NUSOJ oo cambaareysay weerarka bambaano ee lagu dhaawacay Weriye ka Tirsan Warbaahinta Qaranka

0
Thursday December 03, 2015 - 19:09:46 in Wararka by
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NUSOJ oo cambaareysay weerarka bambaano ee lagu dhaawacay Weriye ka Tirsan Warbaahinta Qaranka

    Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay falka lagu dhaawacay Hinda Haji Mohamed oo ka tirsan warbaahinta Qaranka agagaarka Jaamacada Soomaaliya ee Waqooyiga Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay falka lagu dhaawacay Hinda Haji Mohamed oo ka tirsan warbaahinta Qaranka agagaarka Jaamacada Soomaaliya ee Waqooyiga Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Weriye Hinda ayaa ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaarigeeda xili ay ka soo baxday Jaamacada Soomaaliya oo wax ka baraneysay, taasoo dhaawac culus uu ka soo gaaray.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay falkaas, isla markaana ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

"Waan cambaareyneynaa falkaas guracan ee lagu dhaawacay weriye Hinda, waxaana ku baaqaynaa in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo falkaas.” Cabdiraxmaan Xasan Cumar, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ayaa yiri, "Waxaan Alle uga baryeynaa in caafimaad deg deg ah uu siiyo Hinda, uguna baaqeynaa dhamaan weriyayaasha in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Sanadkan horaantisii ayay ahayd markii dhaawac culus ay dabley hubeysani u geysteen Farxaan Saleebaan Daahir oo ahaa sawirqaade u shaqeynayay telefishinka Qaranka Soomaaliya 10 April, 2015

Wixii macluumaad ee ku soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa.

1px
©2015 National Union of Somali Journalists is an independent national Journalists’ Trade Union that was established to promote press freedom and defend the rights of the working Journalists for Decent working Conditions. Email: nusojsomali@gmail.com | Mogadishu, Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip