Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Sheegay In Warbaahinta Ay Si Khaldan U Tabisay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo ka hadlay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotel Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne ayaa sheegay in warbaahintu ay u tabisay qaab khaldan weerarkaasi
Waxaana uu tilmaamy in wararka sheegaya in Raggii weeraray Hotelkaasi ay wateen Aqoonsiga hay’adda Nabad Sugida ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana xusay in arritaasi ay tahay fal dambiyeed.
Sidoo kale Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in Raggii fuliyay weerarkaasi aysan wadan Kaarka Aqoonsiga saxda ah ee NISA, balse ay ahaayeen kuwa been abuur ah.
Dhawaan ayaa wargeyska The Guadian ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska waxa uu shaaciyay in Raggii fuliyay weerarkii Hotel Naasa Hablood 2 ay isticmaalayeen Aqoonisiga hay’adda NIS, islamarkaana u suura galiyay in ay gudaha u galaan Hotelkaasi.

0 