89 Xildhibaan oo Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ka mid noqonaya oo Baydhabo lagu dhaariyay (SAWIRRO)

0
Tuesday December 08, 2015 - 15:46:32 in Wararka by
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    89 Xildhibaan oo Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ka mid noqonaya oo Baydhabo lagu dhaariyay (SAWIRRO)

    Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, Saaka waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada uu yeelanaayo Baarlamaanka Maamulkaasi Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, Saaka waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada uu yeelanaayo Baarlamaanka Maamulkaasi Koonfur Galbeed. Soo xulista Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay qaadatay waqti badan oo ay ku mashquulsanaayeen Odayaasha Dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, ee saaka la dhaariyay ayaa waxa ay gaarayaan 89 Xildhibaan, laakiin weli waxaa dhiman Xildhibaano kale sida ay goobta ka sheegeen Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku mashquulsanaa soo xulista Xildhibaanada.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhaarinta kadib goobta hadal uu ka jeediyay kula dar-daarmay Xildhibaanada cusub ee saaka la dhaariyay.

Waxa uu kula dar-daarmay Xildhibaanada cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed inay u shaqeeyaan Bulshada, maadaama ay ku dhaarteen inay u adeegayaan dadka deegaankooda.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale ka codsaday Odayaasha Dhaqanka inay soo dhameystiraan Xildhibaanada dhiman.

Xildhibaanada cusub qaarkood ayaa goobta ka sheegay balan qaad ku aadan inay si wanaagsan ugu shaqeynayaan Shacabkooda oo aysan jiri doonin habacsanaan.

Dhaarin 1 Dhaarin 2 Dhaarin 3 Dhaarin 4 Dhaarin 5





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip