DHAGEYSO: Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Sh/dhexe

0
Sunday October 22, 2017 - 11:47:25 in Wararka by
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Sh/dhexe

    Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo miino kula kacday inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye meel 11-KM u jirta Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo miino kula kacday inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye meel 11-KM u jirta Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Qof ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay indhihiisa uu ku arkay Meydadka 6 qof, sidoo kale gaariga agtiisa ay yaalleen dad gubtay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in gaarigaasi ay usoo gurmadeen dadka degaanka.

Dhammaan waxaa dhintay dadkii saarnaa gaariga sida u sheegay qofkaasi ka mid ah dadka degaanka.

Gaarigaan ayaa ka ambabaxay Degmada Afgooye waxaa uu ku sii jeeday Degmada Balcad, waxaana meesha miinada ay kula qaraxday la sheegay inay tahay tuulada Daniga oo ku taalo wadada isku xirta Balcad iyo Afgooye.

Miinadan meesha ku aasneyd ee gaariga caasiga ah la kacday ayaa u muuqata mid xilli hore halkaasi la galiyay, balse gaariga caasiga ah oo halkaasi maraayay ay qabsatay.

Audio Player
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip