Madaxweynaha oo magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay'adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya (HLPF)

0
Tuesday December 08, 2015 - 18:59:14 in Wararka by
  • Visits: 878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay'adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya (HLPF)

    Muqdisho, 8 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay Shir loogu diyaar-garoobayo Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay'adaha Iskaashiga la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 8 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay Shir loogu diyaar-garoobayo Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay'adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga bisha February ee sannadka 2016-ka.

Shirkan halka maalin socday ayaa sidoo kale lagu qiimeynayey waxyaabihii qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafey, tan iyo markii uu qabsoomay Shirkii Lixaad ee Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya (High Level Partners Forum bishii July ee sannadkan 2015-ka.
Madashan ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Waxaa madasha maanta looga munaaqishooday arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarka laga sameeyay barnaamijyada kale ee la xiriira Cahdiga Cusub (New Deal).

Barnaamijka Cahdiga Cusub ayaa ah hab la isugu dubbarido kaalmada la siiyo Soomaaliya, iyado saddexdii sanno ee la soo dhaafay lacag dhan 650 milyan oo dollar lagu bixiyey barnaamijyo ay isku afgarteen dowladda iyo beesha caalamka.

Dhanka siyaasadda, waxaa hirka looga hadley arrimaha hannaanka doorasho ee dalku qaadan doono, taageerada loo baahan yahay si loo dhaqan-geliyo doorashada, dib u eegista dastuurka iyo dhammeystirka dhismaha maamul goboleedyada.

Waxaa dhanka amniga shirka lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta fulinta barnaamijka Guulwade, hirgelinta barnaamijka Heegan, is-waafajinta labada barnaamij ee Guulwade iyo Heegan, iyo weliba xoojinta hawlgallada milatariga ee dalka ka socda.

Arrimaha maaliyadda iyo dib u soo kabashada ayaa ka mid ah waxyaabaha laga munaaqishooday, iyadoo si gaar ah loo xusay maamulka maaliyadda, miisaaniyadda, doorka muhiimka ah ee kaabeyaasha dhaqaalaha ka qaadan karaan kobcinta dhaqaalaha.

Waxaa iyana hordhac ahaan uu shirka uga hadley sidii loo diyaarin lahaa qorshe heer qaran oo dhinaca horumarinta waddanka, kaas oo beddeli doona barnaamijka haatan socda ee Cahdiga Cusub oo afar jirsadey.

Shirka maanta waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

---DHAMMAAD---

Daud Aweis


Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A2640

President HSM at the HLPF in Mogadishu (M), SRSG Nicholas Kay (L), and M.O. Jawari , Speaker of the Parliament (R) 8 Dec. 2015. Photo by Villa Somalia

IB0A2654

Presidents of Interim Admin. of Jubba and ISWA Ahmed M. Madobe (L) and Sharif Hassan Sheikh Aden at HLPF in Mogadishu, 8 Dec. 2015. Photo by Villa Somalia

IB0A2439
IB0A2634
IB0A2628

Mr Abdikarim Hussein Guled, President of Interim Adm of Galmudug at the HLPF in Mog. 8 Dec 2015. Photo by Villa Somalia

IB0A2655

Somali Planning and Finance ministers Abdirahman Aynte (L) and Mohamed Ibrahim (R). HLPF Mog. 8 Dec. 2015

IB0A2642

Somali FM Abdisalam Hadliye at the HLPF Forum in Mogadishu. 8 Dec. 2015

IB0A2667
©2015 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip