
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 9-KA DICEMBAR 2015-KA
Shirkan halka maalin socday ayaa sidoo kale lagu qiimeynayey waxyaabihii qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafey, tan iyo markii uu qabsoomay Shirkii Lixaad ee Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya (High Level Partners Forum bishii July ee sannadkan 2015ka.
Madashan ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.
Waxaa madasha shalay looga munaaqishooday arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarka laga sameeyay barnaamijyada kale ee la xiriira Cahdiga Cusub (New Deal).
Barnaamijka Cahdiga Cusub ayaa ah hab la isugu dubbarido kaalmada la siiyo Soomaaliya, iyado saddexdii sanno ee la soo dhaafay lacag dhan 650 milyan oo dollar lagu bixiyey barnaamijyo ay isku afgarteen dowladda iyo beesha caalamka.
Dhanka siyaasadda, waxaa hirka looga hadley arrimaha hannaanka doorasho ee dalku qaadan doono, taageerada loo baahan yahay si loo dhaqangeliyo doorashada, dib u eegista dastuurka iyo dhammeystirka dhismaha maamul goboleedyada.
Waxaa dhanka amniga shirka lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta fulinta barnaamijka Guulwade, hirgelinta barnaamijka Heegan, iswaafajinta labada barnaamij ee Guulwade iyo Heegan, iyo weliba xoojinta hawlgallada milatariga ee dalka ka socda.
Arrimaha maaliyadda iyo dib u soo kabashada ayaa ka mid ah waxyaabaha laga munaaqishooday, iyadoo si gaar ah loo xusay maamulka maaliyadda, miisaaniyadda, doorka muhiimka ah ee kaabeyaasha dhaqaalaha ka qaadan karaan kobcinta dhaqaalaha.
Waxaa iyana hordhac ahaan uu shirka uga hadley sidii loo diyaarin lahaa qorshe heer qaran oo dhinaca horumarinta waddanka, kaas oo beddeli doona barnaamijka haatan socda ee Cahdiga Cusub oo afar jirsadey.
Shirka shalay waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.
89 XILDHIBAAN OO BAARLAMAANKA MAAMULKA KOONFUR GALBEED KA MID NOQONAYA OO BAYDHABO LAGU DHAARIYAY
Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, Shalay waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada uu yeelanaayo Baarlamaanka Maamulkaasi Koonfur Galbeed. Soo xulista Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay qaadatay waqti badan oo ay ku mashquulsanaayeen Odayaasha Dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed.
Tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, ee shalay la dhaariyay ayaa waxa ay gaarayaan 89 Xildhibaan, laakiin weli waxaa dhiman Xildhibaano kale sida ay goobta ka sheegeen Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku mashquulsanaa soo xulista Xildhibaanada.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhaarinta kadib goobta hadal uu ka jeediyay kula dardaarmay Xildhibaanada cusub ee shalay la dhaariyay.
Waxa uu kula dardaarmay Xildhibaanada cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed inay u shaqeeyaan Bulshada, maadaama ay ku dhaarteen inay u adeegayaan dadka deegaankooda.
Shariif Xasan ayaa sidoo kale ka codsaday Odayaasha Dhaqanka inay soo dhameystiraan Xildhibaanada dhiman.
Xildhibaanada cusub qaarkood ayaa goobta ka sheegay balan qaad ku aadan inay si wanaagsan ugu shaqeynayaan Shacabkooda oo aysan jiri doonin habacsanaan.
WAREYSI VOA LA YEELATAY MAXAMED MISKI OO AY GACANTA KU HAYAAN SIRDOONKA SOOMAALIYAMaxamed Cabdulaahi Xasan oo loo yaqaan "Miski” waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada ka badan 20ka ee Soomaalida ah ee ka tagtay Gobolka Minnesota sannadihii 2007 ilaa 2008da.
Miski waxa uu VOA u sheegay inuu ka tagay Minnesota bishii Ogosto 2008 isagoo xilligaasi ay wax yar uga harsan tahay inuu ka qlin jebiyo iskuulka saree e Roosevelt High School ee magaalada Minneapolis.
Waxa uu Miski idaacdda VOA u sheegaay in gurigiisa magaalada Jilib ay soo weerareen ururka AlShabab, xaaskiisa ay indha ka xireen kadibna ay argagaxsiiyeen carruurtiisa. Waxa uu sheegay inuu u baxsaday kaynta isaga iyo rag kale oo ajaanib ah.
Miksi waxa uu caan ku ahaa isticmaalka baraha internetka gaar ahaan twitterka oo uu farriimo jihaadi ah ku daabiici jiray.
Waxaan weydiiney inu ku biiray ururka Daacish taasina ay keentay inay AlShabab baacsato.
Waxa uu sheegay inuusan ku biirin Daacish, balse uu ku taageeray oo keliya farriimaha uu ku daabici jiray baraha bulshada.
Waxaan weydiiney goorta uu isku soo dhiibay ciidamada dawladdsa Soomaaliya, waxaana uu sheegay inaanu isa soo dhiibin balse iyaga oo socda goob kayn ah ay arkeen dad xoolalay ah kadibna ay war geliyeen ciidamada dawladda oo kasoo qabtay meel u dhow magaalada Baraawe.
Waxa uu sheegay inuu haatan ku jiro xabsi ku yalala magaalada Muqdishu uuna sugayo maxkamad.
Mar aan weydiiney inuu doonayo inuu ku soo laabto dalka Maraykanka waxa uu sheegay oo yidhi ma doonayo inaan Maraykanka imaado, waxaan ahay nin Soomaali ah waxaana wixii la igu haystay la igu maxkamadayn karaa Soomaaliya.
Isaga oo ka jawaabaya sababta uu marka hore ugu biray AlShabab ayuu sheegay in tegitaankiisa Soomaaliya sanandkii 2008 uu la xiriiro soo faragelintii ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay inuu AlShabab uga soo shaqeeyey dhinaca warbaahinta iyo dacwada balse uusan shaqo u qabanin muddo laba sano ah.
Waxa uu sheegya inuu AlShabab uga soo tagay kadib marka uu arkay inay dadka iska xir xirayaan oo ay iska dilayaan, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaan Miski wax ka weydiiney farriimaha uu ku qoray baraha ijtimaaciga oo qaarkod ay ku baaqayeen weeraro laga gaysto gudaha Maraykanka, isaga oo farriin dhigay twitterkiisa.
Magaciisa ayaa warbaahinta Maraykanka ay si weyn u hadal hayeen bishii May ee sanandkan kadib markii laba nin oo dabley ah ay weerareen goob uu ka socday tartan lagu sawirayey Nebi Maxamed NNKHA, waxa jariiradda New York Times ay qortay in mid ka mid ah dadka weerarka qaaday uu xiriir la sameeyey Miski.
Hase yeshee waxa uu Miski beeniyey inuu xirir la lahaa dadka weerarkaas gaystay, waxaana uu ku dooday in boggiisa twitterka ay wada isticmaalayeen dad kale.
Sidoo kale waxaa magaciisa lala xiriiriyey dadkii ku lgta lahaa weerarkii ka dhacay magaalada San Bernardino ee gobolka California oo ay ku dhinteen 14 qof. Mar kale waxa uu sheegay Miski inuusan wax xiriir ah la yeelan dadkaasi.
Waxa uu diiday inuu sheego magacyada dadka kale ee la sitcimaalayey bartaas twitterka.
AXMED MADOOBE OO SHEEGAY PUNTLAND INAY QASAB KU TAHAY AQOONSIGA MAAMULKA GALMUDUG
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Islaam) ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay qasab ku tahay Aqoonsiga Maamulka jaarka la ah ee Galmudug.
Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay Puntland inay tahay Maamul Goboleed dhisan 18 sano, islamarkaana laga doonaayo Maamulada dhismaya inay aqoonsato, lana shaqeyso.
"Puntland waa dowlad gobaleedkii ugu horeeyay 18sano ayeey jirtay, waxaa laga rabaa inay cid kasta oo gadaasheed dhalatay inay gardaadiso oo horumarka iyo guusha kusii wado, waa qasab Galmudug inay la shaqeyso walaalahooda Puntland u aqoonsadaan dowlad gobaleed iyaga ka horeeyay lana shaqeeyaan, Puntland waxaa qasab ku ah inay aqoonsato maamulka deriska la ah ee Galmdug, la shaqeynaya ay wax ka dhaxeeyaan oo aanay noqon inay iska indha saari karayso, qolo walba waxaa la rabaa inay qaadaan wadada dhabta ah ee ay leeyihiin” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay wada shaqeyn dhexmarta Maamulada Galmudug iyo Puntland inay tahay wadada horumarka Somaliya iyo Hanaanka Nabadda.
Isaga oo hadalka siiwata Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxa uu sheegay Khilaafkii u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed in si hoose loo xaliyay.
QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGTAY IN AY SII KORDHEYSO DADKA KU WAXYEELOOBAY ROOBAB IYO DAADAD KU DHUFTAY SOOMAALIYA
Xafiiska isku xirka howlaha gargaarka beni’aadanimo ee UNOCHA ayaa sheegay in ilaa iyo 145,000 oo ruux ay saameeyeen daadadkii dhawaan ku dhuftay qaar ka mid ah gobollada koofureed ee Somalia.
Hay’ada OCHA ayaa sheegtay in roobabka iyo daadadka ay qatar xoogan ku tahay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa kumanaan dad ah oo u baahan in la gaarsiiyo cunooyin kadib markii ay roobabkaasi gooyeen wadooyin badan oo dadkaasi gargaarka loo marin lahaa.
Sidoo kale ayuu xafiisku sheegay in deegaano badan oo ku yaala goballada koofureed ee Somalia uu ka dilaacay cudurka shuban biyood oo deegaanada qaar laga soo sheegay inuu sare u sii kacayo.
GALMUDUG OO SHEEGTAY INEY WADAHADAL LA YEELANEYSO MAAMULKA AHLUSUNNA
Maxamed Xaashi Cabdi Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug oo shalay shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Cadaado ayaa waxa uu kaga hadlay dhaqangalinta heshiiskii nabadeed ee Gaalkacyo iyo wadahadalo ay la furayaan maamulka Ahlusunna ee Dhuusamareed iyo Guriceel maamula iyo arrimo kale.
Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegay in dhawaan uu bilaabandoono wadahadal rasmi ah oo u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna, kaas oo uu rajeynayo inuu guulaysto.
Dhinaca kale Maxamed Xaashi Cabdi Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay inuu si waanagsan u dhaqangalay heshiiskii nabadeed ee dawlada federaalku garwadeenka ka ahayd ee magaalada Gaalkacyo islamarkaana ay soo laabanayso noloshii caadiga ahayd ee magaalada.Ugu dambayn ayaa madaxwayne ku xigeenka Galmdug waxa uu ka tacsiyeeyay dilkii daraad magaalada C/waaq loogu Geystay Faarax Warsame Cilmi Taliyihii ciidamada Boliiska Gobolka Galgaduud iyo qof kale oo shacab ah oo isna lagu dilay deegaanka Olol oo dhuusamareeb hoos timaada, isagoo sheegay in falalkaasi baartaan ku hayaan.
HAY’ADA ZAMSAM OO KA HIRGELINAYSA XARUN AGOONTA LAGU XANAANEEYO DEGMADA JOWHAR.
Xarun lagu xanaaneyo agoonta ayaa hay’ada Zamsam Foundation waxa ay ka hirgelinaysaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen ayaa shalay dhagax dhigay xarun lagu xanaaneeyo agoonta oo ay hay’ada Zamsam foundation ka hirgelinaysa magaalada Jowhar iyadoo muasasada Raaf ay maalgelinayso dhismahan.
Agaasime ku xigeenka hay’ada Zamsam Cali Cismaan Muudeey oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in xaruntan agoon loogu talogalay carruurta agoonta ah ee gobolka Sh/dhexe laguna xanaaneyn doono 300 oo agoon ah kuwaasoo xarunta siin doonto cunto,hoy,waxbarasho iyo caafimaad.
"Waa barnaamijkii ugu horeeyay ee gobolka xarun agoonta u gaar ah laga hirgeliyo gobolka Sh/dhexe ayna ka faa’ideysan doonaan carruur faro badan oo u baahan in laga caawiyo sidii loo dhisi lahaa mustaqbalkooda.”ayuu yiri Cali Cismaan Muudey agaasime ku xigeenka hay’ada Zamsam Foundation.
Sidoo kale waxaa munaasabadan ka hadlay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Sh/dhexe Muxumad Sugaal ayaa u mahadceliyay hay’ada Zamsam oo noqotay hay’adii ugu horeysay ee gobolka Sh/dhexe ka hirgelisa xarun agoonta lagu xanaaneeyo.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen(Guudlaawe) oo ka hadlay munaasabada dhaga dhigga ayaa sheegay in dhismaha xaruntan ay u tahay cadeyn in gobolka Sh/dhexe uu yahay mid hore u socdo isla markaana laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo maalinba maalinta ka dambeysa gobolku sii hormarayo.
"Waxaan uga mahadcelinayaa hay’ada Zamsam hirgelinta mashruuca xarunta agoonta iyadoo hore gobolka ugaga waday mashaariic kale oo muhiim ah,waxaan ugu baaqayaa hay’adaha kale ee ka jira dalka inay ku daydaan hay’ada Zamsam Foundation.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen.
Agaasimaha Waxbarashadda hay’ada Zamsam foundation Cali Macalin Xasan ayaa sheegay in hay’ada ayhore ugaga hirgelisay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe mashaariic horumarineed oo isugu jira kuwo waxbarasho,caafimaad iyo ceelal.
Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Sh.Xanafi oo ay gacanta ku hayso hay’ada Zamsam ka hirgelisay magaalada Jowhar ayaa waxaa wax ka barta arday gaareysa 1,280 arday kuwaasoo 570 ay yihiin agoon la siiyo lacag ay noloshooda ku maareeyaan, sidoo kale waxaa ay hay’ada ka hirgelisay xarumo isugu jira xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho deegaanada jameeco sheikh bashiir, jowhar, mahaday iyo gololey.
TURKIGA OO SHAACISAY IN CIIDANKOODA AYSAN KASOO BIXI DOONIN MAGAALADA BASHIQA EE DALKA CIRAAQ
Saraakiil sare oo Turki ah ayaa shalay sheegay in Turkigu aysan ciidamadooda kasoo saari doonin dalka Ciraaq, kaddib markii xukuumadda Ciraaq ay ka dalbatay xukuumadda Ankara toddobaadkan inay ciidamadeeda si dhaqso ah ugala baxdo Waqooyiga Ciraaq.
Turkiga ayaa 300 oo askari oo wata taangiyo ayay dhawaan geystay magaalo lagu deegaan Bashiqa oo ku dhow magaalada Mosul oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Kooxda IS ay ku leedahay dalka Ciraaq.
Xukuumadda Baqdaad ayaa Axaddii kaga dalbatay dowladda Ankara inay 48saacadood gudahood ugala baxdo ciidamadeeda gudaha dalka Ciraaq, iyadoo sheegtay in tani ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida waddankooda.
"Ciidamadeennu waxay sii joogi doonaan ciraaq,” ayay saraakiisha Turkiga ah u sheegeen wariyeyaal ay kula hadleen shalay magaalada Istanbuul ee Turkiga, iyagoo intaa ku daray. "Wax walba wadahadallo ayay ku xiran yihiin, balse innaga waxaa ciidamada aan u dirnay Ciraaq kala hadalnay maamulka Kurdishka ee halkaas maamula, ciidamadeennuna way sii joogi doonaan.”
Sidoo kale, saraakiisha ayaa xusay in ciidamada Turkiga ay wataan 20taangi ayna haatan ku sugan yihiin deegaanka Basiqa oo 30km waqooyi kaga beegan magaalada Mosul, halkaasoo kooxda ISIS laga qabsaday bishii Juun, 2014kii.
Turkiga ayaa saldhigga uu hadda ciidamadiisan cusub u diray waxaa laba sano ka hor kaga sugnaa ciidammo, kuwaasoo ay iska kaashadeen Wasaaradda gaashaandhigga Ciraaq si ay u tababaraan xoogagga Peshmerga iyo Sunniyiinta Carabta ah si ay dib uga qabsadaan ISIS magaalada Mosul. Sida ays sheegeen saraakiisha u hadlay dowladda Turkiga.
Dhanka kale, RW Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa sheegay inuu Axaddii lasoo dhaafay u diray warqad dhiggiisa dalka Ciraaq, Haider alAbadi, taasoo uu xusay inuu ugu sheegay inaysan jirin ciidammo cusub oo ay u soo direen Ciraaq, balse ay ciidamadan ka mid yihiin kuwii horay uga sugnaa gudaha Ciraaq.
Ugu dambeyn, wareysi uu Isniintii bixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayuu ku sheegay inay waajib ku tahay inay xoojiyaan ammaanka ayna tababarro siiyaan ciidamada la doonayo inay qabsadaan magaalada Mosul ee waddanka Ciraaq.
MEYDKA HAWEENAY DHALINYARO AH OO LAGA HELAY HOTEL KU YAALLO MAGAALADA NAYROOBI
Hoteel ku yaallo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa laga helay Meydka Haweenay la dilay, xilli ninkii amuurtaan ka dambeeyay uu ka baxsaday Hoteelka.
Mid ka mid ah Shaqaalaha Hoteelka ka shaqeeya oo ku guda jira howl maalmeedkiisa caadiga ah ee Nadaafada, ayaa qol ka mid ah Hoteelka wuxuu ku dhex arkay Meydka Haweenaydaan oo Dhaawacyo jirkeeda ay ka muuqdaan.
Masuuliyiinta Hotelka ayaa waxa ay durbadiiba ku wargeliyeen dhacdadaasi Ciidanka Booliska Magaalada Nairobi oo durba soo gaaray Hotelka lagala soo xiriiray ee dhacdada looga sheegay.
Meydka Gabadha ayaa qolka laga soo saaray, waxaana ku yaalay Dhaawacyo jirkeeda ah, gaar ahaan qaybta qoorta, waxaana loo badinayaa Haweenaydaasi inta aanan la dilin ka hor in la kufsaday.
Haweenayda la dilay oo Kiiskeeda ay gacanta ku hayaan ciidamada Dambi Baarista Magaalada Nairobi, ayaa da’deeda waxaa lagu sheegay 20 sano jir.
Taliyaha ciidamada Dambi Baarista CIDda ee Nairobi Ireri Kamwende ayaa sheegay in haweeneyda la helay meydkeeda uu qolka la kireystay nin magaciisa lagu soo koobay John, kaas oo aan ilaa iyo hada heybtiisa la aqoonin.
Saraakiisha ayaa sheegay in aan wali la aqoonsanin Meydka gabadha dhimatay , maadaama aysan wax warqado aqoonsi ah wadanin, inkastoo ay baaritaanno socdaan.
Booliska ayaa sheegay in ay dacwad ku soo oogi doonaan maamulka Hoteelkaasi oo lagu eedeeyay in aysan macluumaad buuxa ka qabanin dadka ay Hotelka ka kireeyeen.
KOONFURTA KOREA OO GAADIIDKA AAN RASAASTA KARIN UGU YABOOHDAY SOMALIYA)
Dowladda Koonfurta Korea, ayaa waxay shalay Dowladda Somaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ugu yaboohday afar ka mid ah gaadiidka aanay rasaastu karin, si ay ugu hawlgasho Waaxda Habmaamuuska Qaranka Ee Wasaaradda.
War Saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa lagu yiri "Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinysaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Korea deeq ka kooban afar gaadiid oo ah nooca martida oo loogu deeqay Waaxda Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda.”
Gawaaridan loogu yaboohay Wasaaradda, ayaa waxay u adeegsan doontaa in ay ku soo dhaweyso Ajaaniibta imaanaysa Magaalada Muqdisho, sida War Saxaafadeedka lagu sheegay.
"Gaadiidkan ayay Wasaaraddu u adeegsan doontaa martida shisheeye ee dalka soo booqata, waxa ayna qayb ka noqon doonaan dadaalo ballaaran oo Wasaaradda lagu qalabayn doono, laguna tayayn doono habsami u socodka shaqo iyo shaqaale.” Ayaa lagu sheegay War Saxaafadeedka.
Waxaa kaloo lagu yiri "Wasaaraddu waxa ay cadaynaysaa in is bedelada iyo horumarada ay hiigsanayso ay yihiin kuwa loogu adeegayo dadka iyo dalka Soomaaliya, laguna ilaalinayo madax bannaanidiisa, qaranimadiisa, midnimadiisa iyo wadajirka ummadda Somaliyeed.”
Xoogag hubeysan oo xoog ku galay Garoonka Magaalada Kandahar
Weerar xoogan, ayaa waxaa Talaadadii shalay lagu galay Garoonka Duulimaadyada Magaalada Kandahar, iyadoona laga dhex maqlay jug iyo rasaas xoogan.
Ururka Taliban oo ka dagaalama dalka Afghanistan, ayaa ku faanay in xoogagoodu ay u suurtagashay in ay gudaha u galaan Garoonkaasi, welina ay ka dhex dagaalamayaan.
Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaaya ciidan shisheeye, ayaa waxay hareereeyen Garoonkaasi, waxayna dadaal ugu jiraan, sidii ay u soo gaba gabeen lahaayen kuwii weerarka soo qaaday.
Dableyda gudaha ugu sugan Garoonka, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay xiran yihiin jaakadaha ka sameysan walxaha qarxa, waxaana loo fishay in ay ku qoran yihiin ismiidaamin.
Weerarka gelinkii dambe ee shalay lagu galay Garoonka Kandahar, ayaa wuxuu daba socdaa weerar kaloo shalay ka dhacay saldhig boolis oo ku yaala Magaalada Kandahar oo Koonfurta Afghanistan dhacda.
Dowladda itaalka daran ee Afghanistan, ayaa waxay weeraro muuqdo kala kulmaysaa Ururka Taliban, oo si weyn kaga biyo diidan jiritaanka Dowladda iyo joogitaanka dalkaasi ee Ciidamada Mareykanka.
Mareykanka, ayaa 30kii bishii November Muwaadiniintiisa ku sugan Caasimadda Afghanistan ku wargeliyay in ay isaga baxaan, halka kuwa dibadda ku sugana looga digay in ay u safraan Magaalada Kabul.
SAGAAL NIN OO SOOMAALI AH OO KU XIRNAA JAZEERADA SEYCHELLES OO LAGA DEJIYAY GAROONKA AADAN CADDE
Sagaal nin oo ku eedeysnaa burcad badeednimo, kuna xirnaa xabsiyada Jazeerada Seychells, ayaa waxaa Talaadadii laga soo dejiyay Garoonka Magaalada Muqdisho (Aadan Cadde).
Dowladaha Somaliya iyo Seychelles, ayaa iska kaashaday soo celinta raggan, xilli Maxkamad ku taala Seychelles ay horey xukuno ugu riday raggaasi. Sidoo kalana waxaa gacan ka gaysatay Hay’adda UNODC.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha Seychelles, ayaa waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliya looga dalbaday la wareegidda xubnaha laga keenay Seychelles.
Maxkamadda Racfaanka Seychelles, ayaa ka laabatay xukun Maxkamadeed oo ku dhacay toddobo ka mid ah raggaasi, halka Cali Abshir Nuur uu dhameystay xukun kol hoe lagu riday.
Dowladda Somaliya, ayaan illaa iyo hadda wax faah faahin ah ka bixin ragga laga keenay Seychelles, mana ahayn wax Saxaafadda lagu wargeliyay keenistooda Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya, General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa ka gaabsaday in wax sharaad ihi uu ka bixiyo sagaalka nin ee laga soo celiyay Seychelles.
Waa markii ugu horeysay oo Magaalada Muqdisho la keeno rag burcad badeednimo loogu xukumay Jazeerada Seychelles.
DAACISH OO DAGAAL LOOGA QABSADAY QAYB KA MID AH MAGAALADA RAMADI
Dagaal culus, ayaa weli ka sii soconaaya Magaalada Ramadi oo dhacda bartamaha dalka Ciraaq, waxaana bishii May dagaal culus kula wareegay Xoogaga Ururka Daacish (Dowladda Khilaafada Islaamka).
Ramadi waa Xarunta Gobolka Anbar, waxayna qiyaastii 110km dhinaca galbeed kaga toosan tahay Magaalada Baghdad Ee Caasimadda Ciraaq.
Ciidamada Dowladda Ciraaq oo gacan ka helaaya maleeshiyaad deegaanka ah, dhinaca cirkana ay ka caawinayaan dalalka isbahaysiga ee Mareykanka uu hogaamiyo, ayaa waxay la wareegeen boqolkiiba lixdan (60%), gacan ku haynta Magaalada Ramadi.
Diyaaradaha dagaalka isbahaysiga, ayaa garaacaaya goobaha muhiimka ah ee Daacish kaga sugan tahay Ramadi, sidoo kalana waxay beegsanayaan gawaarida dagaalka iyo goobaha ay keydka rasaasta u yaallaan.
Iyadoo inta badan dadkii deganaa Magaalada ay kol hore isaga barakaceen, ayaa tiro yar oo ku hartay waxay xaqiijiyeen in Ciidamada Dowladdu, ay qarka u saaran yihiin in ay gaaraan bartamaha Magaaladaasi.
Warbaahinta Ciraaq, ayaa qoreysa in Ururka Daacish uu iska luminaayo gacan ku haynta xarumaha muhiimka ah ee ku yaala Ramadi, hujuum weyn oo kaga imaanaaya dhinacyada is garabsanaaya awadeed.
Ramadi, ayaa waxaa ka muuqanaaya burbur xoogan oo ka soo gaaray dagaalada ku soo noq noqday, waxaana xilligan la saaray culeyskii ugu weynaa, tan iyo bishii May.
DONALD TRUMP OO KU BAAQAY IN LA HAKIYO MUSLIMIINTA SOO GALAYA MAREYKANKA
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriya Donald Trump ayaa ku baaqay in la hakiyo dadka muslimiinta ee soo galaya Mareykanka, iyadoo hadalkan ay cambaareeyeen Muslimiinta ku nool dalkaas iyo siyaasiyiinta.
Donald Trump ayaa ololihiisa musharaxnimo u adeegsada hadalo kulul oo muslim naceyb ah, waxaana uu dhowaan ka digay in Mareykanka uu soo qaado qaxootiga Suuriyaanka ah.
Mr Trump ayaa sheegay in ra’yi uruurin la sameeyay ay muujineyso in Muslimiinta ay naceyb u hayaan Mareykanka, isagoo tilmaamay in inta laga ogaanayo sababta ay dowladda mareykanka difaacdo shacabkeeda.
Musharaxa kale ee Xisbiga Jamhuuriga Jeb Bush ayaa hadalka Donald Trump ku tilmaamay mid lala yaabo, isagoo ku sifeeyay inuu yahay nin madaxa looga jiro.
Muslimiinta Mareykanka ayaa dhankooda cambaareeyay hadalka Trump, isla markaana xadgudub ku ah dastuurka dalkaas oo ogolaanaya in qof walba uu xor u yahay Diintiisa.
Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in hadalka Mr Trump uu yahay mid ka soo horjeeda qiyamka dalkaasi iyo danaha ammaan ee uu leeyahay
AFAR QOF OO SOOMAALI AH OO KU DHIMATAY XERYAHA KAAKUMA EE DALKA KENYA
Ugu yaraan afar qof oo Soomaali ah, ayaa ku dhimatay, halka saddex kalana ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay, ka dib roobab xoogan oo Talaadadii ka da’ay xeryaha qaxootiga ee Kaakuma.
Afar ka mid ah dadkan oo la socday gaari taksi ahaa, ayaa waxaa gaarigoodii qaaday daadad soo rogmaday oo ka dhashay roobabkaasi. Dadka dhintay waxay isugu jiraan laba cunug, hooyo da’ ahayd iyo nin dhalinyaro ah.
Wadihii taksiga, ayaa u bareeray in uu ku socdaalo wado ay biyo badan qulqulayeen, xilli gaadiidkii kale ay ka joogsadeen, in ay maraan wadadaasi.
Xaaji Baari Maxamed Warsame oo ka mid ah qaxootiga Somaliyeed ee ku nool xeryaha Kaakuma, ayaa xaqiijiyay dhimashada afartaasi qof iyo dhaawacyada saddexda kale.
Xaaji Baari Maxamed Warsame, ayaa sidoo kale sheegay in roobabku ay burburiyeen guryo cooshado ka sameysnaa, oo ku yaalay xerada Kaakuma 2. Inta badan guryihii qaxootiga ayuu sheegay in ay daadadku la taggeen.
Xaaji Baari oo la hadlay BBC, ayaa waxa uu intaa ku daray in roobabku ay burburiyeen dhammaanba ganacsigii yar yaraa ee ka jiray Kaakuma 2, qaxootiguna uu wajahaayo xaalad adag.
Qaxootiga ku xareysan xeryaha Kaakuma, ayaa waxaa la tilmaamaa in ka badan boqolkiiba (90%), in ay yihiin Soomaali ka soo carartay dagaaladii sokeeye ee dalka wiiqay.
HOGAAMIYE KA TIRSANAA ALSHABAAB OO KU BIIRAY KOOXDA DAACISH
Warbixino sir ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in masxkaxdii ka dambeesay weerarkii Jaamacada Garisa ee lagu dilay 148qof ee ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Alshabab uu hadda ku biiray kooxda ISISI.
Mohamed Kuno loo yaqaan Gamadhere ayaa ahaa hogaanka dagaalamayaasha Alshabab ee Jubbada hoose waxana warbixintaan oo ay daabacday jariidada The Star lagu sheegay in todobaadkii ugu dambeeyay bishii November uu ninkaasi ka goostay Xarakada Alshaabab ee xiriirka la leh Alqaacida isagoona ku biiray Daacish.
Mohamed Kuno iyo 1200qof oo ay ku jiraan dagaalamayaasha kooxda Jeysh Ayman ayaa ka baxay Alshabab.
Kooxdaasi dhamaantooda ayaa la shaaciyay in ay ku dhuumlaysanayaan keynta Boni ee dalka Kenya iyo degaanada Ras Kambooni ee dhulka Soomaaliya.
Koox la shaqeeysa sirdoonka gobolka Ku sugan ayaa ka digay in Mohamed Kuno loo magacaabo hogaamiyaha Dacish ee dalka Kenya.
ABAACUUD OO KA BADBAADAY BOOLISKA ATHENS
CABDULXAMIID ABAACUUD, NINKII MALEEGAY WEERARRADII PARIS
BBCda ayaa ogaatay in fursad lagu qaban lahaa ninkii hogaaminayay weerarradii Paris xilli uu bishii January ku sugnaa caasimadda Giriiga ay fashilantay.
Ilo wareedyo ka tirsan booliska argagixisa la dagaalanka Belgium ayaa BBCda u sheegay in howlgalka Athens ee lagu bartilmaameedsanayay AbaaCuud, lagu waday inuu dhaco ka hor howlgal ay booliska ka fuliyeen magaalada Verviers ee Belgium, balse ay wax isdaba mareen.
Cabdulxamiid AbaaCuud ayaa isaga oo jooga Athens taleefanka ku hagayay koox mintidiin ah oo ku sugan gudaha Belgium.
Lama oga sababta iyo qaabka uu AbaaCuud kaga baxsaday laamaha ammaanka ee Giriiga. Dowladda Giriiga ayaan ka hadlin macluumaadka howlgalkaasi.
Cabdulxamiid AbaaCuud oo lagu dilay duleedka Paris ayaa la sheegay inuu ahaa ninka hagayay kooxdii fuliyay weerarradii caasimadaasi ka dhacay 13kii November ee ay ku dhinteen 130ka qof.
Salah Abdeslam oo ah nin loo doondoonayo inuu ku lug lahaa weerarradii Paris ka dhacay ayaa sidoo kale soo maray dalka Giriiga, asaga oo dooni kaga soo galay Talyaaniga.
Sidoo kale lama ka mid ah raggii isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka Stade de France ayaa soo maray jasiiradda Leros ee Giriiga, ayaga oo qaxooti ahaan dooni kaga soo raacay Turkiga.
Macluumaadkan hadda soo baxay ayaa su’aal gelinaya wada shaqeynta laamaha argagixisa la dagaallanka ee dalalka Yurub.
Waxaa suuragal ah in haddii Cabdulxamiid AbaaCuud lagu qaban lahaa Athens bishii January, ay taasi keeni lahayd in laga badbaado weerarradii ka dhacay Paris
CASHARKII 21 AAD HABKA CILMIBAARISTA EE RESEARCH METHOD
Baaxada cilmibaarista waa mid aad muhiim ugu ah cilmibaarista iyo cilmibaaraha labaduba. Cilmibaaris waliba waxaa ay leedahay baaxad xadidda. Baaxadu waxay tahay meesha ama halka aqooneed ee daboolayso cilmbaarista.
Waa muhiim in loo sheeg aqristaha, doorsoomayaasha ay daraasada baarayso, halka ay ka bilaabanayso iyo halka ay ku egtahay daraasada. Baaxadda waxaa la qoraa inta aanan la bilaabin cilmibaarista. Baaxadda waxay fududeysaa in la fahmo u jeeda rasmiga ah ee laga leeyahay cilmibaarista. Waa muhiim in cilmibaaraha uu ogyahay halka ay ku egtahay xuduudda cilmibaaristiisa.
Baaxadda oo si cad loo qeexo, waxay ka caawin kartaa ardayga qoraayo Buuga Qalin jabinta in uu ka gudbo su’aalo badan oo ay waydiin lahayeen gudiga go’aanka ka gaaro daraasada. Waxaa dhacdo waqtiyada qaar in lagu celiyo ardayga buuga labo arin midood oo la xiriirto baaxadda: mida hore in la yaraahdo baaxaadda cilmibaarista aad aya u wayntahay ee soo koob, ama in la yiraahdo aad ayay u yartahay wixi ka soo baxo looma qaadankaro wax guud (generalize) hadii loo qaatane waxa noqonaysaa mid eexeed (bias)mana lagu kalsoonan karo.
Si caqabadaha nuucaasi ah looga fogaado, waxaa haboon in marwaliba ardayga uu la tashato horjoogaha cilmibaaristisa (supervisor). In la qoro baaxadda cilmibaarista waxay u baahantahay in aad wax badan ka fahansantahay wax aad wax ka qorayso iyo halka banana ee u baahan in la buuxiyo. Ogow, heerka waxbarashada iyo baaxadda cilmibaarista waa ay wada socdaan, tusaale ardayda degree diyaarinaayo baaxadda cilmibaarista laga donaayo sidaas uma wayna marka loo eego ardayga diyaarinaayo Masterka, sidoo kale baaxadda cilmibaarista laga doonayo ardayga diyaarinaayo master ka waxaa ka kharo wayn baaxadda ardayga Ph.D. diyaarinaayo.
Sidaasi darteed waxaa haboo in cilmibaaraha uu cadeeyo halka ay ku egtahay baaxada cilmibaaristiisa iyo halka banana ee ay buuxinayso baaxadaas. Marka la qoraayo baaxada, waxaa laga qiyaas qataa oo lagu hagaa hadafka cilmibaarista (research objectives) iyo su’aalaha cilmibaarista (research questions) Qidadaha la isticmaalo marka la xadeeynaayo cilmibaarista waxaa ka mid ah, in la sheego baaxada dhuleed ay daraasada wax ka baraayso (Geographical Study) sidoo kale waxaa muhiim ah in lagu xadiido cilmibaarista waqtiga (time frame) iyo doorsamayaasha ay baarayso.
Marka laga hadlaayo baaxada waxaa kale oo lagu soo daraa, habka la rabo cilmibaarista loo tijaabinaayo (methodology test) tani waxaa ka mid noqon karo baaxada muunada (simple size) iyo doorsoomayaasha (variables). Madaama ay jiraan aragtiyo badan (thories), waxaa muhiim ah in lagu soo daro aragtiyaha la dabaqayo xogta (thories applied to the data).
Sida aan horay u soo sheegnay, suurta gal ma ahan in xog oo dhan lagu soo wada aruuriyo hal cilmibaaris, sidaasi aawadeed baaxada waxay kaa caawinaysaa cilmibaaraha in uu soo koobo waxa rasmiga ah ee daraasadiisa ku yaboohayso (research contribution) Tusale kooban, hadii cilmibaaraha uu doonayo in uu daraasad ku sameyo dhacdooyin taariikheed, sida kacdoonkii warshadaha, lakin cilmibaaraha uu doonayo oo kaliya in uu faaqido qaybo kamid ah tariikhdaas oo dhacay xili kooban, cilmibaaraha waa muhiim in uu wargaliyo aqristaha in baaxada cilmibaarista uu sheego laga bilaabo waqtiga X ilaa xiliga Y. Waxaan kale oo aan tusaale u soo qadan karnaa, hadii uu cilmibaare doonayo in uu baaro, tayada waxbarashada Somaliya. Waxaa uu xadka cilmibaarista noqon karaa wixii ka danbeyay dowladdii kacaanka ama wixi ka horeyay burburkii dowladda.
Waxaa soo diyaariyay
Dr. Shafici Sharif Mohamed


0 


WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 9-KA DICEMBAR 2015-KA
MADAXWEYNAHA OO MAGAALADA MUQDISHO KU SOO GABAGA-BEEYAY MADASHA HEERKA SARE EE WADDAMADA IYO HAY'ADAHA ISKAASHIGA LA LEH SOOMAALIYA (HLPF) Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Muq