Wasiirro iyo Diblomaasiyiin ka qeybgalay kulan dib loogu eegayay sharciga shaqaalaha ajnabiga ah "Sawirro"

0
Friday September 11, 2015 - 19:42:29 in Wararka by
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirro iyo Diblomaasiyiin ka qeybgalay kulan dib loogu eegayay sharciga shaqaalaha ajnabiga ah "Sawirro"

    Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo diblomaasiyiin ayaa maanta ka qeybgalay kulan dib loogu eegayo sharciga shaqaalaha ajnabiga ee dowladda Soomaaliya kaas oo dhowaan ay meelmariyeen golaha shacabka Soomaaliyeed Kulankaan ayaa ujeedkiisu a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo diblomaasiyiin ayaa maanta ka qeybgalay kulan dib loogu eegayo sharciga shaqaalaha ajnabiga ee dowladda Soomaaliya kaas oo dhowaan ay meelmariyeen golaha shacabka Soomaaliyeed Kulankaan ayaa ujeedkiisu ahaa in dib-uhabeyn lagu sameeyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda kaas oo soo baxay Dec Shanteedii 206-kii.


Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim oo hadal ka jeediyey kulan ayaa sheegay in Wasaaraddu ku talagashay in mar walba ay u gudato waajibaadka loo idmaday gudashadiiso waxaana marqaati midka aan u fadhino oo ah wax ka bedelka Sharciga shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xaawo Maxamed Xasan ayaa iyaga sheegta in ay soo dhaweyneyso wax ka bedelka Sharcigaan ayana soo jeedineyso in ay ka muuqdaan doorka haweenka iyo Kaalinta ay ku yeelan doonaan Dadka Baahiyaha gaar ah qaaba oo leh tixgelin gaar ah.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimha Bulshada C/weli Ibraahim Sheekh Muudey oo furay shirka wax ka bedelka sharciga shaqaalaha Rayidka ayaa tilmaamay in aqoonyahanno Soomaaliyeed oo aqoon iyo waayo-arganimo u leh sharcigaan ay ka soo shaqayn dooonaan isla markaana aya Wasaaraddu in meesha ay ka baxaan qodobada aan hada socaneynin.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiin ka kala socday hay,adaha Dawlada,Saafaraha u fadhiya Magaalada Muqdisho Dalalka dibada iyo Ururo Caalami waana markii ugu horeysey wax ka bedel lagu sameeyo Sharciga Lambarkiisu Kow iyo Toban ee Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

IMG_6292 IMG_6293 IMG_6303 IMG_6312 IMG_6334 IMG_6335 IMG_6341 IMG_6343 IMG_6344 IMG_6345 IMG_6346 IMG_6347 IMG_6348 IMG_6349 IMG_6354 IMG_6355 IMG_6364 IMG_6365 IMG_6366 IMG_6368 IMG_6371 IMG_6377 IMG_6402 IMG_6403

Sawir qaade Cabdulaahi Muxudiin "Codka”

XIGASHO:- RADIO MUQDISHO.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip