALASTIIN OO XARUNTA QM LAGA TAAGAYO IYO YAHUUDA OO KA SOO HORJEEDA.
Wakiilka dawlada u fadhiya Q,M Riyaad Mansuur ayaa ka sheegay M/New York in tani ay u tahay tilaabo ay ku gaarayaan dawladnimada Falastiin Yahuuda ayaa kasoo horjeesatay go' aankaan waxaana ay ku dhawaaqday in mar kale cod la galiyo.
Xubnaha golah guud e Q,M ayaa u codeeyay in calanka Falastiiniyiinta laga taago xarunta Q,M ku shaqayso ee New York markii ugu horeysay. Cod laga qaaday ergada Dal alkaxubnaha ka ah Q,M ayaa waxaa ogolaaday 119 wadan hal ka ay kasoo horjeesteen 8 wadan oo ay ku jiraan Yahuuda iyo Maray kanka.
Ugu dambeyn gudoonka shirka ayaa ku dhawaaqay in cal anka Falastiin laga taagi doono xarunta Q,M gaar ahaan halka ay ka taagan yihiin calamada Dalalka Q,M ku jira.hadda in ka ba dan 135 wadan oo ku jira Q,M ayaa aqoonsan dawladnimada Falastiin. Yahuuda ayaa dhulka Falastiiniyiinta intiisa badan xo og ku haysata si joogto ah ayayna u gumaadaa dadka Falastiii
KOOXDA DAACISH OO SAMAYSANA YSA HUB AY KU JIRAAN WALXO KIIMIKAAL AH.
Saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan in kooxda Daacish ay gacanta kula jirto farsamaynta hub ay ku jiraan walxo kiimikaal ah. Saraakiishaan war ay soo saareen warbaahinta reer galbeedka saaka lagu qo ray waxaa lagu sheegay in qubaro Daacish ka tirsan ay fars amaynayaan walxo kiimikaal ah oo lagu darayo hubka ay daga alamayaashu adeegsadaan.
Dagaalka ay kooxdu ka wado wadamada Ciraaq iyo Syria ayay u adeegsan doontaa sida xogtu sheegayso. Wariyaal ka tir san BBC,da qeybta dunnida la hadasha ayaa sheegay inay arkeen mar ay Turkiga tageen calaamado muujinaya in kooxdu haysato hub ay ku jiraan walxo kiimikaal ah.
Saraakiisha Maraykanka waxay sheegeen inay aaminsan yih iin in kiimikadaan oo kooxdu heleen ayadoo budo ah ayaa wax aa ay xataa u adeegsadeen dagaalkii ka dhacay magaalada Kob ane ee ku taala xadka ay wadaagaan Dalalka Syria iyo Turkiga.
TALIYIHII CIIDAMADA BURUNDI OO ISKU DAY DIL KA BAD BAADAY
Taliyaha Guud ee Ciidamada Burundi ayaa ka bad baaday is ku day lagu qaarijin rabay, xilli kolonyo uu la socday oo marayay wado aad u mashquul ah oo ku taal Caasimada Bujumbura lagu weeraray. Gen. Prime Niyongabo ayaa ku sii jeeday xafiiskiisa subaxnimadii hore, waxaana weeraray ciidamo dhar milateri xirnaa.
Taliye kuxigeenka Booliska Gen, Godefroid Bizimana ayaa u sheegay AFP in Taliyaha uu ka bad baaday weerarkaas, uuna bad qabo.Saraakiil ciidan iyo la taliyeyaal aad ugu dhowaa Ma daxweynaha Burundi ayaa la dilay bilihii la soo dhaafay.
Dilalka qorsheysan ee ka dhacay dalka Bujumbura ayaa loo aaneynayaa xasilooni darida siyaasadeed ee dalkaas lugala la galay wixii ka dambeeyay banaan baxyadii dhacay bishii April ee sanadkan.
Qalalaaso ayaa ka socday dalka Burundi, tan iyo bishii April, markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay in markii saddexaad uu isku soo taagayo Madaxtinimada, inkastoo markii dambe ku guuleystay. Bishii May ayay aheyd markii uu ka bad baaday afgambi la doonayay in xukunka lagaga tuuro.
TIRADA DADKII KU DHINTAY MAKKA OO SII KORADHAYA
warar dheeraad ah oo ka soo baxayo Saraakiisha boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegay in hadda tirada dhimashadu ay mareyso 107 qof, halka dhaawacuna uu yahay 238 qof ka dib markii uu shalay wiish xooggan uu ku soo dhacay dhismaha masaajidka weyn ee magaalada barakeysan Makka. Iyadoo laga yaabo in ay ka sii bataan
MADAXWEYNAHA DALKA UGANDA OO QIRTAY WEERARKII JANAALE IN LOOGA DILAY 19 ASKARI, QAAR KALENA AY LA’YIHIIN
Markii ugu horeysay Dowladda Uganda, waxa ay qiratay inay Askar ku la’dahay weerarkii 1dii Bishan ciidamada Shabaab ay ku qaadeen Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose, Saldhig ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Degmadaasi.
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo isaga ku sugan Magaalada Tokyo ee dalka Japan Saxaafadda la hadlay, wuxuu qirtay weerarkii Janaale in looga dilay 19 Askari, ayna ku la’yihiin Askar gaareysa lix Askari.
Yoweri Museveni, wuxuu sheegay weerarkaasi inuu sahlay qalad ay sameeyeen Saraakiisha Amisom ee ku sugnaa Saldhiga, kadib markii sida uu yiri ay iska seexdeen, iyaga oo ciidamada aysan siinin digniin ku aadan suurtagalnimada weerar kaga yimaada Shabaab.
Hogaamiyaha dalka Uganda, ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in shaqada laga fariisiyay Saraakiishii ciidanka Degmada Janaale ee dalka Uganda u dhashay, wuxuuna sheegay inay wajahayaan maxkamad si loogu qaado qaladka ay sameeyeen.
Al Shabaab ayaa sheegay inay hayaan maxaabiis u dhashay dalka Uganda oo ka mid ahaa ciidankii Amisom ee Degmada Janaale ku sugnaa, balse ma aysan sheegin tirada ciidamada maxaabiis ahaanta ay u haystaan Shabaabka.
Hadalka Madaxweynaha dalka Uganda kasoo baxay, wuxuu meesha ka saarayaa hadal horay uga soo baxay Afhayeenka Wasaarada Difaaca dalka Uganda Paddy Akunda uu ku sheegay weerarkii Shabaab ay ka geysteen Janaale inaysan ku qabsan ciidan Uganda u dhashay.
Shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi inay ku dileen in ka badan 50 Askari oo Ugandhees ah, balse Madaxweynaha dalka Uganda ayaa qirtay inay ka dhinteen kaliya 19 Askari
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 12-KA SEPTEMBAR 2015-KA
MADAXWEYNAHA OO KA HADLAY WIXII U QABSOOMAY SADDEXDII SANO EE LASOO DHAAFAY Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay saddex sano kadib Dowladiisa waxyaabaha ay qabatay, isaga oo sheegay lixdii tiir ee uu balan qaaday in mid wali