
Shirka lagu Shaacinaayo Nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceyso oo goor dhaw Garoonka Diyaaradaha ka furmay
Shirkaan oo ay ka qaybgalayaan Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira, Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Bulshada Rayidka, ayaa goor dhaw Garoonka ka furmay.
Sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta Shirkaan ayaa la isku weydaarsanayaa aragtida ku aadan nooca Doorashada ee Somaliya ka dhaceysa, waxaana halkaasi Khudbado kala duwan ka jeedin doona Madaxda ka qaybgalaysa Shirka.
Gaba gabada Shirkaan ayaa la filayaa in lagu iclaamiyo nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceyso, maadaama Dowladda Federalka Somaliya ay soo aruurisay aragtida ku aadan Shacabka ku nool Gobolada dalka Somaliya.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka ayaa ammaanay Nabadii ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee dadaalka ugu badan ay ku bixisay Dowladda Federalka Somaliya.
Madaxweynaha oo hada Khudbadiisa ay socoto ayaa ku hadlaya Luuqada English-ka, waxaana uu ka hadlayaa arimaha ku aadan Dhaqaalaha, Ammaanka iyo taageerada Beesha caalamka ay siiso Dowladda Federalka Somaliya.
Galabta ayaa la filayaa in shirkaan lasoo gaba gabeeyo oo lagu iclaamiyo nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceysa sanadka 2016-ka.


0 



Shirka lagu Shaacinaayo Nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceyso oo goor dhaw Garoonka Diyaaradaha ka furmay
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaa goor dhaw ka furmay Shirka looga hadlaayo go'aaminta Nooca Doorasho ee Somaliya la filaayo inay ka dhacdo marka la gaaro Sanadka 2016-ka Bartamihiisa.