Hogaamiye ka tirsanaa Al-shabaab oo ku biiray Kooxda Daacish
Warbixino sir ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in masxkaxdii ka dambeesay weerarkii Jaamacada Garisa ee lagu dilay 148-qof ee ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-shabab uu hadda ku biiray kooxda ISISI. Mohamed Kuno loo yaqaan Gamadhere ayaa ahaa hoggaanka dagaallamayaasha Al-shabaab ee Jubbada hoose waxaana warbixintaan oo ay daabacday jariiddada The Star lagu sheegay in todobaadkii ugu dambeeyay bishii November uu ninkaasi ka goostay Xarrakada Al-shaabab ee xiriirka la leh Al-qaacidda isagoona ku biiray Daacish.

Mohamed Kuno iyo 1200-qof oo ay ku jiraan dagaallamayaasha kooxda Jeysh Ayman ayaa ka baxay Al-shabaab.
Kooxdaasi dhammaantooda ayaa la shaaciyay in ay ku dhuumaalaysanayaan keynta Boni ee dalka Kenya iyo degaannada Raas Kambooni ee dhulka Soomaaliya.
Koox la shaqeeysa sirddoonka gobolka Ku sugan ayaa ka digay in Mohamed Kunno loo magacaabo hogaamiyaha Dacish ee dalka Kenya.

0 

Hogaamiye ka tirsanaa Al-shabaab oo ku biiray Kooxda Daacish
Warbixino sir ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in masxkaxdii ka dambeesay weerarkii Jaamacada Garisa ee lagu dilay 148-qof ee ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-shabab uu hadda ku biiray kooxda ISISI.