Ciidamadda Amaanka ayaa ku guuleeystay in ay Soo badbaadiyaan dad badan oo ku jiray Hottelka, dadka Lasoo badbaadiyay waxaa ku jiray Masuuliyiin doowladeed iyo Dad Rayid ah o dumar iyo Caruur ay ku jiraan.
Dagaalka Ciidamadda Dowladda iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray Hotel-ka Naasa hablood 2 waxaa uu Qaatay in ka badan 10 Saacadood oo si xariir ah ay u socdeen Rasaasta iyo Bombooyin ay Soo tuurayeen Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamaddii ku jiray Hottel ka Gudihisa iyo Kuwii Banaanka Joogay ayaa Mar qura ku baraarugay Rasaas ka Bilaabatay Banaanka Hore ee Hoteelka oo u dhexeeysay Ciidamadii joogay Banaanka Hotel ka iyo Sadax dagaalame oo kasoo baxay Hotel-ka.
Dagaalamayaashii Al-shabaab waxay isku dayay in ay u Baxsadaan Dhinaca Boondheere, Hase haatee Ciidamadda Dowladda Waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 dagalame oo ay ka dhamaatay rasaastii ay ku Dagaalamayeen.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi casiis Cali ibraahim Xillibaan ayaa sheegay in 3:15 Aroornimo si Buuxda loo soo afjaray howlagalkii Ciidamaddu ka wadeen Nasahablood 2, islamarkaana La Qabtay Sadax dagaalame Halka la Dilay 2 kale.
Weerarka naasa Hablood Qaybtiisa labaad Waxaa uu ku so Aadayaa 14 Maalmood ka Dib Markii uu dhacay Weerarkii Muqdisho ee dhacay 14 kii bishaan kaasi oo ay ku dhinteen Dad ka badan 412 Ruux halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo kale.
Weerarkii Shalay iyo kii 14 kii Bishaan ka dhacay Muqdisho waxay ka Mideeysanyihiin.
Maalinta oo Weerarka oo Sabti kusoo aaday.
-
Xilliga Weerarka oo ahayd Galab.
-
Waxyeeladda oo u badneeyd Shacab.
Waxayna ku kala Duwanaayeen.
-
Xajmiga Weerarka
-
Koox hubeeysan oo Qarax kadib Weerar Soo qaday.
-
Tirada Dhimashadda oo ka ayar imntii Hore



0 



Warbixin Sidee Ayuu U Dhacay Weerarkii Al-Shabaab Ay Ku Qaadeen Hotelka Naasa-Hablood 2 Muqdisho?
Galankii Dambe ee shalay ee Markii la ogaaday in dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ay gudaha u galeen Hottelka Nasa Hablood 2 Ciidamadda Sida gaarka u tabaran ee Dowladda ayaa Howlagal ka dhex bilaabay hotel-ka Dhexdiisa, Ciidamadu waxay Howlgalka k