
Sagaal nin oo Soomaali ah oo ku xirnaa Jazeerada Seychelles oo laga dejiyay Garoonka Aadan Cadde
Dowladaha Somaliya iyo Seychelles, ayaa iska kaashaday soo celinta raggan, xilli Maxkamad ku taala Seychelles ay horey xukuno ugu riday raggaasi. Sidoo kalana waxaa gacan ka gaysatay Hay’adda UNODC.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha Seychelles, ayaa waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliya looga dalbaday la wareegidda xubnaha laga keenay Seychelles.
Maxkamadda Racfaanka Seychelles, ayaa ka laabatay xukun Maxkamadeed oo ku dhacay toddobo ka mid ah raggaasi, halka Cali Abshir Nuur uu dhameystay xukun kol hoe lagu riday.
Dowladda Somaliya, ayaan illaa iyo hadda wax faah faahin ah ka bixin ragga laga keenay Seychelles, mana ahayn wax Saxaafadda lagu wargeliyay keenistooda Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya, General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa ka gaabsaday in wax sharaxaad ihi uu ka bixiyo sagaalka nin ee laga soo celiyay Seychelles.
Waa markii ugu horeysay oo Magaalada Muqdisho la keeno rag burcad badeednimo loogu xukumay Jazeerada Seychelles.
Xigasho:-dhacdo.com


0 



Sagaal nin oo Soomaali ah oo ku xirnaa Jazeerada Seychelles oo laga dejiyay Garoonka Aadan Cadde
Sagaal nin oo ku eedeysnaa burcad badeednimo, kuna xirnaa xabsiyada Jazeerada Seychells, ayaa waxaa Talaadadii laga soo dejiyay Garoonka Magaalada Muqdisho (Aadan Cadde).