
Xoogag hubeysan oo xoog ku galay Garoonka Magaalada Kandahar
Dableyda gudaha ugu sugan Garoonka, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay xiran yihiin jaakadaha ka sameysan walxaha qarxa, waxaana loo fishay in ay ku qoran yihiin ismiidaamin.
Weerarka gelinkii dambe ee lagu galay Garoonka Kandahar, ayaa wuxuu daba socdaa weerar kaloo maanta ka dhacay saldhig boolis oo ku yaala Magaalada Kandahar oo Koonfurta Afghanistan dhacda.
Dowladda itaalka daran ee Afghanistan, ayaa waxay weeraro muuqdo kala kulmaysaa Ururka Taliban, oo si weyn kaga biyo diidan jiritaanka Dowladda iyo joogitaanka dalkaasi ee Ciidamada Mareykanka.
Mareykanka, ayaa 30-kii bishii November Muwaadiniintiisa ku sugan Caasimadda Afghanistan ku wargeliyay in ay isaga baxaan, halka kuwa dibadda ku sugana looga digay in ay u safraan Magaalada Kabul.
Xoogag hubeysan oo xoog ku galay Garoonka Magaalada Kandahar
Weerar xoogan, ayaa waxaa Talaadadii lagu galay Garoonka Duulimaadyada Magaalada Kandahar, iyadoona laga dhex maqlay jug iyo rasaas xoogan. Ururka Taliban oo ka dagaalama dalka Afghanistan, ayaa ku faanay in xoogagoodu ay u suurta-gashay in ay gud