
Al-shabaab :-' 50 Xubnood ayaan ku dilnay Weerarkii Hotel Naasa-Hablood 2
Weerarkan ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay In ka badan 18-ruux halka ay ku dhaawacmeen 30 Ruux oo kale. kadib markii weerar qaraxyo ku bilowday lagu qaaday hotelka naasahablood 2 ee magaalada muqdisho.
Dableydii hubeyneed kana tirsanaa Al-shabaab ayaa waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan guud ahaan hoteelka naas-hablood, waxaa muddo kadib goobta soo gaaray ciidamada katirsan Dowlada Soomaaliya oo markii danbe abaaro 6:00 Aroornimo la wareegay kacan ku heynta Hotelka.
Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Xarakada Al shabaab ayaa baahisay in weerarkaasi ay ka danbeeyeen Ciidamadooda sida Gaarka u tababaran halkaasina ay ku dileen ku dhawaad 50 Xubnood oo u badan Xildhibaano iyo iyo Saraaakiil katirsaneyd Dowlada Soomaaliya oo dagneed Hotel Naasa-Hablood 2 ee Weerarka lagu qaaday.
Weerarka lagu qaaday Hotel Naasa-Hablood 2 ayaa waxaa ku dhintay Wasiirkii arimaha Gudaha Maamulka Koofur-Galbeed madoobe Nuunoow Maxamed Xildhibaan hore C/naasir Gaarane uu ku dhintay qaraxa,sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay Taliyihii Booliska degmada Dayniile Maxamed Yuusuf Fanax oo horay u soo noqday Taliyaha Booliska degmada Yaaqshiid taliye fanax, siyaasi zakariye maxamud ciise, iyo Mas,uuliyiin kaloo katirsaneyd Dowlada Soomaaliya.
Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in nolosha lagu qabtay saddex ka mid ah dableydii weerarka ka dambeysay, Inkastoo wali saxaafada aysan u soo bandhigin Ragaasi.
Weerarkaan qaraxa ku bilaawday ayaa ku soo aadaya 14 maalmood kaddib qarixii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.


0 



Al-shabaab :-' 50 Xubnood ayaan ku dilnay Weerarkii Hotel Naasa-Hablood 2
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hotel Naasa-Hablood 2 oo ku dhow madaxtooyada Somaaliya, kaasoo ay deggenaayeen Wasiiro Xildhibaano iyo Saraakiil Iyo Madax kaloo katirsan Dowlada Sooma