Wasiirka Xanaannada Xoolaha Soomaaliya oo booqday Dekadda iyo Maxjarka weyn ee Magaalada Port Sudaan+Sawirro
Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ee maalmahaan booqashada shaqo ku joogay dalka Suudaan ayaa waxay shalay booqasho ku tageen Magaalada xeebta ah ee Port Sudan halkaas oo ay booqdeen Maxjarka weyn ee xoolaha laga dhoofiyo iyo Dekada Xoolaha ee ku yaal magaalada Sawaakin,waxay kaloo booqdeen dhismayaasha taariikhiga ee ku yaal magaalada Sawaakin iyo qaar ka mid ah mashaariicda waaweyn ee ku saabsan Xoolaha halkaas laga hirgaliyay sida Kawaanka weyn . Wafdiga ayaa safarka ay ku tageen Port Sudan waxa ku weheliyay
Wasiiru-dowlaha Xanaanada Xoolaha Suudaan Dr.Jacfar Abdalla iyo Wasiirka
Dalxiiska iyo Magaaleynta ee Dowlad goboleedka Baxrul Axmar
Saalax,Mayorka Magaalada Sawaakin iyo Taliyaha Ciidanka Gobolka iyo
Madax kale duwan oo ka tirsan gobolka Baxrulaxmar.
Wafdiga markii ay tageen gobol Baxrul Axmar waxaa xafiiskiisa ku soo qaabilay Waaliga(Governor) Gobolka Baxrul Axmar Ahmed Ali Xaamid oo uga mahad naqay booqashadooda isagoo u balanqaadey in wax kasta diyaar loola yahay waxkasta oo ay awoodaan.
Muddadii ay ku jireen safarka Wafdigu waxay u kuurgalayeen horumarka weyn ee Suudaan ka gaartay dhaqida iyo horumarinta Xoolaha iyadoo mar walba laga duulayo sidii iskaashi iyo aqoon kororsi ama khibrad kororsi looga samayn lahaa dhinacyadaas.
Wafidga waxaa la filayaa in maanta oo khamiis ah ay heshiis iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya la saxiixdaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Suudaan.
Wasiirka Xanaannada Xoolaha Soomaaliya oo booqday Dekadda iyo Maxjarka weyn ee Magaalada Port Sudaan+Sawirro
Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ee maalmahaan booqashada shaqo ku joogay dalka Suudaan ayaa waxay shalay booqasho ku tageen Magaalada xeebta ah ee Port Sudan halkaas oo ay booqde