Wiish weyn oo ku soo dumay Masaajidka Xaramka ee Magaalada Makka iyo 65 qof oo ku dhimatay (SAWIRRO)

0
Friday September 11, 2015 - 23:46:08 in Wararka by
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiish weyn oo ku soo dumay Masaajidka Xaramka ee Magaalada Makka iyo 65 qof oo ku dhimatay (SAWIRRO)

    Roobab xoogan oo gelinkii dambe ee maanta ka da'ay Magaalada Makka Ee Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa sababay inuu soo go'o wiish weyn, oo ka mid ahaa wiishash dhisme ka waday Masaajidka Xaramka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab xoogan oo gelinkii dambe ee maanta ka da'ay Magaalada Makka Ee Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa sababay inuu soo go'o wiish weyn, oo ka mid ahaa wiishash dhisme ka waday Masaajidka Xaramka. Wiishkan, ayaa ku taagnaa dhismaha u dhaxeeya Safa & Marwa, waxa uuna ku soo dhacay barxadda ku taala dhabarka dambe ee Maqaamu Ibraahiim, xilli halkaa ay Salaad ku tukanayen dad soo dawaafay.

Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo ah Wakiilka Somaliland u qaabilsan arrimaha Xajka, ayaa sheegay roobabkii maanta oo watay onkod iyo dabeylo, ay keentay in danab uu ku dhaco wiishka, isla-markaana uu burbur weyn ka soo gaaray wiishka. Birrihii wiishka oo go’go’ay ayuu sheegay inay soo daateen, taasina ay keentay dhimashada 65 ruux iyo dhaawaca 154 kale.

Gurmad xoog leh, ayaa loo fidiyay dadkii wax ku noqday dhacdadaasi, waxaana la geeyay goobaha caafimaadka, iyadoo kuwii ku dhaawacmay wax looga qabanayo xaaladooda caafimaadeed.

Roobabkan, ayaa noqonaya kuwoodii ugu xooganaa oo Sacuudiga ka da’a muddo ka badan 10 sano, sida uu laanta afka Somaliga ee BBC uu u sheegay Axmed Aadan Dagaal, oo ku sugan dalkaasi.

Dhacdadani, ayaa ku soo beegmaysa, xilli laba toddobaad oo keliya ay ka harsan tahay xilligii gudashada Xajka, oo mallaayiin Muslimiin ah ay

diyaargarow ugu jiraan.Makka Makka1 Makka9Makka91-Makka91Makka2 Makka3 Makka4 Makka6  Makka8Makka92Makka93




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip