Madaxweynaha Puntland oo gaaray Kismaayo, kana qeyb galaya caleema saarka Axmed Madoobe

0
Friday September 11, 2015 - 15:34:47 in Wararka by
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo gaaray Kismaayo, kana qeyb galaya caleema saarka Axmed Madoobe

    Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta duhurkii gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo. Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galaya ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta duhurkii gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo. Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maalintii berri ka dhaceysa Kismaayo.

Madaxweynaha la doortay Axmed Madoobe ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana kadib Madaxweynaha Puntland loo galbiyay Madaxtooyada Kismaayo.

Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa saaxib dhow ahaa, iyagoo si aad ah uga soo horjeeday siyaasada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Guddiyadii qaran ee horay Baarlamaanka u ansixiyay.

Sidoo kale Labadan Madaxweyne Maamul goboleed ayaa taageerin Maamulkii Galmudug ee lagu dhisay Cadaado, isla markaana ka qeyb gelin caleema saarkii madaxweyne Guuleed.

Wafdi ka socda dowladda Federaalka ayaa iyana la filayaa inay ka qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxaana la ogeyn in Madaxweynaha uu ka qeyb galayo iyo in kale.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku qul qulaya wafuud kala duwan, waxaana maanta gaaray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la filayo in maalinta berri ay gaaraan wafuud ka socota Beesha Caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip