Mas'uuliyiinta Ahlusuna oo isaga baxay Dhuusa Mareeb iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka jira Galgaduud

0
Friday September 11, 2015 - 15:16:27 in Wararka by
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiinta Ahlusuna oo isaga baxay Dhuusa Mareeb iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka jira Galgaduud

    Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in Mas'uuliyiintii Ahlusuna ee ku sugneyd degmadaas ay isaga baxeen, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo halka ay aadeen. Mas'uuliyiinta Ahlusuna Wal-jameeca ayaa shalay kulan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in Mas'uuliyiintii Ahlusuna ee ku sugneyd degmadaas ay isaga baxeen, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo halka ay aadeen. Mas'uuliyiinta Ahlusuna Wal-jameeca ayaa shalay kulan la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan duleedka Dhuusa Mareeb, waxaana la ogeyn in kulankaas uu salka ku hayo ka bixitaankooda magaalada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ku wargeliyeen Ahlusuna inay hubka dhigaan, kuna biiraan Maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dhaawacyadii laga keenay Caabudwaaq xalay loo qaaday degmada Guriceel, waxaana suura gal ah in Mas’uuliyiintii Ahlusuna ay u baxeen dhanka Guriceel.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa deegaanada Mareer Gur iyo Godinlabe oo ay ku kala sugan yihiin ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusuna.

Dadka deegaanka Mareer Gur ayaa bilaabay inay ka qaxaan deegaanka, kadib markii cabsi ay la soo deristay, waxaana halkaas gelinkii dambe ee shalay illaa xalay gaaray ciidamo taabacsan Ahlusuna, kuwaasoo difaacyo ka sameystay.

Ciidamada Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maalin ka hor isaga baxay degmada Caabudwaaq, kadib iska hor imaadyo ka dhacay, waxaana arrintaas loo sababeynaya culeysyo uga yimid dhinacyo kale.

Si kastaba ha ahaatee Ahlusuna Wal-jameeca ayaa wax war ah ka soo bixin oo ku aadan kulanka ay la yeesheen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.

xigasho:-jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip