Mogadishu Times
  • Home
  • About Us
  • Wararka
  • News In English
  • Sports News
  • Maqaallo
  • Video Updates
  • Contact Us
  • Advertisement
SOMTEL
Hormuud

Munaasabad lagu daah furayay Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada oo la qabtay

0
Thursday December 07, 2017 - 23:30:33 in Wararka by
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad lagu daah furayay Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada oo la qabtay

    Munaasabad lagu daah furayay Tartanka Ciyaaraha Kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Garoonka Koonis Stadium, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gob

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Munaasabad lagu daah furayay Tartanka Ciyaaraha Kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Garoonka Koonis Stadium, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowlad goboleedyada, Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, iyo Guddiyo ay Wasaaradda Dhalinyarada u saartay howlaha Tartanka.
Ugu horeyn waxaa Socod wareeg ah garoonka ku maray Ciyaartoyda ka qeyb qaadanaya Tartankan, ee ka kala socda Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Gobolka Banaadir, waxaana intii uu socodka wareega socday waxaa garoonka qabsaday heeso daah fur u ahaa Tartanka.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed C/qani Saciid Carab ayaa sheegay in Tartankan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Federaalka, isla markaana Xiriirka Kubadda Cagta uu dhanka Farsamada iyo maamulka kubadda cagta uu ka taageerayo.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in tartankan uu qaban qaabadiisa muddo soo socotay, iyadoo xustay in ciyaarta lagu furayo Tartankan ay dhici doonto maalinta berri oo ay isaga hor-imaan doonaan Kooxaha kubadda Cagta Gobolka Banaadir iyo Jubbaland.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ciyaartoyda iyo Mas’uuliyiinta ka socota Maamul goboleedyada, isagoo xusay in Tartankan uu yahay markii labaad oo la qabto.

Waxaa uu sheegay in ciyaaraha ay yihiin astaan nabadeed iyo is dhex gal bulsho, isla markaana maamulkiisa ay go’an tahay inuu dhiira geliyo ciyaaraha iyo Isboortiga qeybahiisa kala duwan.

Ugu dambeyn Wasiirka Dhalinyatada iyo isboortiga ayaa la guddoonsiiyay Koobkii ay ku guuleysatay Kooxda kubadda cagta ee Puntland, oo ay dib u soo celisay, iyadoo rajo ka qabta inay difaacato, maadaama ay sanadkii hore ku guuleysteen Tartankan.

 
12of 13


 
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Friend Us on Facebook

Follow us on Social Media

  • FacebookFacebook
  • TwitterTwitter
  • youtubeYoutube
  • Google+Google+
  • RSS FeedRSS Feed
 
Copyright © 2011 - 2026 Mogadishu Times All Rights Reserved. Site Designed & Developed by Ileys Inc